Heshiiskii Kampala & R/wasaaraha Cusub labaduba waa Xaaraan!! QEYBTA 2-AAD

By Dr.Ali.A.Hirabe - Maquustihii shisheeyaha dalbaday ee shubayay dhiigeena, Maquustihii sharmooyee wanaag sheeyna laga waayay Maquustahii shuftoobee ka tagay sheegashada diinta ,Maquustihii qayaanee Qaranka iib geeyay iyo kii difaacee dhisee dhiiga u hibeeyay,haddii eey isaga kaa darmaan dabacday howshiiye is-dib dhaafka meeshaa ku jiro bal aan shariifka u sheego.
Maqaallo Keydmedia Online
Heshiiskii Kampala & R/wasaaraha Cusub labaduba waa Xaaraan!! QEYBTA 2-AAD

Darmo laba cidood kuma filnee bal aan shriiffka u sheego,Maquustihii ragbaa (N.Cade ) sahansadoo siibtay haragiise,hana daayo ruuxaan qalbiga daahir ka aheeyne.

Kampala waxaa ka dhacday qayaano huwan qabiil,Cabdiweli Gaas iyo C/karim Jaamaca waxaa aay ka socdeen darafka sheekh Shariif halka Jurile iyo Cali Jengeli aay ka socdeen darafka Sh.Xassan,C/karim iyo Cali Jengeli bacda shido iyo isku abtirsi waxaa aay noqdeen wiil iyo adeerkiis halka Jurila iyo Cabdiweli noqdeen ilmo adeero,waxa meesha tagay waxaa aay ahaayeen Harti hadafkiisu yahay in Farmaajo xilka looga qaado si fudud,wafdiga dhamantiis waxaa waajib ku ahaa in aay difaacaan midnimada iyo sharafka dowlada federaalka balse xukun doon qabiil huwan ayaa meesha ka soo baxday.

Farmaajo xaqiiqda waa uu ogyahay waxa meesha ka dhacay,waxaan rajeeynayaa in goordhaw  uu qarxin doono,sabbabta oo ah waxaa umada u sheegay in heshiiska Kampala qaarkiis uu wax u dhimikaro Qaranimada Somalia halka Cabdiweli uu ka hor cadeeyay barlamaanka in heshiisku uusan waxba u dhimeeyn Qaranimada Somalia,Farmaajo waxaa qob moos ah u dhigay Cabdiweli oo runtii ku qalqaaliyay in uu is casilo si howsha aayan u is-taagin balse ujeedka waxaa aay aheeyd in la curyaamiyo howsha socatay,inqilaab aan dhiig ku daadan la fuliyo intaba waxaa  maqanayaal  jooge ka ahaa labada Shariif ,

Waxaan soo xusuusatay gabay uu tirayay Cabdulle Raage (Ilaah ha u naxariistee mar hada laga joogo 40 sanno) xiligii kacaanka,gabaygaas oo loogu magac daray Duqa Haloo Sheego gabaygaa waxaa uu ka tarjumayay cadaalad xumida uu kacaanka ka dhex abuuray umda somali iyo sida uu Cabdulle Raage ugu dhiiraday in Siyaad Bare uu ahaa nin aanan u sineeyn dadka balse sad-bursi dheeri ah siiyo reero qaas ah,dagaalkii 77 markii laga soo noqday waxaa dalacaad la siiyay saraakiill aanan mudneeyn,halka qaar laga qadiyay  xaqii iyo xurmadii eey dalka ku lahaayeen, waxaan maqaalkaan qalinka ugu qaatay waxaa eey tahay Sheekh Shariifka waxaa uu aad ugu fogaaday cadaalada iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka,sabbabta oo ah waxaa uu soo dhaweeystay  kuwii alalaaska iyo gumaadka xabashiga ku farxsanaa lana safnaa ciidamadii huwanta ee Amxaarada.Heshiiska Kampala sharecada iyo axdiga ku meelgaarka ah midna kuma saleysna waana mid Qaranimada Somali u soo jiidaya taariikh mugdi ah, ujeedada iyo hadafka heshiiska Kampala waa mid soo dedejinaaya in meesha aay ka baxaab labada Shariif sidaasana Cabdiweli ku yimid,kulankii ugu horeeyay Cabdiweli waxaa uu la qaatay Faroole si ujeedada iyo hadafka heshiiska looga dhaadhiciyo.Cabdiweli maxaa u wehliya aqoontiisa ?? akhri

Cabdulaahi Afrax Aasbaro iyo  rag faro badan oo aan ku waaynay dagaalkii xabashida ku soo qaaday dalka hooyo ma noqon doonan kuwa si sahal ah loo iloobo mise waxaa eey geli doonaan taariikhda somali ee gumeeysi diidka ah sida  Axmaed Gureey iwm

