KON Analysis: “Hadii aad Toban dishaan Kun baa dhalanaysa!”

Salma Abdikarim Ayuub (Keydmedia Online) - Yee dan ugu jirtaa Dilka Waxgaradka iyo Wariyaalka Soomaaliyeed? - Tobonkaan Sano dambe Koofurta Soomaaliya waxaa ku socda Qorshayaal kahor imaanaya Xuquuqda Insaanka, Horumarka Dalka iyo Nabad ka aslaxda Soomaaliya siiba Magaalo Madaxda Muqdisho.
Maqaallo Keydmedia Online
KON Analysis: “Hadii aad Toban dishaan Kun baa dhalanaysa!”

Waxaa si isdaba joog ah loo fuliyaa Qaraxyo lala beegsanayo Bulshada Taagta daran oo aan waxba galabsan cidnana Dambi ka galin: Dib u milicsada Qaraxii Isbitaal Madina iyo Isbitaal Banaadir, Qaraxii Hotel Shaamoow iyo Hotel Muna, Qaraxii lagu Xasuuqay Ardaydii Dowlada Turkigu u fidisay Deeqda Waxbarasho. Xasuuqii Ardayda iyo Waalidiintoodii wuxuu kor u dhaafay 140 Ruux, intii Goobta iyo intii Isbitaalka ku dhimatay.

Qodobka Labaad waa Dilka Qorsheysan ee lagu fuliyo Wariyaalka naftooda u huray in ey Ummada Soomaaliyeed usoo tabiyaan Xaalada Dalkoodu ku suganyahay. 

Marwalba Saxaafadu waxey Qortaa "Qarax ayaa ka dhacay Meel Hebal, oo waxaa ku dhintay intaas iyo intaas" "Xalay ama Saakay baa waxaa la toogtay Wariye Hebel oo u shaqeynayay Idaacad Hebel, waxaana toogtay DAD AAN LA GARANEYN OO BASTOOLADO KU HUBEYSNAA!!"

Durbadiiba waxaa lala soo boodaa iney Falalkaas waxashtinimada ah (Dilalkaas / Qaraxyadaas) oo Bini




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.