Gurmadka Turkiga iyo Gaabsiga Carabta

Bashir M. Hersi - Todobaadkii tagay ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “Dhalanrogga Carabta”, ujeedkuna ahaa iftiiminta dhibaatada Carab xaggeeda nooga timid, waa caadadeennee markii Carab carrabka lagu dhuftu ninbaa burura!, maqaal ayaa la iigu jawaabay, ujeedkiisa lagu saleeyey Carab nacayb!, caado ahaan...
Maqaallo Keydmedia Online
Gurmadka Turkiga iyo Gaabsiga Carabta

Marka dhaqan xumada Yuhuudda ama qaladaadkooda la sheego, ayey ku gambadaan Yuhuud nacayb “Anti-Semitism”, sidaa si la mid ah, marka la tilmaamo waxyeellada Carabtu ku hayso Soomaalida, waxaa la adeegsadaa hubka Carab nacaybka.

Ujeedka qormadu ma ahan naqdin iyo ka dabaqaadasho, maahmaah ayaa oranaysa: “WAXAA JIRTA GAR AAD NAQAYSO  KUGUSE NAQSAN”, Anigu iska hadli maayo, waxaan soo bandhigayaa caddaymo iyo dhacdooyin aan cidna qarin karin, “Calaacali Qorrax ma qarin karto" ee ninkii Carab difaacayow burhaantaada la imaaw, midna waa ceeb iyo gef aqooneed, in la isku qaldo dhaqanxumada Carabta iyo Luqadda Carabiga, sida uu adeegsaday ninkii maqaalka iga daba qaray.

Abaarihii ka dhacay Wadanka ee saameeyey beer bar xoolaad iyo banii’aadamkaba, waxaa dunidu uga jawaabtay siyaabo kala duwan, afgobaadsi hadal macaan iyo haasaawo, ku ekaa afka iyo bishamaha dacalkooda, waxaa ugu horreeya kuwaa: Qaramada midoobay Maraykanka iyo Yurub, oo aan marnaba deeq la sheego ama la shaahido midna goobta keenin, waxaadba mooddaa inay isla meeldhigeen Alshabaab.

Dawldaha qaarna gayiga waxay ku yimaadeen gabigood oo aan cidna ka maqnayn, tusaaluhu waa cad yahay.

Muqdisho waxaa yimid madaxa ugu sarreeya xukuumadda Turkiga mudane Erdogan, ayna wehliyeen dhaqaatiir ganacsato iyo saraakiil sare oo ka tirsan xukuumaddiisa, booqdayna xeryaha qaxootiga, Isagoo sheegay in baaxadda dhibaatadu ka weyn tahay middii Darfur, ayaan darro Darfur madaxda dunida dhan wey tageen, balse Soomaaliya cidna ma imaan, fasir ayey u baahan tahay.

Turkigu wuxuu ku deeqay macaawino mug leh, dhaqaatiir u heegan baxnaaninta bukaanka baahan, ballanna qaaday dayactirka waddooyinka iyo xarumaha dawladda, ayna billaabeen hawlgalkeeda, macaawino sooreed kaliya kuma deeqin Turkigu, ee waxaan ka maqnayn deeqo waxbarasho iyo tacliimeed, ayaan darrase dhasha Carbeed falkay u gaysteen ardadii waxbarshada u socdaali lahayd waa loo wada joogay, qaraxaa oo lagu macnayn karo inuuba ku wajahnaa dawladda Turkiga, ahaana farriin siyaasadeed, ujeedkeedu ahaa inuusan Soomaaliya ku soo degdegin.

