Ha Na-loo Garnaqo - by Dr. Ali. A. Hirabe

Taariikhda ayaa Qori doonta Wiilka yar ee Somaliga ah iyo Cabdiweli oo sheeganaya in uu xilka Somali hayo sida aay kala yihiin aragti ahaan. Waqtiga ayaa kala duway waxaan soo xusuustay Riwayadii aheeyd aduunyooy waallaleey oo aay ku jirtay: (Waqtiga) Marbuu ku wanaajiyaa Wakhtigu kuu hiiliyaa Walaalkii ka dhigaa Sidii waqal kuu da`aa Weedhaadana lagu? Qoslaa Dadkana tahay ruux la weyn.
Maqaallo Keydmedia Online
Ha Na-loo Garnaqo - by Dr. Ali. A. Hirabe

Kuwa xilka haya habdhaqankooda aadinimo iyo sida aay u wajaheen dadka macluusha iyo abaaraha aay ku habsadeen waa kaaf iyo kala dheeri, waxaad arkeeysaa qaarkood oo ka faanaya in aay salaamaan, dhunkadaa,  kor u qaadaan caruurta gaajeeysan ee SOOMAALIGA! ah ee aanan laheeyn qaarkood waalid iyo wallaal una baahan naxariis iyo maxaba muujineeysa in kuwa xilka qaaday aay ka damqanayaan waxa shacabka aay ka dhasheen haysta.

Haddii aad daawato Marwada R/wasaaraha Turkiga Emine Erdogan Ilaah ajar iyo xasanaad aan la soo koobi karin ha siiyee sida aay u wajahday iyo raxmada ka muuqata bal ila fiirso akhristow labadaan sawir.

R/wasaaraha Somalia Xaaskiisa waxaad moodaa in aay ka mid aheeyn reerka ay wax siineeyso balse sidii dad aayan isku jinsi aheeyn ugu taagtay sadaqadii halka Marwada Erdogan noqotay marwo reerka ka mid ah dhex fadhida muujineeysa in aayan ka weeeyneeyn balse islaamka uu sheegayo in leeysku naxariisto oo weliba leeysku damqado.


Marbaad kala weecataa Waayuhu cadaw kuu noqdaa Wacdigaad aadmiga fartaa Marbuu wehel kuu dhalaa Aduunyooy waalaleey Aduunyooy waaya badan Warwareeg maadaa i yidhiyeey Fartiyo wadnaha fartiyo wadnaha Fartiyo wadnaha isku qabo.

Xaqiiqdii waayaha iyo waqtiga ayaa cadow ku ah umada Somali oo keedii xilka u hayay ka faanaya, is kala weeyn, damiirkiisa uusan waayay in Dharka uu wataa uusan ku habooneeyn in uu xero Shacab Dhar laáan uu u tago, waxaa qumaneeyd in aay dharka caadi ah qaataan eeyan wax cunin tonka jeer balse nafta ku sasabaan waxa aay ku noolaanto sida shacabka macluusha la jiifa, balse Nin Buka Nin Baahan Barax looguma dhiibo.


Hadba koox Wasiiro ah ayaa umada loo keenaa, R/wasaare Cumar C/Rashiid koox ayuu watay sannad iyo bar ka dib iyada oo aanan cidna la xisaabtamin ayeey daaqada ka baxeen, waxaa xigay Farmaajo iyo golihiisii wasaarada ayagana iyda oo anan la la xisaabtamin ayeey carareen.

Xiligaan Cabdiweli iyo wasiirad cusub ma filayo in lala xisaabtami doono, wasiirwalba waxaa uu Dalka yimid asaga deen waalan qabo, qaar guryo ayeey ku leeyihiin USA oo weli ma aayan bixin Mortgage ama rahaamad ribadeeda tahay mid aayayn weligood bixin karin.

So lama dhihi karo Dalkii burburay iyo Dadkii macluusha u dhimanyo ayeey daba socdaan oo Caalamka waxii uu ugu soo dhiibay lama gaarsiiyo dadka u baahnaa?? waa wasiiro baahan oo aanan marna macquul aheeyn in aay dadka bukaa u gudbiyaan waxaa caalamka ku bixiyay.

Shacabka waa bukaa kuwa xilka u hayana waa baahan yihiin sidee leeysgu waafajin karaa arimahaa, so ma




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.