Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Jirro weeye dadka ku qaadeysa in ay baduugaan wax kasta oo leh tayo wanaagsan; si ay iyaga u helaan magacxumo waarta geeridooda ka dambow. Haatan aad akhrinaysid qoraalkaan, waxa laga yaabaa kaas oo kale, in uu ku ag joogo. Eeg dhinacyadaada!
Haddii se aan aad weligaa ba arag habaarqabe haas oo kale; soo gaar Gobolka Geeska Afrika: Oday waxa aad arki doontaa sheeganaya xil sare in uu dadkiisa u sido; bal se, waxa keliya oo uu ku tarayaa na ay tahay tirtirista jiritaanka qarankoodii ba.
Haddaba, waxa aan ka dhowrsan doonaa carrabaabista magaca xildhibaan kusheegga qaarkii, sidaas oo kale wasiir kusheegga qaarkii, iyo madaxweyne kusheegga qaarkii—xubin ka tirsan dowladda kusheegta ugu liiddan, ka na takooran Afrikada Madow. Muraayadda sooyaalka ayaan kaaga soo dhex muujin doonaa, tusaale kuu suuradeyn kari doona gaado hiisa filka daran.
HEROSTRATUS
Napoleon Bonaparte oo dib u qooraansanaya xurgufihii horey u soo dhexmaray Fransiiska iyo Iglan; Dagaalkii Toddobada Sano, Pitt eeralkii Chatham (Jáatam), ayuu ku tilmaamay in uu ahaa: "[Nin]… carrada oo idil ka dhex huriyay dabkii heshiisla
Add comment
Comments