Taasi Turkiga kama leexin ujeedkiisa, wuxuuba galay guluf siyaasadeed, oo uu dunida ku baraarujinayo dhibaatada gunteeda iyo in la isu garabsado, khudbad taariikhi ah ayuu ka jeediyey jamciyadda qurumaha ka dhaxaysa, Isaga (Erdogan) oo sheegay in aan Soomaali lagu fiirsan dhibaatada haysata maanta, wadamada Soomaali u soo gurmaraday Turki kali ah ma ahan, waxaan la halmaami karin Qatar iyo Kuwait, dadka qaarse dhihi doonaan saw Carab ma ahan kuwani? Sax, balse cirbadi bad maxay ka qoyn, baaxadda dhibaatada ma dabooli karaan labadaan dal? Teeda kale miyey wakiil ka yihiin Carab? Mise magacooda ayey ku socdeen?.

Waxaa xusid mudan dawladda Iran, ayaan darraduse waa markaan dul istaagay maqaal ku soo baxay mareegta Alshahid, ee qoraagu ku leeyahay waa in la iska jiraa dawladda Iran, maxaa yeelay waxay faafinee mabda’ Shiiciga, walaalayaalow waaba su’aale: nin baahan maxay u kala dhaamaan Sunno iyo Shiico? Wuxuu dalab u diray qoraagu dalwadaha Sunniga ee waaweyn inay ka hortagaan arintaas, Su’aal kale: keebaa qatar ah: naf qurbaxaysa mise naf Shiici nqonaysa?

Aan u laabto waxqabadka Turkiga, waxay qaadday ardadii dhaawucu ka soo gaaray qarixii halaagga ahaa, ee sidaan tilmaamnay loola dan lahaa Iyaga, tallaabadan oo noqonaysa geesinimo weyn, maadaama aysan saamayn ku yeelan dhacdadaa, dhanka siyaasadeed wali waxaa socda dadaalkii ay ku doonaysay in la keeno Soomaaliya ciidamo ka socda ama u badan wadamada Muslinka, si loogu badalo ciidanka Afrikaanka ah ee UNISOM, dawladda Soomaaliya maxayse kaga jawaabtay qorshaha dawladda Turkiga?

Dawladda Soomaaliya ma soo dhaweyn qorshaha Turkigu wado, waxayba ku dhaqaaqeen falal liddi ku ah ama loo qaadan karo inay fashilnayo qorshahaas, waxay ka mid noqdeen dawladihii ka dareeray khudbadda madaxweyne Njad, uu ka jeedinayey jamciyadda qurumaha ka dhexeysa, waaba su’aale ma Yurub iyo Maraykan ayaa la yiraa? Mise wakiil ayey ka yihiin? Teeda kale Iran waxayba ku jirtay dawladaha gargaarka Soomaaliya safka hore uga jiree, ma xaqbaa in madasha looga koco? Ama loogu abaal gudo sidaan?!

Haddii Turki sidaa noogu soo gurmaday, Carab maxaan ka guddoonnay? Ugu horrayn waxaan ku dhex jirnaa sabanka xerta Carabta, macnaheedu ma ahan in dhibaatada Soomaali soo billaabatay 2006-dii, sida dad badan qiil dhaliileed ka dhigaan, marka Carab iyo dhasheeda la muujiyo waxa ay Soomaali ku hayaan, sida ninka maqaalka iga daba qoray uu qeexay, marka laga reebo labada dal ee aan horay u tilmaamay ee Qatar iyo Kuwait, inta kale Carab waxba nagama soo gaarin.

Ninkii Soomaali ah ee Carab isu arka ama isu aaminsan Isaga yeelkadiiye, inta Soomaalinimadu la weyn tahay kuna weyn tahay yaan la sillayn? Yuusan mawduuca ila galin Carabnimada Soomaalida ee uu naga deeqay Abwaan Yamam Allaha u naxariiste:
 
Afrikada madaw iyo
Oromada aan wada naal
Ma intaan illoobaan
Abuu Haashim galayaa?
 
