HIIRAAN HA DILINA SHARAFTEEDII IYO TAARIIKHDEEDII WADANINNIMO

Dr Ismaaciil Malas Waa markii ugu horeysay waayahan damboo dhan aan ficilo jufannimo aanay jufooyin Soomaaliyeed ka muuqan, ama ka maqal u hiilinteeda waayahan danbe ee dhaw markii aan idaacadaha VOA iyo BBC ay 22-kii August 2010 ay sii daayeen codka Max’ud Cabdi Gaab oo isku magacaabay madaxweynaha maamul gobaleed loo baxshay Hiiraan State.
Maqaallo Keydmedia Online
HIIRAAN HA DILINA SHARAFTEEDII IYO TAARIIKHDEEDII WADANINNIMO

Sagaalkii habeenimo ee isla maalinkaas madaxweyne kale ayaa isagana isku magacaabay Madaxweynaha Hiiraan Midland kaasoo isna cadeestay duqannimo labaad, jago Riyo ah, ninkaasoo lagu magacaabo C/llaahi Aadan Jiraabey kuna nool Dalka Engiriiska, ismagacaabidda Max’ud Cabdi Gaab oo ku dhiiranaantiisa Jago Madaxweyne ee Hiiraan State markii aan sidaa dhageysanay hadaladda Madaxweynaha Hiiraan State  waxaa noo bidhaamey in ay dhiira galisay nuh nuh bil socotay, qarsoodina aheyd oo uu ugu diyaar garoobayay ninka la yiraahdo Jiraabey inuu Hiiraan Madaxweyne ka noqdo.

 

La yaab ma leh in qof isku magacaabo Madaxweyne oo horay u dhacday waxaana ugu horeeyay Cali Mahdi  Max’ud oo lagu marti qaaday xafladii is magacaabidda, habka iyo astaamaha ay leedahay is magacaabiddu malaha Ina Cabdi Gaab waxaa ku dhiira galiyay Cali Mahdi oo yiri “ war maxaad ka baqeysaa noqo madaxweynihii ugu horeeyay ee Dowlad dibad ku nool ah oo ay yeelato DKM, sidaana taariikhda ku gal kuna buuxso taariikh nolaleedkaaga sidii aan yeelay oo ilaa iyo hadda  la iigu yeerayo Madaxweynihii horee Soomaaliya Cali Mahdi ee ayna iga hartay naaneestii xumeyd ee aheyd maamule Hotel, Max’ud is dhiira geli ha kaa harto oraahda lagu yiraahdo  ee ninka urur kasta ee Soomaaliyeed jago ka raadsay sidaasoo ay naaneys kaaga hareyn.

 

Xaflada caleema saarka ina Cabdi Gaab waxaa kaloo ka qeyb galay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya iyo Afey oo isna hore u ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya kana mid ah Siyaasiyiinta Kenya.

 

Labadan nin ayaa wax lala yaabo noqotay in Hiiraan State iyo Madaxweyne Dowlad gobaleed ka mid ah DKM , ahna Dowlada dibad joog ah in ay tahay waxaan waxba ka jirin, leysku raaceyn, khalkhalna galinaya dadaalka ay Dowlada KMG ah ugu jirto in ay xoogaga ka soo horjeeda ka xoreyaan sidaana lagu dhiso maamul gobaleed loo dhan yahay, la isaga raalli yahay, Nabad iyo kal gacalna ku wada noolaanayaan, una tafa xeydanayaan dowlad gobaleedka Hiiraan ay midnimada xoogga leh ee Soomaaliya ka shaqeyso.

 

Hiiraan Waa gobal aad u balaaran Hodan ku ah Xoola nool, macaadin, beero, biyo iyo wax walba leh, waa cudud dhaqaale ee Soomaaliya waana in laga hortagaa lana ceebeeyaa shaqsiyaadka doonaya in ay reer Hiiraan oo kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ay dhibaateynayaan hadana ay dad Kenyan ahi oo asal Soomaali ah midiyaha isugu soofeeyaan , Hiiraan waxay noqotay lafdhabarkii halgankii SYL waxaana Hiiraan Daganaa Jufooyinka iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed oo dhan, oo reer Hiiraan marna lama kala soocin oo way xidideen oo is dhex galeen, xornimadii ayeeyna u soo wada halgameen, waxaana Madaxweyne noqday Marxuum Aadan C/lle cismaan  oo ku ganacsan jiray Hiiraan dhalinyaranimadiisii, ka mid ahaa siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee gobalka iyagu wax isku baray Karaaniyaalna u noqday Maamulkii Engiriiska , isaga iyo Marxuum C/llaahi Ciise Max’ud oo u soo halgamay SYL noqday xoghayihii u horeeyay ee gudiga dhexe ee SYL, kadib markii uu Marxuum yaasiin Cismaan Sharmar’ke uu arkay in tii Alle u soo dhawdahay uu kula dar daarmay mu’asasiintii SYL saaxibadiis in ay u yeertaan  wiil dhalinyaro ah oo ganacsade ah mutacallin iskiis wax isku baray si uu u qabto jagada xoghayaha guud ee gudiga dhexe ee SYL.

