Fursad Al-Shabab dib ugu soo Noolaato oo muuqata haddii…..…!!

Axmed Cali Sheikh - Inkasta oo dagaalka dhulka lagu tabar yareeyay, haddana kooxda mintidka ah ee Somalia ee Al-Shabab, waxaa weli laga yaabaa inay ka dul boodo dadaalka dib boorka looga jafay ee reer galbeedka iyo Afrikaanak ay dib ugu dhisayaan dalka sida ugu qotada dheer dagaalka u halakeeyay.
Maqaallo Keydmedia Online
Fursad Al-Shabab dib ugu soo Noolaato oo muuqata haddii…..…!!

Hase yeeshee haddiiba aayo danbe u harsan yahay Shabab, ugama mahad naqi doonaan midowgii hore u jiray balse la magacaabay oo ay 9-kii February la sameysteen Al-Qacida, taa beddelkeeda, waxa ay qadartooda ku xiran tahay halgan siyaasadeedka gudaha ee aan wax shaqo ah ku lahyan dagaalka reer galbeedka ee ka dhanka ah argagixisada.

Rajada kooxdaasi, ayaa sida kuwa siyaasadda fur furaay  lee yihiin waxa ay nolol ka heli doontaa heerka uu la eg yahay dagaal beeleed laga yaabo inuu ka dhasho sameynta dowlada cusub ee bddeli doonta tan hadda jirta, taasi oo ah wax ay muhim tahay in laga hor tago inta aan waqtigeeda la gaarin muddo lix bil hadda ka dhiman tahay.

Dadka Soomaalida ah waa kuwa is qabaiileysta, qaarkoodna dagaalo dhulal qabsi ku dhisan horey ay u dhex mareen, sidaa darteedna waxaaa laga yaabaa in haddii dowladda cusub kuwa badan oo ayaga ka mid ah aysan ka helin waxa ay ku taamayaan, ee dib u qaataan qoryihii ay ku hilmaameen kadeedka Shabab, taasina waa fursad cir kasoo dhac ah oo mintidiintu sugayaaan.

“Waaya aragnimadeeda markaan kaashto, waxa ay ila tahay,  gudaha Somalia, marnaba ma dooneysid inaad cayaar kala soo horjeesato waqtiga” ayuu yiri Ken Menkhaus oo ah Professor culuumta siyaasadda ka xariiqa jaamacadda Davidson College oo ku taalla gobolka North Carolina ee dalkan Mareykanka.

“Waxaan ognahay xaqiiqda ah in hanaan kasta oo lagu deg dego uu soo saaro natiijo xun” ayuu ku yiri wareysi, isaga oo intaas raaciyay  “Qorshahan lagu dhameynayo hanaanka kumeel gaarka ah ee dowladda waxa uu wajahayaa go’aano adag oo ku saabsan cidda beel kasta ma tali doonta iyo cida ugu danbeyn wax xukumi doonta, taasina waxay farxad la’aan ku abuuri doontaa Soomaalida badan, kuwa badan oo ka mid ah Soomaalida niyad jabka qaadana waxaa laga yaabaa inay ka haraan hanaanka.”

Ayada oo aysan wanaagsaneyn in mar walba waxa ugu xun la fisho, balse ay tahay in loo diyaar garoobo, ayaa haddana kuwaa  aan soo sheegnay laga yaabaa inay Shabab naf ka doonaan, taasna waa fursad dahabi ah oo Shabaabka filayaan.

Si kasta oo ay tahayba in Shabaab ay sii jirto ama ay noqoto wax laga sheekeeyo, waa arrin aad muhim ugu ah reer galbeedka iyo Afrikaanka wada qorshaha dowladda cusub ee Somalia, mana mooga inay jilbaha u dhigtaan in ay ka hor tagaan wax kasta oo Shabaab biyo dhuunta ugu dhibcin kara.

Ayada oo aan xisaabta laga dureyn alaabaha kale ee laga yabao inay u furmaan mustaqbalka, haddana Shabab iminka xaalka aad ayuu ugu xun yahay.

Waxa ay wajahayaan dagaal oo shan geesood ah, kaasi oo ay ku hayaan dowladda, Amisom Ethiopia, Kenya iyo diyaarado gantaalo ku ugaarsada madaxdooda. Waxaa laga qabsaday magaalooyin muhim ah sida Muqdisho, Beledweyn iyo Baydhaba.

Menkhaus waxa uu lee yahay “ arrinta xun waxa ay noqon doontaa marka qaar ka mid ah hogaamiyayaasha Dowladda KMG ah ee Somalia ee kursi jaceylka madax maray ay isku dayaan inay wiiqaan hanaanka, si ay xafiiska ugu sii nagadaaan.

Axmed Cali Sheikh
Minnesota, USA




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.