Halgankii SYL - Marxuum Cabdullahi Ciise, M. Yusuf Muuro, M. Axmed Ottavio… - Daawo

DAAWO VIDEO CUSUB (Keydmedia) - Keydmedia waxaay ka cududareysaa Cabashooyin uga yimid Akhristayaasha Khiimaha iyo khaayaha leh. Cabasha Akhristayaashu waxaay la xiriirtaa Barnaamijyadii Maqal iyo Muqaalka ahaa ee aad noga barateen sida: Soomaalida Maantay, Keydmedia History Clips, Dhacda Ugub ah iyo Masawiraadii Taariikhi ah.
Maqaallo Keydmedia Online
Halgankii SYL - Marxuum Cabdullahi Ciise, M. Yusuf Muuro, M. Axmed Ottavio… - Daawo

Hadaba Akhristayaashayada Cabashadooda waan qaadanay. Keydmedia ayaa mudadii la soo dhaafay waxa ay ku howlaneed sidii ay Bulshada ugu soo bandhigi laheyd muuqaal dhab ah oo ka turjumaya howl qabadkii SYL iyo shaqsiyaadkii qiimaha badanaa ee ka tirsanaa Ururka.

Filimkan oo ka kooban dhawr qeybood isla markaana qeybtiisan ay tahay 10 daqiiqo ayaa waxaad ku arki doontaa muuqaalo aan abid lagu bandhigin Warbaahinta kuwaasoo muujinaya howshii SYL iyo dadaalkii xornimo doonka.

Todobaadkaan waxaan idiin soo Bandhigeynaa Tacsidii Marxuum Cabdullaahi Ciise Maxamuud bishii Maarso, 1988dii oo lagu dhigay gurigiisa ku yaalay Muqdisho. 

Geeridii Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxba kama beddelin jiritaanka magaciisa iyo karaamada bulshadu u hayso, wuxuuna halqabsi u yahay inta ay ku jirto qiiro wadaninimo iyo daryeelidda ummadda Soomaaliyeed.

Sawirka boggan ku muuqda waa tusaale muujinaya Madax kamid ah intii faraha badnayd oo kasoo qayb-gashay tacsidii marxuum Cabdullaahi Ciise Maxamuud bishii Maarso, 1988dii oo lagu dhigay gurigiisa ku yaal Muqdisho.

Waxaad Filimka ka arkeysaan Nin Doorkii Soomaaliyeed Sida: Jen. Cali Ismaciil , Avv. Maxamuud diirshe, Jen. Cali Xashi Cilmi Barre, W/r. Maxamed Haji, G/dhexe SYL Mudane Ladane, Beel Daaje Afbalaar, Mudane  Axmed Dahir, D/jire Cali Xaaji xaashi, Dr. C/maan Xaaji Muumin, Mudane  Cali C/lle Danan, Kon. Abshir Kaahiye, Mudane Cali Kulmiye , Mudane Salaad Cali Busley.

Mudane Saadiq, Mudane Aswad, Mudane bashiir Sh. Xusein, Shiekh Maxamed Imaan, Cali C/llaahi  Ciise, G/dhexe SYL Maxamed Axmed Ottavio, Jen. C/raxman Warsame (Caare), Dr. Cali Samatar (Cali Baar), Xaaji Cilmi Cali Bulaale, Mudane Maxamed Cowl , Avv. C/llaahi Cosoble, Mudane Ayaanle Maxamed Siyaad, Prof. C/raxman Warsame Cilmi, D/jire C/llaahi Axmed Caddow, Mudane Xassan Cabdi Kheyre, Abwaan Cabdi Bashir Indhabuur, G/dhexe, SYL Maxamed Axmed Muuro, G/dhexe SYL Xassan Giyaajo, Dr. C/llaahi Xasan Kabalabi, Mudane Cali Kulane Abtidoon.

Mudane Xasan Lugey, Mudane Nero, Kon. Eng. Cismaan Kulmiye Cilmi, Marwadi Marxum C/allahi Ciise: Faadumo Cabdulle Marbuud, Marwadi Marxum C/allahi Ciise: Ruqiyo Sheikh Xusein , Gabadha Marxuumka:  Xaliimo Cabdullahi Ciise, Dr. C/raxman Maxamed Jaamac, Jen. Cabdi Sugule, Xaaji C/ramxan C/dille Ismaacil.

Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.