Haddii Soomaaliya Aqbasho Nidaamka EEZ

Abdiaziiz Barre - Warsaxaafadeed uu July 30, 2013 faafiyey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Qandaraas la gashay Shirkad lagu magacaabo "Atlantic Marine and Offshore Group".
Maqaallo Keydmedia Online
Haddii Soomaaliya Aqbasho Nidaamka EEZ

Shirkaddaas oo warbixintu sheegtay in fadhigeedu yahay dalka Holand (Netherlands) waxaa loo igmaday in ay Soomaaliya u soo diyaariso ciidan ilaalada xeebta (Coast Guard), soona agaasinto qaabka ilaalinta (Surveillance ) halka loogu yeeray aagga dhaqaalaha badda (Exclusive Economic Zone = EEZ) iyo waardiyeynta aaggaas, ilaalinta ammaanka dekedaha, difaacida khayraadka dabiiciga iyo kalluumaysiga, badda ka ilaalinta wax yaabaha sunta halista ah.

Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanab badda muranka la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.

Arrintaa warbixinta UN waxay ka tiri: "Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line).

Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya., Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka," sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka ee S/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.

Waxaana warbixinta UN-ku cadaysay in Soomaaliya ay sannadkii 1972 cabirka baddeeda ku qeexday 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters.

Waxaa arrintaas (in Soomaaliya ay leedahay 200 nm oo territorial waters ah) ayidey go., SIDOO KALE QANDARAASKA AY DOWLADU LAGASHAY ILAALINTA BADDA WAA IN LAGU QORAA { {territorial water} ee gaaraya 200 mayl-badeed}., WAXA AY ILLALINAYAA WAA 200 MAYL-BADEED

NB. WIXII AAN KUCADEYN {territorial water} ee gaaraya 200 mayl-badeed}. OGAADA WAA DHAC CILMIYEYSAN OO AY ISLA OGYIHIIN MADAXDAAS IYO HAY'ADAHAAS.

BALANTEENU WAA FEEJIGNAAN DHEERI AH, IYO DIFAACID DANAHA WADANKEENA IYO UMADEENA OO JOOGTA AH.

MAHADSANIDIIN.

Abdiaziiz Barre - SomaliTalk

' twitter='{twitter}' twitter_embed_code='' gallery="{gallery}" gallery_embed_code='
'}




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.