Galmudug ma ahayn in ay dhigto Gogol lidi ku ah Dhuusamareeb 1 & 2

Cumar Diini | Shirarkii Dhuusamareeb 1 & 2 waxaa lagu heshiiyey in la qabto doorasho heshiis lagu yahay si dalka qalalaase siyaasadeed looga ilaaliyo. Si loo dhamaystiro heshiiskaas waxaa laysku raacay in la dhiso guddi farsamo oo ka talo bixiya qaabka ugu fiican oo dalku doorasho ku aadi karo dowladda hadda talada haysa waqtigu ka dhammaado. 

Maqaallo Keydmedia Online
Galmudug ma ahayn in ay dhigto Gogol lidi ku ah Dhuusamareeb 1 & 2

Nasiib darro Madaxwenaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mintid ku ah sidii uu xukunka kusii joogi lahaa marka waqtigiisu dhammaado kadib, kuna dhegan doorasho qof iyo cod ayaa si uu u fashilo shirkii  Dhuusamareeb iyo wixii lagu heshiiyey shaqadii ka eryey ra'iisul wasaarihii dalka isagoo adeegsanaya baarlamaan u adeegaya.

Waxaa intaas dheer madaxweynahu wuxuu qaaday talaabooyin sharciga kasoo horjeeda sida magacaabis ra'iisul wasaare ku sime ah, dhisme hay'ad batrool iyo meel marin sharciyo laga qariyey baarlamaanka sare.

Gafafkaani waxay ka caraysiiyeen siyaasiyiinta xilkaska iyo madaxda dowladaha Jubbaland iyo Puntland. Dabca Axmed Maxamed Islaan iyo Saciid Cabdullaahi Deni waxay qaateen go'aan sax ah oo u danaynaya aayaha Soomaaliya laakiin waxaa la yaab leh in madaxweynaha Galmudug oo isagu gogosha dhigay xushmayn waayo heshiisyadii lagu gaaray caasimaddiisa. 

Mudane Qoor Qoor waa la socday qaladaadka baarlamaanka hoose iyo madaxweynaha Dowladda Federaalku ay galeen iyagoo iska kaashanayaan meel marinta doorasho qof iyo cod ah oo muddo kororsi sharci darro ah ku lifaaqan yahay.

Sidaas darteed ma haboonayn inuu qabto shir ka hor imaanaya heshiisyadii lagu gaaray xaruntiisa, iyo inuu u kaalmeeyo garabka wata siyaasadda qardajeexa iyo muddo kororsiga sharci darrada ah.

Madaxweynaha Galmudug waxaa la gudboon inuusan lumin kalsoonida saamilayda siyaasadda Soomaaliya iyo sharaftiisa shaqsi. Sidaas awgeed haddii uusan shirka Dhuusamareeb gaarsiin karin mustawihii uu mudnaa waxaa la gudboon inuu raadiyo qaab dhexdhexaadnimo oo uu kaga dabaasho mashaqada siyaasadeed ee hadda uu dhextaagan yahay.

W/Q Cumar Diini




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.