GORGORTAN BUU AHAA EE HESHIIS MA AHEYN!!! + (Daawo Video iyo Sawirro)

Dr. Ismail Malaas - Waa meel aaney sharafi ool lagana aqoon goobta Baarlamaanku, wax yar baa waddaninnimo ku hartay, sharafna aan lacag ku iibsan, haa kalsooni waan ku siineynaa Shariif Axmed iyadoo loola jeedo qofka kalsoonida la siinayo R/wasaaraha cusub Max’ed C/llaahi Max’ud (Farmaajo), sharadse waxaa ah in aad adiguna ogolaaneysid inuu wasiirada uu dhisayo ay ka mid noqdaan C/rashiid Cirro, xildhibaan C/risaaq Jurille, Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Fowsiyo Max’ed Shiikh, haddii kale “GAW” ma leh.
Maqaallo Keydmedia Online
GORGORTAN BUU AHAA EE HESHIIS MA AHEYN!!! + (Daawo Video iyo Sawirro)

Sidan waxaa ka muuqata in awood aaney kala laheyn seddexda awoodood ee madaxtooyada, golaha fulinta iyo golaha sharci dejinta, balse awoodo qabiil ay jiraan, awoodahaasoo si shaqsi ah uu ugu shaqeysto mas’uulka, si gaar ah haddaan u tilmaamo loo yaqaano Shariif Sakiin  oo baangadiisii naafowday balse la soofeeyay, waxaa kaloo socda beryahan in magaca shariif  aanu lahaan jirin ninka isla markaana uu magaciisa yahay Xasan Shiikh Aadan, ereyga Shariifna aanay dadka caamada ah ee Digil iyo Mirifle ay diin ahaan u jariiracoodaan  markay maqlaan qof tiitalkaas ama magacaas sita.

Ereyga ashraaf ama Shariif xittaa goballo kale ee Soomaaliya ayaa aad loo xurmeeyaa reer baadiyaha gobaduna, kuwa weliba  raacatadu ku badantahay xoolaha ayeey siiyaan, weliba ariga jarta ah, hadaba ereyga Shariif muxuu macnahiisu yahay?.

Ereyga Shariif waa qof hufan oo ceeb ka saliim ah marka la eego afka carabiga, Soomaaliduna waxay u heysataa in Shariif qofka la yiraahdo uu ka mid yahay dadka NNK ha ahaatee ku abtirsada, macnahaanu waa been oo ashraafu qureysh markii la yiraahdo  waxaa la oran jiray kaaba qabiilada qureysh iyo qof kastoo ceeb ka saliim ah, nabad ka talis ah, xaq aadane kale aan xadeyn si daacad ah oo ammaana ahna dadkiisa ugu adeegaya .

Xasan Shiikh Aadan waa qof aad iyo aad uga fog Sharafta waa qof u bareeray inuu inta uu xilka hayo ka maaleysto, tartanna kula jira maalqabeenada Soomaaliyeed ee dibadaha jira.

Mr Juriile horey ayuu u liqay hanti dadweyne  oo adeegana wuu u ahaa kaligii taliyihii Max’ed Siyaad Barre “FAI” Fondo Aiuti Italiani, oo ahaa mashruuc kaalmo misna wajiya badan lahaa  si gaar ahna u xilsaarnaa dhisidda jidadka lacaga badan ayuu ka xaday una xaday qoyskii kaligii taliyaha Soomaaliya.

R/wasaaraha cusub wuxuu balan qaaday isagoon weli xukuumad dhisin kalsooninan helin inuu dhisi doono  xukuumad taya leh musuq maasuqana uu la dagaalamayo , dadka jeebabka waa weyn lehna waa in ay jeebab yar yar yeeshaan, kalsooni siintiisii kadibna ereyadaasi wuu ku celiyay.

Ma aanu ogeyn in libaaxyo badeedyada miciyahooda dhiiga ka daadanayo ayna  u adeegayaan dad ku xeeldheer sida qaaradaha kale shirkado looga maalgashado,

Dadkaasi waxaa u horeeya C/risaaq Jurrille oo maal uu horay u xaday shirkado dalal Aasiya ku yaala gashaday.

Hadaba beesha caalamku weliba Maraykanka iyo midowga Yurub kama qarsoona qofka uu yahay Shariif Xasan iyo yeey yihiin iyo waxa ay ku sifoobeen dadka uu ku gorgortamayo inaan marnaba laga tageyn xukuumad kastoo dhalata.

Shariif Xasan ama Xasan Shiikh Aadan sida saxa ah markii Hotel muna lagu laayay xildhibaanada iyo saraakiisha wuxuu ka mid ahaa madaxdii soo booqatay, Hotelka buu hor istaagay wuxuu ogaaday wixii dhacay ma hadlin sida madaxdii kale umana tacsiyeen dadkii ay ka dhinteen dadkii la laayay, wuu iska tegay, hadaba bal wax yar feker qofka hadaladeydan akhrisanayow, Xasan Shiikh Aadan  soo ma gudbineyn xaqiiqda meesha ka dhacda.

Xasan Shiikh Aadan gudoomiyaha Baarlamaanka, Roobow Abuumansuur iyo saaxibadiisii fuliyay arintaas ayuu u hanbalyeeyay guulna yiri, shakina kuma jiro inuu maafiyo caalami ah ka mid yahay, adeeg gaar ahna wuxuu u fuliyaa Meles zenawi.

Dadka Soomaaliyeed hanqashaa laga doonayaa “RINASCITA”  dad dhintaa naloo yaqaan ee inaan noolnahay aan tusaaleyno dunida.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.