Geedi & Baadiyow Waa Dhagaxyo Dowladda lagu tuuryeenayo! - Dr. Ali. Hirabe

Dr. Ali. A. Hirabe - Haddii Dhagax lagugu soo tuuro ama lagugu dhufto Ilama ah in Caqligaaga ku siiyo in aad Dhagaxaa la hadashaa ama aad weeydiisaa cida soo tuurtay balse waxaa Caqliga kuu sheegaya in Dhagaxa uu Qof soo tuuray, Qofkaasna uu yahay Ruuxa rabaay in uu ku Dhaawaco ama ku Dilo.
Maqaallo Keydmedia Online
Geedi & Baadiyow Waa Dhagaxyo Dowladda lagu tuuryeenayo! - Dr. Ali. Hirabe

Geedi & Baadiyow xaqiiqdii waa dhagaxa la soo tuuray halka kuwa shirka abaabulay aay noqonayaan kuwii dhagaxa soo tuuray rabayne in dowlada federaalka ee Prof.Xassan Sh.Max´ud lagu kiciyo inta wax magaradka ah halkaasna lagu burburiyo iftiinka dowladnimo ee xiligaan umada Somali u bilowday.

Gudoomiyaha Ganacsatada Jubaland oo la weydiiyay waxa ka jira in Shirkii Hotel Grand Regancy in uu asaga qaban qaabadeeda lahaa ayaa si aanan qarsoodi laheeyn u sheegay in uu ahaa Aabihii ka danbeeyay shirkaa ujeedkana uu ahaa in Prof. Xassan Sh. Maxamud lagu ifiyo reerka uu ka dhashay oo aay ugu horeeyaan Geedi & Baadiyow.

Wax cusub lama aayan imaan shiqoolkaani waxuu bilowday mar hore, sida Taariikhda ku cad markii Prof. Xassan noqday Madaxweeyne Somali waxuu casho sharaf u sameeyay dhamaan inti ka qeeybqaadatay u tartanka xilka madaxweeynenimo ee Somalia, habeenkaa waxaa meesha laga sheegay in mucaarad-danbe aanan loo baahneen marba haddii laga baxay ku meelgaar,guuxa cashada waxaa ugu cad cadaa oo meesha  laga sheegay mucaaradka ugu horeeyaa in aay noqon doonaan Cali Khaliif iyo Axmed Samatar runtiina waa aay dhacday,waxaa xigay abaabulkii xildhibaano isku hadaf ah oo caadifad qabiil ka duulaya in aay Motion keenaan intaba waa aay u mari-weeyday Cali Khaliif iyo Xirtiisa.

Waxaa xigay Hotel Grand Regancy shirkii lagu qabtay oo aay ka qeeybgaleen ragii ku fashilamay siyaasada Somalia oo uu ugu horeeyo Cali Khaliif ,Cumar C/dirashiir ,Gaandi iyo danbiilihii weeynaa ee Mohamed Darwiish,kuwaas oo lahaa abaabulka Jubbaland sow lama dhihikaro Jubbaland ayaa kuwii maleegay Hotel Grand Regancy shir ugu qabtay rag mucaarad ah oo aay is xigaan reer ahaan Prof.Xassan caalamkana loo sheego in dowladnimadii fashilantay.

Dowlada Federaalka waxaa quman in aay noqoto Dowlad adag oo wax ka qabata kuwa dulaanka ku ah iftiinka umada Somali u bilowday. Waxaa quman in Xassan Daahir Maxkamad la soo taago si umada u qirto in dowlada tahay dowlad adag oo wax qabata,maaha in odayaal Mudulood iyo H/gidir aay ku dul wareegaan Madaxweeynaha sabbabta oo ah Xassan Daahir waxuu danbi ka galay Somali Xassan Sh. Maxamud howl u taal maaha, Jawaari howl u taal maaha waxaa loo baahan yahay in xeerilaaliyaha dowlada  iyo maxkamadaha dalka howshooda in aay qabsadaan si cadaalada loo taageero, sida oo kale kuwii dilay gabadhii ku xigtay G.degmada Yaaqshiid waa in maxkamad la soo taagaa haddii kale dowlad ma jireeyso.

Dowladnimada waa in aay noqotaa mid awoodeeda Shacabka uu dareemo, kan aan xooga laheeyn ee kan xooga leh ku dhibaayo in uusan xoog laheeyn waxaa quman in dowlada ka qabato una tusto kan xoga sheeganaya in laga xoogweeyn yahay.

Ramadaan Wanaagsan Allow xaqa na waafaji.

Dr. Ali. A. Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.