? Guuleed oo Is-casilay & Weerarkii Shalay

Keydmedia Online — Saacaddo kadib, markii Koox ku hubaysan Qoryo Fudud & Suumanka la isku qarxiyo ay Maanta (Sabti) Weerar ay Dad badan ku Nafwaayeen ku qaaday Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, waxaa Kursiga baneeyay Mas'uulkii ugu horeyay.
? Guuleed oo Is-casilay & Weerarkii Shalay

Argagixisadda Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa waxaa Maanta u suurtagashay in ay Weerar Xooggan ku qaadaan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Weerarka oo ku billowday Qarax Gaari Nooca Toyota NOAH ah ayaa waxaa lagu qarxiyay Irrida laga galo Dhismaha, waxaana xigay in Niman hubaysan ay gudaha u galaan Xarunta oo ay dileen Qof kastaa oo kasoo horbaxo.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo ilaalinayo Xarunta Baarlamaanka ayaa si geesinimo ah Dagaal la galay Kooxda Weerarka soo qaaday, iyadoo uu dhacay Dagaal Maryo-Dhiig leh lagu kala furtay oo Daraasiin Dad ah ay ku dhinteen sido kale ay ku dhaawacmeen.

Wariyaha KON ee Muqdisho oo Goobta gaaray ayaa sheegaya in Indhihiisu ay qabanayaan Meydad badan oo uu ku qiyaasay 30 Qof oo isagu jira Ciidamo iyo kuwii Weerarka soo qaaday Al shabaab.

Illaa hadda inta la ogyahay 15 Qof ayaa ku dhimatay Weerarka, iyadoo in ka badan 24 kalena lagu dhaawacay kuwaasi oo ay ku jiraan 3 Xildhibaan.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay Mas




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.