QEYBTA 2AAD | Cabdi Saciid Muuse:

Hawiye naceyb, qabyaalad iyo Musuq-Maasuq

Maqaallo Keydmedia Online

Akhriso Qeybta Koowaad | Waa nin ku jira da’aadda Kontomeeyadda, oo ku dhashay Jowhar, Shabeellaha Dhexe, wuxuu leeyahay taariikh mugdi ah, oo ka buuxdo hawiye naceyb, qabyaalad iyo musuq-maasuq, tani waa qeybtii labaad ee taariikhda la taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo.Hawiye naceyb, qabyaalad iyo Musuq-Maasuq

Hawiye naceyb, qabyaalad iyo Musuq-Maasuq

Fekerka qaldan ee uu siiyay Beesha Caalamka ayaa keentay in Mareykanka uu dhaqaalaha ka jaro qeybo kamid ah Militeriga Soomaaliya ee ka howlgala Shabeellooyinka December 2017.

Wuxuu u sheegay dalalka deeqaha bixiya ee taageera DFS in Ciidamada Qaranka [SNA] aysan ka koobnayn qabaa’ilka Soomaaliyeed oo dhan, isagoo u ololeynaya in kuwa Puntland la caawiyo.

Bishii September 2020, Cabdi Saciid ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal u uku difaacayo labo Shirkadooda oo laga leeyahay Puntland, kuwaasoo lagu helay inay lug ku leeyihiin ganacsiga hubka sharci-darrada Soomaaliya.

Shirkadahan oo kala ah Iftin Express iyo Amal bank ayaa kasoo muuqday liis shirkado Soomaali leedahay, oo lagu xusay magacyadooda warbixinta Global Initiative oo soo baxday September.

Heerka qablaayadda ka gaartey, isagoo sheeganaya mas’uul qaran, ma uusan difaacin Shirkadaha kale ee laga leeyahay Koonfurta Soomaaliya, ee la eedeeyay sida Salaam bank.

Waa nin jecel inay dadka degan Koonfurta xoolo beelaan, islamarkaana shirkadahooda xirmaan, isagoo kala dagaalamaya dhinaca dhaqaalaha, sidoo kalena madal kasta ku sifeynaya Ciidanka qaranka inay yihiin Ciidan beeleed.

Isagoo adeegsanaya awoodda la-taliyaha amniga qaranka, Cabdi Saciid ayaa difaaca markasta Puntland iyo Jubbaland, isagoo kula taliya Farmaajo in la burburiyo Maamullada kale ee Hawiyaha iyo Digil iyo Mirifle leeyihiin.

Marin habaabinta Saaxiibadda Soomaaliya ee Beesha Caalamka

Tan iyo markii la magacaabey 2017, Cabdi Saciid wuxuu si joogto ah u wadey marin-habaabin uu ku sameynayo dowladaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya, isagoo siinaya xog qaldan iyo sheekooyin mala awaal ah oo ku saabsan bulshadda ganacsatada ah ee degan Muqdisho iyo siyaasiyiinta Hawiye.

Iyadoo la ogyahay in Al-Shabaab iyo Daacish ay lacago canshuur baad ah ka qaadaan ganacsiga degaanada Puntland, sida Boosaaso, ayaa Cabdi Saciid wuxuu ku tilmaamaa ganacsatada Muqdisho ee dhibaniyaasha ah inay taageero dhaqaale siiyaan kooxaha argagaxisadda, isagoo kuwa qabiilkiisa difaacaya.

Illo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw AMISOM ayaa sheegaya in Cabdi Saciid uu ahaa shaqsiga diiday in la baaro waxyaabaha qarxa ee laga soo qabtay Al-Shabaab ee yaalla Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha dalalka ajnabiga ayaa walaac ka muujiyay waxyaabaha aan wali qarxin ee Garoonka qeybta AMISOM la dhigay, oo sameyn kara mid lamid ah qaraxii dekadda magaaladda Beirut.

Ujeedkiisa Cabdi Saciid waa in Garoonka uu ka dhaco qarax wayn kadibna uu iska xirmo, maadaama uu aaminsan yahay inuu il dhaqaale u yahay dadka Hawiyaha ah ee degan Caasimadda.

Dadka sida aadka ah u yaqaaney illaa yaraantiisa, Cabdi Saciid waligiisa ma dhigin Iskuul, mana ahan nin aqoon u leh shaqada amniga ee uu hayo ama xafiis dowladeed in loo dhiibo u qalma.

Soomaaliya, musuqmaasuqa iyo qaraabo-kiilka ayaa wali ah caqabada hortaagan dadaal kasta oo lagu horumarinayo dowladnimada iyo dib u dhiska Ciidamada. Diblomaasi reer galbeed ah oo ku sugan Nairobi oo aqoon u leh Cabdi Saciid wuxuu ku sifeeyey inuu yahay "Qabyaaladiiste karti darran."

Diblomaasi kale oo ka hadlay shaqsiyadda la-taliyaha amniga qaranka Farmaajo, kana socota safaarada Holland ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay la macaamilka Cabdi Saciid ay la macaamilayaan beesha caalamka.

“Sanadihii uu joogay Yurub iyo Mareykanka, wuxuu isticmaalayay magacyo kala duwan si uu u qaldo hay’adaha socdaalka dowladaha, markii uu la-taliyaha noqday, wuxuu jaray saaxiibadiisii hore ee uu ku lahaa Holland, Texas iyo Illinois oo Mareykanka kamid ah, isagoo ka cabsi qaba inay banaanka soo dhigaan wajigiisa rasmiga ah,” ayuu yiri nin ay saaxiibo ahaayeen Cabdi Saciid.

Sida uu aaminsan yahay saaxiibkiisa, dowladaha reer galbeed maalin uun bay hurdada kasoo toosi doonaan, oo fahmi doonaan dhagarta iyo qiyaanadda Cabdi Saciid, ninka magacyada badan isticmaalay intii uu ku noolaa Yurub iyo Mareykanka.

Cabdi Saciid waa shaqsi khatar ku ah amniga Soomaaliya iyo dalalka caalamka, waxaana lagula taliyay hay’adaha sirdoonka ajnabiga inay ka feejignaadaan qorshihiisa gurran iyo ficiladiisa.

“Ma ahan nin u qalma la-taliye amni qaran inuu Madaxweynaha dalka u noqdo, oo loo xil-saaro dib u dhiska Ciidan, inuu dhiso iska daayee, wuxuu burburinayaa intii la dhisay,” ayuu yiri C/llaahi Faarax, oo mudo Cabdi Saciid saaxiibo ku ahaayeen magaaladda Garowe.

C/llaahi Yuusuf iyo Farmaajo ayuu u noqday la-taliyaha amniga qaranka, madaxdii kale sida Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh way u diideen xilkan, maadaama ay ogaayeen inuu yahay nin neceb beelaha Hawiye, oo burburka Koonfurta aad u jecel.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.