Guluf Colaadeed Lagu Martoo Dhaliyey Tacaddi Iyo Eex

By Cumar Axmed - Maalin maalmaha ka mid Aniga oo xoolo waraabsanayo baa Oday madow, oo aad moodid in uu irid ka xaluulanayo dherer awgiis isoo dul istaagay.
Guluf Colaadeed Lagu Martoo Dhaliyey Tacaddi Iyo Eex

Wadaantii baa biyaha ka shubay, kolkaas baan salaamay, isaguna iiga guddoomay salaantii si dabacsan. Odaygu baan sare u eegay, oo waxaan arkay in indhihiisa ka muuqdaan tiiraanyo iyo niyad xumo.

Wuxuu ila ekaaday nin waxa uu ogyahay walaacinayaan doonayana inuu ii sheego waxa indhahiisu arkeen ee maskaxdiisu ku keydsan. Malaha wuxuu ka niyad xunyahay waxyaabo hore oo wadnihiisa taabatay, tolow ma geeraa mise waa dhul gariir reera laayey, mayee odaygu ma geeri baa gashay oo haweyneedii u dhaxday baa ka umul raacday, iyadoo reebtayna sideed iskuma qaddo ah oo barkood mataano yihiin. Ama waxaa ka goblamay curad labatan jir saday uu islaha ha kuu ciidamiyo aad ugu nasatid.

Anigu waxaan la fajacay eegmada odayga iyo siduu ii jaleecayo oo waxaan isri malaha miciin buu ibiday oo wax awoodiisa ka tan badan baa jiroo armuu hiil iiga baahan yahay. Intaan u dhawaaday baan u dhiibay agaan biyo ah si oonka iyo asqada uga ba’o. Intuu odaygii biyihii laba jeer kabaday buu cod xasillan igu yiri: “Waxaan soo maray jid cabsi badan oo meedad fara badan yaaliin.

Waan gartay dakaasi intooda badan oo wejigoodu waxay ahaayeen dad deris ah, xigto iyo xigaalo oo caro iyo ciil la karaar dhaafay inta ay wada daganaayeen. Waayo in badan baa geyigaas ka aloosnaa, tacaddiyo badan, eex iyo xad-gudub oo markaas manta waxa dhacay dagaalkan caruuro gawraca ah ee dad badan ku hoobteen.”

Odaygii oo weli sii wado hadakiisii baa i weydiiyay, “soo kama baqeysid in colaada  soo gaarto geyigan oo sida nabadda ah aad xoolaha ku waraabsaneysid? Soo kama baqaysid in colaadu ku galaafato adiga, dadkaaga iyo xoolahaagaba?”

Intii aanan u jawaabin baa willkiigii xoolaha horayey hadalkii la booday oo horaa loo yiri “nin yari intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa,”oo war dagaal iyo colaadda aad sheegeysid waa waxay ka dhaceysaa carri fog ee Adeer, hana walaacinin.”

Odaygii baa yiri, “Maya, colaaddu idinkama foga oo waxay idiin jirtaa laba caano- maal.”

“Aabo, xoolaha inoo shub, oo inaga daa odaygan war-xun sheegga ah.” Buu inakii yaraa si caro leh u yiri.

“Maandhow, miyaadan ogayn in dagaalku yahay sida dab dabeyli waddo oo wax ka dheereen og?”

Anigu intaan arggagaxay oo aan wadaantii biyaha degdeg uga shubay baan bari iyo galbeed eegay oo hadalkii odayga baa igu dhaliyey dhiillo colaadeed. Isla daqiiqad gudahood baa maskaxdeydii ku soo dhacay gabaygii abwaan Sangub ee Xoriyo. Waxaan filayaa in dadweyne badan ay daawadeen, laakiin daka intiisa badan ma dareemin dhiillada colaadeed ee waagaas abwaanku odorosayey.

Waxay dadku la ahayd mustaxiil maanka ka weyn in dadka gaboodfalka lagu smeynayo maalin un madaxa la soo kaci doonaan sida aduunkaan qallibmay ee odaygu ii sheegayo maanta.

Odaygu madaxa ayuu hagoogtii saartay illeyn talo waxay ku ibbo-beeshay baqo-carar iyo ninba in uu naftiisa badbaadiyo. Odayga tiiraanyada indhahiisa ka muuqdo malaha waxaa ka fajiciyey waxa ay indhiiisu arkeen oo uu marqaatiga ka yahay, laakiin abwaanku wuxuu gabaygiisa ahaa odoros iyo xiddigis (Cilmi Falag) runta magansaneyso oo wuxuu afka ku dhiftay duulaan iyo guluf colaadeed in uu geyigu ku soo fool leehayay. Waxaa ii muuqdo weli abwaanka oo gabaygii xanuunka badanaa soo jiirayaan dibnahiisa isagoo leh:

Gudcurkiyo cadceedan isqabsaday, hadalkan gaagaaban,
cilmi falagga guurey ee dayaxa guudka laga saaray,
Gordane iyo suhradan kala durkaye godobta sheegaaya,
Guntane iyo bayaatkan isdhacay ee geella ka qaaday,
Gartan uu afyuubkii lahaa geli aqoon waayay,
Ximrahan gudinta soofaystay ee gamasdka dhiigaystay,
Lamaanahan gucleeyay ee u tegay dirirta gowriira,
Gaadhanahan ordaaya ee derderay guubiska hurdaaya,…….

Muddoo markuu odaygii i agtaanaa aniguse dhaqaaq la




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.