Waxaa socda in Sheekh Shariif uusan marna dib u fiirin taariikhda umada Somali soo martay,waxaad moodaa in xiligaan uu  mudan tahay in la dhaho waxaa uu masuuliyadeeda qaadayaa kumaan-kun oo Somali ah oo qabriga u jiifo,caruurtoodana aay ku agoontoobeen dagaalkii huwanta iyo C/aahi Yusuf ku damceen in aay ku qabsadaan dalka Somalia.Alow Sahar Umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe        Hirabe_a@hotmail.ocm


QEYBTA 1-AAD

Dr. Ali.A.Hirabe - Waxaa xaqiiq ah in heshiiskii Kampala iyo R/wasaaraha cusuba labaduba aay yihiin xaaraan, walow uu dhaqangalay heshiiska Kamapla kadib markii la casilay R/wasaare Farmaajo lana magacaabay R/wasaare cusub.

Iyada oo aanan lagala tashan inta damiirka Somali uu ku danbeeyo ayaa hadana waxaad moodaa in Shariifka ku qanacsan yahay sannad xilka loogu kordhiyay in aay kaga  weeyn tahay heshiiska Kampala, waxaad moodaa in dalkii Somali uu galay taariikh mugdi ah taas oo aay u horseedeen labada Shariif.

Xildhibaanada waxaa horyaalo masiirkii dalka in aay ogolaadaan ama diidaan in dalka uu galo gumeeysi cusub, haddii aay ogolaadaan r/wasaaha cusub macnaheeda waa ogolaanshaha heshiiskii Kampala oo la ogolaaday.

Haddii aad diidaana heshiiskii Kampala waa mid horseedi karta in dalka uu dib ugu noqodo xoriyadiisa, heshiiskan oo go’aanada ka soo baxay noqday lama filaan, ayeey caddahay inaan lagu jaangooynin dastuurka Qaranka, waxeey u muuqtaa mid aan xal waafi ah laga gaarin iyada oo la tuuro mooyee.

Nin Lagu Seexdoow Ha Seexan

Dalka Shariif  iyo Uganda malaha, dalka Somali Somali ayaa leh, ma ogolaan doono shacabka Somali meelwalba ha jogee gumeeysiga cusub ee awooda dalka lagu soo koobo labada shariif iyo madxweeynaha Uganda.

Reer Muqdisho waxaa waajib ku ah in eey u soo banaanbaxaan muujiyaan in aayan rabin gumeeysiga cusub, dhiiga reer Muqdisho in lagu gorgortamo waa xaaraan, waxaan aad ugu xumahay in uu is-casilo Farmaajo, sow lama dhihi karo Farmaajo shacabka Somali meelwalbaa ha joogee ee u istaagay diidmada gumeeysiga cusub kuna taageeray in uu hortago baarlamaanka maanta waxaa aay ku jiraan tacsi sabbabta oo ah waxaa uu raali ka noqday in dalka gumeeysi cusub qabsado.

Farmaajo waxuu u muuqday nin dhiiga socdaa wax ku darsaday ,waxaa aay mar-kaliya reerka uu ka dhashay u istaageen dowladnimo waxaana aay la dagaalameen caruurtoodii Al-Shabab duufsatay.

Waxaay dhagta dhiiga u dareen dhalintii reer Buulo-xaawo, Garbahaareey, Luuq  sow lama dhihi karo reerka uu ka dhashay Farmaajo waxaa aay u istaageen soo celinta qarankii burburay, ilama aha in nin noocaas oo kale eey Somali heleeyso, waxaad moodaa intaba in uu tixgelin waayay  Farmaajo balsed xilka iska casilay iyada oo aan laga sugeeyn,waxuu Ilaah hortiisa ugu dhaartay in uu dhowridoono sharciga,miyuu dhawray mise daaqada ayuu ka baxay asaga oo irida ka soo galay markii hore.

Farmaajo waxuu ku socday sidii Nelson Mandela balse ma noqon, fulayow guuli kuu dhaweeydaa, Nelson Mandela waxaa la xiray On 30 July 1952  waxaana uu xabsiga ka soo baxay on February 11, 1990,Farmaajo la-mood noqnse waayay, nolosha aad dooratay waxaa dhaanta adiga oo xabsi gala ama u dhinta qaranka Somali taariikhda meel fiicasn ayaad ka geli laheeyd somalina kuma iloobeen abid,ninka hada loo dhiibay r/wasaare waxaa uu ka sii xun yahay ninkii hor ee ina Cabdirashiid taasi waa xaqiiq. Yurun,USA Africa Somalida degeni waa aay sii wadaayaan banaanbaxa ilaa la diido heshiiska Kampala.

Alow sahal umuuraha.

WAA ARAGTIDADA - Dr. Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.