 

Ka hor Marxuum Yaasiin Cismaan Sharma’arke waxaa ka dardaarmay in haddii ay 12ka kale ee SYL ka oggalaadaan in Yaasiin noqdo xoghayaha guud haddii uu geeriyoodo inuu jagadiisa xoghayaha guud ee guddiga dhexe ee SYL qabto Yaasiin Cismaan Sharma’arke .

 

Shiikh C/qaadir Shiikh Sakhaawudiin wuxuu ahaa ninkii isugu yeeray 13-kii aas-aasay SYC (Somali youth Club) naadigaasoo uu ku hoos gabaday Ingriiska maadaama  maadaama uu yahay xisbi arimo bulsho, kadibna uu u xuubsiibtay SYL-Somali youth league oo noqday xisbi Siyaasi ah kadib markii uu ku xoogeestay dhiira galinta iyo hiiladdii Dadweynaha Soomaaliyeed  ee shanta qeybood look ala qeybshay.

 

Qabiil qabiil  way ka fogaayeen 13-kii SYL aas-aastay taageero weynna wey ka heshay gobalka weyn ee Hiiraan dhamaan qabaa’ilkiisa .

 

Hiiraan yaan la xaaraameyn, yaan la nijaaseyn halaga dhaqo xoogaaga yar ee ay ku bi’iyeen kooxaha diinta qaloociyay. Hiiraan markii qof la qabiil ahaa Cabdulaahi Ciise Maxamuud uu isku deyay inuu jegada xildhibaannimo ee Hobyo isna sharaxay ayaa Marxuum Shiikh Cali Jimcaale Baraale yiri “maya C/llaahi, inkastoo lagaa dooranayo Hobyo hadana ma oggola reer Hiiraan ma oggola in lagugu ciriiriya doorashada oo qof isku deyo aan taariikh la hayn inuu isku kaa dhereriyo, Hiiraan iyo qof kastoo Soomaali ah ayaa sidaa ka xumaanaya, dadweynaha Hiiraan adaa waligaa iyo intaad nooshahay u ahaanaya xildhibaankeeda kowaad, bal arka heerka waddaninimo ee ay muujiyeen dadweynaha reer Hiiraan.

 

Maanta in gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo asal Soomaali ah iyo Afey, Caasha C/lle oo xildhibaanad ka ah DKM iyo Cali Mahdi oo horey dagaal qabiil ugu xeeldheeraaday, ma aha in ay Hiiraan dagaal qabiil iyo jufooyin ka curiyaan.

 

Qurbaawiga reer Hiiraan

 

Waa wax  aan caad iga saarneyn in durbaba ka jawaabi doonaan aqoonyahanada iyo dadka u dhashay Hiiraan in aanay ka aamuseyn fool xumida ay ashkhaastan aan horey u sheegnay , waan hubaa labada koorood ee lagu xiray  C/llaahi Aadan Jirabey, Max’ud Cabdi Gaab IWM ee midiidinka ah waa labada madaxweyne ee beenbeenta ahaa in ay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

Beelaha reer Hiiraan waan hubaa in ay dhiira galin doonaan tallaabo kasta ee loo jeedinayo in aan Hiiraan la najaaseyn, in aan Hiiraan la kala qeybin sida haatan ay u socoto Puntland oo Atam, sheikh ku sheega Maxmuud biciid doonayo inuu diin huwiyo ficilo qabiil “SSC” oo ah Sool, Sanaag iyo Ceyn oo isna ah urur Juf. Puntland iyo Soomaaliya oo dhan dani uguma jirto maamullo qabiil, sidaa waxaan ku noqoneynaa hilib dheylo ah oo Dowladaha qaarkood boobayaan.

