Hubka ma difaac Qabiil baad u sidataa mise Dagaal Dowladeed?

Ayaanle Xuseen Cabdi — Waa laga yaaba in aad isweydiiso sababta marka ay dowaldu talaabo qaado Dad badan ay u yeeriyaan buun Qabiil kicin ah oo ah reer hebel hadaan nahay innaga ayaa naloo danleeyahay maa reer hebel hubka laga qaado iwm.
Maqaallo Keydmedia Online
Hubka ma difaac Qabiil baad u sidataa mise Dagaal Dowladeed?

Annigu cidna ma dhaliilato laakin waxaan rabaa inaan ka hadlo Soomaaliya iyo Soomaalidu Maanta Hub ma u baahanyihiin? Ninka Hub haysta hubka ma isagaa iska leh mise Qabiil baa u dhiibtay? Dowladu xaq ma u leedahay in ay hubka ka uruuriso raga hubeysan, maleeshiyaad iwm.

Aan ku horeeyo Soomaaliya Maanta Hub uma baahna waxayna u baahantahay hub kadhigis deg deg ah oo aan laga shakin, sababtu waa maxay?  Sababuhu waa badan karaan laakin aan labbo nugdo  ku gaabsado.

  1. Waxa ugu badan ee dilla Dadka Soomaaliyeed Maanta waa xabad ciddi la doonaba hasidatee, ammaan xumadi dalka iyo dadka haysata waxaa kun jeer u sabab ah hubka. Meelba meesha uu hubka ku badanyahay ayaay colaada iyo ammaan xumidu ku badantahay. Qodobkaas waa in hoosta laga wada xariiqaa.
  2. Waxaa socda sasaan colaadeed oo ay abuurayaan dad dano gaar ah leh oo aaminsan damacooda Siyaasadeed in ay ku gaari karaan Dagaal Sokeeye oo markale ka curta gayiga Soomaalida.   

Waxaana marag ka ah Dagaalada hada ka socda meelo kamid ah dalka, oo dad badan lagu dilay ama lagu barakiciyay, halka kuwo deegaano nabad ahaa ay qarka u saaranyihiin Colaad Sokeeye oo hadda midiyaha leysku sahanayo.

Labadaa Qodob iyada oo laga duulayo aragtideydu waa lama huraan in Hub kadhigis guud loo sameeyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Qodobka Labaad: Ninka hub haysta hubka ma isagaa iska leh mise Qabiil baa u dhiibtay, arintaa dood badan baa ka taagan laakin waxaa hubaal ah nin kasta oo hub haysta in ay jirto sabab uu u hayso cidi doontaba ha lahaato ama ha u dhiibatee, Waana arin u baahan baaritaan madaxbanaan oo cilmi ku dhisan.

Laakin waxaa hubaal ah in ragga hubeysan ee Soomaaliya jooga ay dhamaantood ganacsato yihiin haday ahaan lahayn Qabqable dagaal, Shariikado , ama xarumo ganacsi.

Kuligood waxay lacag ka sameeyaan adeegsiga hubka, xoolahooda ha ku ilaashadaan ama qollo kale ha ku handadaane.

Marka waxay u badan tahay in aysan jirin Beel hub leh ee waxaa hubka iska leh shaqsiga haysta waana suuragal in beeshu ay kor ka ilaashato hubkaas sababtoo ah marka ay qolo kale isku dhacaan waa hub iyaga keyd u ah. Marka milkiyada hubka intaas ayaan uga gudbayaa waana suuragal in aan gafsanahay.

Qodobka Sadexaad: Dowladu xaq ma u leedahay in ay hubka ka uruuriso raga hubeysan, maleeshiyaad iwm. Jawaabtu waa Haa!

Dowladu dalka iyo dadka iyadaa u ah dowlad sharciyadna uhaysata, ilaalinta ammaanka muwaadiniinta iyo dalka guud ahaa. ma oggi in xilka dowladnimo lagu haysto oo dalku dowlado kale ka jirtaan. Dowladu hadaanay hubka qaadin suuragal manoqoneyso wada hadal iyo dib u heshiisiin, marnaba madhici karto in nabad gelyada ay dowladu ilaaliso, saababtoo ah  hubku waa cadawga nabad galyada iyo daganaanta hadaanay cid mas’uul ah gacanta ugu jirin mana garanayo cidi aan aamini karno ee aan dowlad ahayn.

Hadaba maxaa qaldan oo cabashada iyo shakiga keenay?

Waxaa muhim  ah in mid leysla oggol yahay, dowladu waxay dowlad ku tahay xilkana ku haysaa waa sharci ee xoog iyo xeelad kale midna ma’ahan. Hadii ay dowladu lafteeda sharciga jebiso Suuragal ma’ahan in dadweynahu ay iyagu noqdaan sharci dhowrayaal. Wixi khalad halkaa kayimaadana eeda waxaa iska leh dowlada, laga yaabee in aan qaladkeedu u muuqan ee ay awood isticmaasho.

Hub kadhigista ay dowladu hada ku dhaqaaqday ma saxbaa mise waa qalad, waa arin u baahan dood dheer, laakin mid ayaan ku gaabsanayaa dowladu xaq umala laha in ay qof hub ka qaado, oo ay gurigiisa ku weerarto, dadna ku dhintaan  iyada oo aan sharci u haysan.

Isweydii dadka ku dhinta ama hantida ku burburta isku dhacaas ayaa ka mas’uul ah?

Dowlada lama diidana in ay hub ka dhigis sameyso laakin muxuu yahay fududeydka Xukuumada ee aan sugi Karin inta uu sharci qaran ka noqonayo dalabkeeda sharciga xakameynaya hubka ee ay dhawaan u gudbisan baarlamanka. Annigu ma fahmin u jeedada ka dambeysa, koley waxbaa la boobsiinayaa.

Hadii Baarlamaanku ogolaado sharciga hub kadhigista iyo xakameynta hubka dalka sidaa sharci makuyahay oo dadka guryaha maloogu dhici karaa mise looga qaadi karaa hubkooda ? Jawaabtu waa maya. Hadaba maxaa sharci ah?

Sharci kasta oo ay xukuumadu dalbato, Baarlamaanku ogolaado wali waa qabyo inta madaxweynuhu kasaxiixayo.  Laga bilaabo waqtiga uu madaxweynuhu saxiixo waa sharci dhameystiran oo dowladeed.

Qof ka horyimaada sharcigaa waxaa uu ka horyimid sharci dalku leeyahay. Waxay isaga iyo dowladu kala helaan ayuuna leeyahay. Mana u maleynaayo inuu jiro qof ama Wabiil dowlada ka hor imaankara.

Gabagabo, waxaa haboon in dalkaan laga daayo dowlad iyadu sharciga dumisa, dowlad dad fudeyd ku habaaran ay indho uyihiin. dowlad subixi ku dhaqaaqda wixi madaxdu habeenki ku riyoodeen ama marqaankooda ka helaan.

Dal iyo dad  hadii sidaa lagu dhaqi karo dalku ma dumeen. Ee fadlan sharciyeeya wixi aad dalka ku dhaqeysaan.

Ayaanle Xuseen Cabdi - London, UK
Email: ayaanle@live.co.uk


Ayaanle waa Madaxa Barnaamijyada Xarunta Nabadda iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee HanoolaatoMedia. [url=http://www.hanoolaato.com]http://www.hanoolaato.com[/url]




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.