General Caydiid oo ka dardaarmay Farmaajo oo kale

Maqaallo Keydmedia Online

Halkaan waa Farjanno, bishuna waa 16dii Janaayo 1991, waxaad arkeysaan Generaal Caydiid iyo ciidamadii uu hogaaminayay qeyb kamid ah oo ku jiheysan Magaallo madaxda Muqdisho oo Rajiimkii Siyaaad Barre shacabkii si ba’an madaafiic ku leynayo.

General Caydiid oo ka dardaarmay Farmaajo oo kale

Hogaamiye ay u caddeed waxa uu rabay iyo meesha uu u socday

Sida la ogsoonyahay, Halgankii lagula jiray Siyaad Barre waxaa udub dhexaad adag u ahaa Gen Maxamad Faarax Caydiid, oo ahaa hogaamiye ay u caddeed waxa uu rabay iyo meesha uu u socday, ugu dambayna guul weyn ka soo hooyey halgankii Soomaaliya looga xoreynayay Kaligi taliskii Siyaad Barre.

Waa subax aroorya ah oo taariikhdu tahay 17/01/1991. Gen Caydiid oo ka yimid degaanka Farjanno oo uu ka waday abaabul ciidan ayaa wuxuu soo gaaray magaalada Jawhar xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gen. Caydiid markii uu galay magaalada Jawhar, ee uu waxyar joogay, ayaa mar qur ah warkii wuxuu wada gaaray bulshadii magaalada, markaasbaa dadweynihii farxad isugu soo wada baxeen, iyaga oo muujinaya sida ay maqsuud uga yihiin halganka iyo dedaalka uu wado gen Caydiid, una eg sidii dad abaar jooga oo roob u da’ay.

Dadka isu soo baxay waxay kala ahaayeen labo qeybood: Dadkii magaalada hore ugu noolaa iyo kuwii ka soo qaxay Muqdisho oo kasoo cararay madaafiicdii rajiimka Siyaad Barre caasimadda ku garaacayey.

Dadka isku soo baxay oo kala ahaa qaybaha bulshada oo dhan ayaa waxaa ka mid ahaa dhaqan iyo aqoonyahanna oo aan ka tilmaami karno ina Sheekh Aways; sheikh caan ku ahaa dariiqada qaadiriyada.

Qudbaddii uu gen Caydiid dadka ugu jeediyey magaalada Jawhar ayuu ugu sheegay, in halgankoodii mira-dhalay oo hadda wixii ka dambeeya ay xor yihiin, dhiig badanna uu ku baxay xorriyadda ay maanta haystaan, oo rag badan u soo dhibaatoodeen.

Generaal Caydiid wuxuu aad ugu adkeeyey, in ay xornimada ay manta haystaan ay ku fara-adaygaan, aadna u ilaashadaan, iyagoo ka dhawraya in ay ku laabtaan kadeedkii la soo maray, oo dhabtii eheed dardaaran cad.

Hadalkaas wuxuu muujinayaa indheergaradnimadda iyo waayaa-ragnimadda Gen Caydiid.

Waa nasiib xumo in soddon sano ka dib maanta lagu suganyahay xaaladdii uu shalay ka digay Generaal Caydiid.




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.