Hogaamiye mise Madaxweyne?! Qeybta 3-aad

Dr. Ahmad Abdulahi (Keydmedia) - Fadlan Aqriso Qeybtii 2-aad - Sidoo kale Hogaamiye waa qof dhiira gelin kara dadkiisa/ ciidankiisa, kuna abuuri kara xamaaso, Niyad sare, Ujeedo fiican iyo kalsooni siay ushaqeeyaan iyagoo raali ah, daacad ah. Naabalyon oo ahaa hogaamiye dagaal ayaa yirii (Ciidankayga qofna kama tagijirin; kii yiraahda makari-karo, waxaan kuoran jiray, iskuday marnana haquursanin, kii yiraahda ma aqaanana waxaan kuoran jiray, iskuday inaad barato, kii yiraahda madhici kartana, waxaan kuoran jiray hakadaaline kucelceli).
Maqaallo Keydmedia Online
Hogaamiye mise Madaxweyne?! Qeybta 3-aad

Waxaa kaloo kamid ah tilmaamaha Hogaamiyaha sare inuu yahay qof deggan miisaman oo aan qaylo iyo muran badnayn, oo badiya Aamusnanta iyo dhagaysiga dadka kale, maxayeelay Muranka iyo qaylada badan dadkay kugudiraan, kaa horkeenaan, sumacdaadana wey dullaysaa.

Shuruudahaa aan soo sheegnay qofkii aqriya wuxuu oran karaa; Hogaamiye in lanoqdaa masaasay uadag-tahay?  Jawaabtuna waa nacam aad bay u adagtahay in laqaado Ummada xilkeedii, loonoqdo harmuud, loo bidhaamiyo jidkay Guusha iyo horumarka kugaari lahayd, sharta iyo xumaantana kaga badbaadi lahayd waa arin aad usaraysa una dhib badan. (Nin Oday ah ayaa wiilkiisii udardaarmay wuxuu kuyiri, wiikaygiiyaw; hanoqonin Madax, maxayeelay Maduxu wuu xanuun badan yahay). Somaliduna waxay tiraahdaa (Nin Xil qaaday eed qaad).

Hadaba qof aan shuruudahaas oodhan kasoo bixini hogaamiye maba noqon kara miyaa? Maya, Hogaamiye-nimadu waa noocya badan, oo waxaa jira hogaamiye Dagaal iyo Difaac, oo leh Kartidii iyo Maskaxdii Ummada lagu difaaci lahaa, waxaana haboon in dhinacaa loo diyaariyo, loo tababaro,  looga faaiidaysto. Sida ay Ujiraan dad kuhaboon inay noqdaan hogaamiye Siyaasadeed, hogaamiye dhaqan iyo bulsho, hogaamiye Cilmi iyo waxbarasho.

Maxay kukala duwanyihiin; Hogaamiye iyo madaxweyne?

Hogaamiye  

  • Wuxuu kafikiraa Jiilka soo socda siday wanaag iyo khayr ugu noolaan lahaayen.
  • Waa qof leh Maskax, fikir iyo talo hogaamiyenimo xatta markuusan Xil haynin, markastana kafikira Ummada wanaageeda, kuna dadaala wax uqabdkeea iyo hormarinteeda.
  • Waa qof ay dadku warkiisa umaqlaan amarkiisana ufuliyaan iyagoo jecel kuna kalsoon, daacadna uah, hubana inuu dantooda katalinayo.
  • Waa qof uu Rabbi (swt) hooda usiiyay Xilkasnimo, kalsoonida nafta, Garaad dheer, khayr katalin, wanaag abuurid, maamul wanaaga iwm.  
  • Waa qof leh Hadaf wanagsan, Himilo sare oo uu kuhogaamin rabo ummadiisa, siay Guulo sare ugaarto.
  • Waxaa Halkudhag uah; Ummadu hadayna ijeclaanin, igukalsoo-naanin, Xilka waan kadagi madaama  aan  iyada xilka uhayay.

Madaxweyne

  • Wuxuu kafikiraa doorashada soo socota siduu codad badan uheli lahaa oo kaliya.
  • Waa qof aan garasho iyo fikir midna ulahayn danaha guud ee Ummada markuuna xil haynin. Kana dhoohan inay Ummadu xaq kuleedahay madama uu xubin kamida yahay.
  • Waa qof ay dadku warkiisa umaqlaan amarkiisana ufuliyaan cabsi ay kaqabaan darteed, iyagoo aan hubin inuu daacad uyahay.
  • Waa qof laga-yaabo inuu Awood xoog kuqabsaday, ama dhaxlay, isagoon waxba kalahyn dhidibadii hogaamiye lagu noqon lahaa.
  • Waa qof kufikiraya siduu Kursiga u ilaashan lahaa, Awoodana uhanan lahaa, aan lahayna ujeedo sare iyo aragti dheer midna.
  • Waxaa halkudhag uah, Ummadu haday ijelaan-weydo  hadanaysato, (wadanka haka qaxdo) wuxuuna umaleeyaa Wadanaka inuu isagu leeyahay, bulshada oodhana isagu kasareeyo, kaqiimo badan yahay.

Qofkasta oo bulshada kamid ahna waxaa lagay rabaa inuu noqdo:

   1. Hogaamiye keeni kara Talo fiican, Caqli sare, dhaqan toosan siuu Ummada wanaag ugu soo kordhiyo.
   2. ama Talaraac uhogaansama, dhaqan-galiya talada fiican iyo aragtida saxan ee lasoo jeediyay.

Hadii kale Ummada ayuu ku noqonayaa dhagax iyo jallaafo dhibta, hakisa geedi socodka horumarka Ummada. Waana midda hadda haysata Ummada Somaliyeed oo qofkasta iyo qabiilkasta rabo, inuu isagu madaxweyne noqdo, kuna dhaarto haday isaga dhaafto inuu dab kudaaro iyada oo dhan, Danbas kadhigo siaan qofkale ama Qabiilkale uga faaiidaysanin! Halkaana ay kudhunto maslaxadii wadanoolaantii iyo jiritaankii Ummada intuba. Taasina waamid aan kasuura galaynin qof garasho yar uleh hogaan muxuu yahay, maxayeelay waxaa lahogaamiya Ummada kujecel, lehna Midnimo, Danguud iyo Hadaf sare oo kadhexeeya oo ay beegsanayso.

Markuu xaalku xumaadana qofka leh maskax iyo dhaqan hogaamiye-nimo dadkiisii madilo, Dalkiisana magubo, Diintiisana ma afduubo, ee waxaa waajib kunoqonaysa inuu dhibka kabadbaadiyo inta uu karikaro oo ay ugu horayso naftiisa iyo gurigiisa iyo inta kusoo xigta/ laxariirta.  

Lasoco Qaybta 4aad

Dr. Ahmad Abdulahi - Germany - keydmedia.net Correspondent
a.alqasimi@yahoo.de




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.