Formaajo ka dib ha laga fekero!

Maqaallo Bashir M. Xersi

‘Talo adigaa ku nool, ee iyadu kugu ma noola’ ayaa la yiraa. Aniguna waxaan dhahaa; ‘ayaandarro waxaa ugu weyn talada oo kaa hoosbaxda!’ Waxaan uga socdaa, tagtada iyo tacaddiyadii dhacay ha noo dambeeyaane, aan u/ka talinno taaganta, si aan timaaddadu nooga hallaabin.

Formaajo ka dib ha laga fekero!

08/02/2021 maalin isniin ah, bartamaha toddobaadka dunida muslinka ah iyo billowga toddobaadka galbeedka waxaa ku eg xilka madaxweynenimo ee Maxamad Cabdullaahi ‘Farmaajo’, ee maxaa la filan karaa in ay dhacaan maalintaa iyo wixii ka dambeyaa inta laga dooranayo madaxweyne cusub?.

Mid waa hubbanti, oo talintii iyo madaxnimadii Maxamad Farmaajo way dhammaan, oo MADAXWEYNE HORE ayuu noqon, waxaana billaabanaya BANNAAN (faraaq) MADAXNIMO, tan waxaa ka dhalan kara, oo ay abuuri kartaa waa fadqaqallo AMNI, oo ka dhaca Muqdisho, oo runtii walwalkeeda leh.

Haddaba, si bannaanaantaa loo buuxiyo, loogana hortago, in dhantaal yimaad, waxay i la tahay, in aan KA FEKERNO FARMAAJO KA DIB, maxaa yeelay, haddii maalintaa isniinaad la gaaro, wixii ka dambeeya qof uu madaxweyne u yahay ma jirto, oo waqtigaa ka dhammaaday, waxaana ka dhacaya aqoonsiga xeer ee bulshadu siisay, waxaana joogsanaya, in ay qasab tahay, in loo hoggaansamo talooyinkiisa, illeyn muwaadin caadi ah ayuu noqdaye!

Haddaba, anigu waxaan uga fekeray Farmaajo ka dib, in labo Maxamad; Maxamad Cabdullaahi Farmaajo; madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamad Mursal Sheekh; guddoomiyaha baarlamaanka iyo Cabdi Xaashi guddoomiyaha aqalka sare, in saddaxdaba la is raaciyo, maadaama kan hore uu ku fashilmay hirgelinta doorasho nooca ay rabto ha ahaatee, labada dambana ay ku fashilneen, in ay kan hore la xisaabtamaan, si doorasho loo qabto.

Marka anigu aragti ahaan waxaan qabaa, in aan saddaxdaa la kala reebin, oo maalintaa wixii loo gaaro aan loo oggolaan, in ay awood iyo itaal ku yeeshaan socodsiinta hwolaha ay ugu muhimsan tahay xasilinta magaalada Muqdisho iyo qaabinta doorashada ay lagama maarmaan tahay, in ay dhacdo bilo gudaheed.

Saddaxdan iyagoo siyaasiyiin ah taladooda way dhiiban karaan, oo waaba xaq aan la dafiri karin, balse, waa in ay dadka kale, oo aan anigu ugu horreeyo u la sinnaadaan talada dalka, illeyn, awoodda oo ay sii hayaan, in ay wax ku dhaamaan ma ahane, waa maragmadoonto in aysan wax ku dhisayn.

Tan kale, waxaan qabaa, in madaxda maamullada dalka oo ah caaqibada keliya ee jiri karta Farmaajo ka dib, qaarkood boob haba ku yimaadeene, madasha murashaxiinta madaxtinnimo, guddiga qaran ee doorashada iyo ururrada rayidka ah, iyagoo kaashanaya qaybaha kale ee bulshada, in si wadajir ah bulshada looga dhex-xulo shan qof oo aqoon iyo lagu xushay hufnaan, si ay dalka uga saaraan marxaladda KMG iyo kalaguurka ah ee uu galay, si aan iska dabawareeg dheer loo gelin iyo tiih aan laga dhammaan.

Anigu waxaan soo jeedinayaa dhawr magac oo aan bulshada ka soo soocday, kuna doortay maqaamkooda iyo magacooda waxayna kala yihiin;

  • Dr Maxamauud Maxamad Culusow 
  • Danjire Abukar Arman 
  • Prof Cabdi Ismaaciil Samatar

Anigu intan ayaan xushaye, adigu in kale oo tiro isdheeri ah oo ka duwan intan noo door, si aan xal ugu helno xaaladda murugsan ee la gelidoona, ogowna xal-u-raadinteedu waa mid qof walba oo naga mid ah deegta u saaran, marka ha yaraysan in aad talo ku darsato toosinta ayaankaaga iyo aayaha ubadkaaga.

Soo dhawaada; guushu, garasho iyo geesinnimo ayaa gun u ah.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.