Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Dil, dhac iyo xasuuq waxba layskuma reeban. In kastoo magacya badan loo bixiyey, weli ma bogsan nabarada uu geystay dagaalkii sokeeye.
Taa waxaa ka sii daran Qax iyo barakac oo Dad badan weli la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen aan haatan la garaneynin. Waxaa intaa sii dheer, godobta ay beel kasto tirsaneyso oo aan weli dhiig iyo mag toona lagu xisaabtamin.
Dagaalkii Sokeeye wuxuu lahaa raacdo iyo guluf colaadeed sanado badan jirsaday. Taasoo aan ka marnayn weerar iyo humbaaleyn joogta ah oo Shicibka loo geystay. Farahaa layskula tegay oo gudin iyo fajaas Qof waliba wuxuu Gacanta ku haystay ayuu la Dagaal tegay.
Waxaa xigay Hubka Culus ee hoosar iyo kan darandooriga u dhaca ee dowladuhu ku halligaan cadawgooda baa Reer waliba circa u ganay yirina "Car!" oo waa laysku cudud sheegtay, looma turin qof taag daran, wayeel iyo caruur warkood daa.
Ma jiro malaha Reer aan Qoriga-AK ugu jirin xatabadda ama xero-weyloodka. Weyna yartahay Qof aanan aqoon sida Qori wax loogu shiisho ama tacshiirad huwin karin halkuu Qof wax uga shakiyo.
Kolkaa waxaa banaanaaday kaalintii dawliga ahayd markay dadku u fasirteen in xukuumadu la mid tahay gumaad iyo dhaca dadweynaha, sidii looga bartay Rajiimkii kaligi traliska ahaa ee ku Caanbaxay Cadaalad Darada, Sadbursiga, Eexda iyo Caburin Caqliga Muwaadinka markaasnah la aamini waayo wax dawladd la yiraahdo.
Markii Rajiimkii meesha ka baxay waxay keentay in dalka iyo dadkuba shisheeye iska maamushaan oo siyaasiyiinteenu haye raac noqdaan.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaali weli ma wada hadlin oo wixii laysku geystay lagama fariisan oo kii nabarada geystay iyo kan dhibanaha ah looma kala garqaadin. Haddabo gobalaysi iyo siyaasad isku qab-qabsiga beelaha is diidan in laysku sidko lana yiraahdo: “miro daray duuduub baa lagu liqaa, ee isku taga oo gobolladiina meel qura halaga xukumo.
Taasi waxaa ka dhalan karto caqabad halis ah, keeni karto gocasho hore dhaliso golongol iyo baaba’.
Waxaa laynoo keenay oo xal la mooday habka Federalism-ka oo la garaneynin cidda ku aflixi doonto. Haseyeeshee, waxaa laysku raacay in un dowlad magaceedu noqdo: “Dowlada Fedaral-ka Somaliyeed.”
Habkan Federalismka waxaa dhacday in qof waliba siduu jecelyahay u micneysto oo markaa qabiilba meel oodto. Waaba yabee dad isku diin ah, isku isir ah, iskuna Af ah sidee loo kala qoqobaa oo xuduudo loogu kala sameeyaa. Waxay taa inagu noqotay xujo aan xal lahayn. Oo waa sidii habka hantiwadaaga “Socialism”oo kale ee Soomaali horey u soo martay.
Mabda’aasi caqabadda ugu weyn waxay ahayd in aanan la fahmin oo erayada loo adeegsaday laga soo min guuriyey Kitaabada Af-ruushka ku qoran, nasiib-darro xitaa "Macalinka weyn" ayaanan fahmin qodobada iyo faqradaha xeerarka hantiwadaagga ka koobnaa, kolkaas baa dadka lagu yiri, "barta mabda’a oo ku dhaqma.” Si Bulshada loo Jahawareeriyo.
Sida muuqato Soomaali kuma socoto wadadii saxda ahayd ee lagu gaari lahaa xal waaro kol hadii aan naf ka raadineyno Fedaralism. Away xeerbeegtii Somaliyeed ee kala hagi lahayd dadka Somaliyeed ee weli isku ciil qaba, rabana in markale hub laysku gumaado.
Jabhadeenta in Waqtigaan Dib loo Jabhadeeyo oo Faroole uu Buska ka jafo, uu Qabuurta kasoo bixiyo Jabhadii Burburtay ee SSDF, in Xisbi loo bixiyay Kablalax Kismaayo laga furo, in Dadka soo daalay Kolkii ay nasan laheen Shido iyo Qas lagu Abuuro si kastaba ha ahaatee, anigu waxaa ila haboon in Soomaali noqoto dad is-fahmo oo daryeela dadkooda iyo dalkooda.
Taana waxaa lagu gaari karaa in bulshaweynta is-dishay laysku keeno oo gacmaha lays qabsado oo markaa wixii dhacay layska xaal mariyo. Oo dadweynaha lagu dhiirigeliyo nabadeynta, is-dhexgalka bulshada lagana dhaadhiciyo midnimada iyo wadanoolaashaha in ay muqadis tahay.
Taas ayaa baabi’in karto gocashadii hore ee dhalisay golongol iyo baaba’.
Cumar Axmed - USA
Add comment
Comments