Waxayse dhabtu tahay, in waxa maanta ka dhacaya Soomaaliya, aanay Soomaali dhaqan iyo dhur midna u lahayn, miyaan isku diidaynnaa inay diin Carbeedka xaggeeda ka yimaadeen? Ninkii diidan yeelkiise, danteenuse kuma jirto in diin ku sheeg shacabkeenna lagu danneeyo, deeqdii loo keeni lahaana looga hor istaago, waa meeshaan ka iri:
 
Ninka diinta sheegtee
Dadkiisana dilaayee
Dalka olol ku shidayee
Daaraha gubaayee
Dakadaha xiraayee
Shisheeyaha dillaal u ah
Dar Allee muxuu yahay?!
 
Ardadii dorraatee
Dhiiggood la daadshee
Xinjirtood da’aysee
Jidka daadsanaayeen
Dabku uu ka ololayey
Ninka diin ku sheegaa
Dar Allee muxuu yahay?!
 
Ninka diinta sheegtee
Dumarkiyo caruurtiyo
Marastiyo ducufada
Dabacsani tusaynoo
Duqowdana dhibaayee
Safka hore dagaalkiyo
Naaraha u daabuli
Dar Allee muxuu yahay?!
 
Ninka Diinta sheegtee
Dadka ay abaartiyo
Gaajada iyo diiftiyo
Asqadu ay la daristee
Dunidu ay gargaar iyo
Deeqo ay u keeneen
intuu diiday keligii
danbi weeye oranaa
Dar Allee muxuu yahay?!
 
Ninka darajo doonaya
Ee diin gabbaadsada
Dariiqeeda weeciya
Ujeedkeeda daahira
Dugsiga iyo quraankii
Been iyo dacar iyo
Xaglo daacin ku badalay
Dar Allee muxuu yahay?!

Silsiladda deelleyda qarniga 21-aad Maansada Duban.

Deeqdii hore ee carabta waxay ahayd walaalka dil Jannaad galaysaa, tan xilligan abaartana waxay noqotay, dalka macaawico lama keeni karo, asalna uu ahaa walaalka qarxi Jannaad galaysaa, maya waxayba ku dhaqaaqeen inay inta dawladda garab maraan Alshabaab raashin u gudbiyaan, sida ay sheegeen sirdoonka dawladdu, shakhsiyaadkii u geeyey raashinka Alshabaab waxay ka soo dageen garoonka Aadan cadde, waxay huwanayeen magac hay’ada Carbeed, waxaan sheegayey ma soo bexeen horta? Gaar ahaan qormadii todobaadkii hore aan ku caddeeyey.

Laba shay carab nagama qabtaan, waa mide in dhalinyaradii ay sun diimeed u meersheen, Anagoo qaatir ka taagan qaraxooda iyo qorigooda, inay noogu daraan inay magac hay’ad Islaami ah haddana horteenna ugu gargaaraan, waxaan filayaa in kuwii ka dambeeyey falkaa cadaaladda la hor keeno, hay’addii fulisayna tallaabo sharciga waafaqsan la marsiiyo, kuwa caynkaa ahna laga mamnuuco wadanka gudihiisa, si weynna looga foojignaado hay’adaha magaca diinta ku yimaada, maxaa yeelay diintoodu waa dabargoynta dadkeenna.

Gabagabadii, Maahmaah ayaa dhahaysa: “LIBAAX NIN GANAY IYO GALLADAY KALA OG”, haddaba Soomaali u kala soocan ninkii gargaaray iyo ninkii gumaaday, waxaanse dhihi kuwa Carabta u heellan, in taariikhdu dhigmayso, wadankuna burburkan uusan ku sii jireyn, ee maad sida isu dhaantaan, maalin walba diini gabbaad idiin noqon mayso, dadku wuu gartay inaan diini meesha oollin.
 
F.G: Qormadu waxay ahayd inay soo baxdo maalintii dhulgariirku ku dhuftay wadanka Turkiga, dib waxaan ugu dhigay inaan la wadaago dhibaatada baaxadda leh ee ku habsatay, aanna filayo inay Soomaali badan ila wadaagaan dareenkaa.
 
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.