 

Marxuum C/raxmaan Shiikh Muumin

 

Marxuum C/raxmaan Shiikh Muumin wuxuu ahaa xildhibaan Baarlamaankii dowladihii hore ee rayidka ahaa  wuxuu noqday wasiirki Gaashaandhiga ee Dowladahaas iyo jagooyin kale mar aan la kulmay aad baan u dhalin yaraa wuu i waaniyay wuxuuna i yiri “Insaanka Soomaaliga ah oo uu hogaamiyo xisbiga  SYL inuu yahay qof ku xiran xisbigiisa iyo khadka wadaninimada ah ee uu u xariiriyay” marxuum Sh.c/raxmaan Shiikh muumin wuxuu kaloo i yiri oo aan xusuusanahay ilaahna waa i maqlaaye “Maandhaw qabiil ka fagow qabyaalada qaran laguma noqdo” horseedkii SYL , waa maleeshiyada xisbiga, waxaan ka hadlayaa waa ciidanka Milatariga ee xisbiga, waxaana taageera weyn siiyay dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan, hal qof oo kale ayeey SYL ka dhigtay Soomaaliya, waxaana kuu sheegayaa in halyeeyo badan ee Soomaaliyeed oo ahaa kuwii u horeeyay ee SYL is qoray ay ahaayeen reer Hiiraan sida Aadan iyo C/llaahi, markaas uu ila hadlayo C/raxmaan Shiikh Muumin marxuumka wuu noolaa, wuxuuna intaas ku daray waa in tusaale uu noo noqdaa C/llaahi Ciise oo markii uu noqday R.wasaaraha xukuumadii daakhilga aheyd ee Soomaaliya saxiixayna in aan sinji, qabiil, isir leysku kala soocin.

 

C/llaahi ayuu yiri “ markii uu talada gudaha ee dalka qabtay waxaa dhashay xisbiyadii la yaabka lahaa Al-itixaad, Great Somalia, Howl iyo hanti wadaag oo isir iyo qabyaalad cuskanaa, waxaa hogaaminayay shakhsiyaad jaga doon ahaa kana naxay in xisbigii  wadaniyadda ee SYL uu helay kuraas 40 ka badan “Pro Italiyano” iyo wixii qabyaalad aaminsanaa  ay naxeen. C/llaahi waa diiday in la xira xisbi kastaa ee shaqsi ahaan wax ka sheega, qof allaale qofkii qabyaalad ku gabya ama ku geeraara oo shaqsi ahaan isaga wax ka sheega lama xiri karo, ha bartaan xorriyatul qawlka iyo in haday gafaan aan la xirin balse la toosiyo, la wacdiyo, la xasuusiyo  mar walbaa mabaadii’da waddaniyadeed iyagaa aayar isku xishoon doonee

 

Hadalkeyga waxaan ku soo koobayaa in Hiiraan iyo dadka degan mid yihiin, in qurbaawiga Hiiraan iyo Soomaalida ay uf yiraahdaan qabyaaladda ayna diidaan afar beelood iyo bar .

 

Hiiraan waxaa u dhashay gaashaanle sare Cusmaan Max’ed Jeelle oo ka mid ahaa xibnihii xisbiga hanti wadaaga Soomaaliyeed ee ka diiday kacaanka ficilada qabiilka la cuskanayay ee kacaanku bilaabay, Cusmaan Max’ed Jeelle oo haatan jooga Sacuudi Carabiya, uuna aaday kadib markii uu 6 sannadood oo kadeed ah ku noolaa xabsiga kuna bukooday.Cusmaan wuxuu ku yiri Siyaad Barre “war sidan ma aha sidaan isku dhaarsanay dadka yaannaan Siyaadow khiyaamin labo cadeyntana laga joojiyo qabiil maya, qabiil haa,”

 

Siyaad Barre wuxuu ahaa shakhsi u shaqeeya sirdoonka iyo maafiyada Italiya, xitaa markuu madaxweynaha noqday xisbiga (Bettino craxi) oo mar R.wasaare ahaa  kana mid ahaa maafiyada ayuu ka tirsanaa .

 

Haatan waxaa wasiir ka ah Dowladda KMG ah C/kariin Axmed Cali waa shakhsi ay wali ku dheehantahay Hiiraannimo sida aan hubo waayo aqoon baan u leeyahay, wuxuu u noqonayaa golaha wasiiradda iyo Baarlamaanka hage wadannimo ee xukuumadda iyo Baarlamaanka, sidii C/qaasim ugu yeertay  ayaa Shiikh Shariifna ugu yeertay C/kariim Axmed Cali waa reer Hiiraan.

Dr Ismaaciil Malas

Fadlan Qoraalka iyo Masawirka ha Badalin.

www.keydmedia.net

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.