HUBSASHO HAL DHAN BAA LA SIISTAA!! (Maah Maah Soomaaliyeed)

Dr. Ismail Malaas - Dadka darajooyinka waaweyn ee DKM ah haya iyo dawlad kastee dunida ka jirtaa waa in ay aad isaga ilaaliyaan warka uu qof u keeno ama war uu ka dhageesto qalabka warfaafineed ama ka akhristo Wargeys, Webseed IWM, ama war sirdoonka dowladda ama shakhsi dowladda ka tirsan si kastoo aad ugu kalsoontahay.
Maqaallo Keydmedia Online
HUBSASHO HAL DHAN BAA LA SIISTAA!! (Maah Maah Soomaaliyeed)

Waxaa ugu daran wararka sirdoonka qaarkood madaxda soo gaarsiiyaan  kuwaasoo alif ama xiddig lagu dallacsiiyo raadiy, waddo kasta ha toosnaata ama yey toosnaane ku raadsha.

Dowladdii Milateriga aheyd ee Max’ed Siyaad Barre hogaaminayay burburkeeda waxaa sabab u ahaa sirdoonka “NSS” hay’addii kacaanka dhisay Max’ed Siyaad Barre waa la waalay, la argagixiyay isagoo is lahaa iska tirtir kana qubeyso dhamaan ceybihii iyo denbiyadii uu ka galay ummadda Soomaaliyeed markuu ahaa Soomaaliga u sarreeyay ee u shaqeynayay Hey’adihii sirdoonka ee Gumeysigii Ingiriiska iyo Talyaaniga, Hey’addii sirdoonka NSS-ta waxaa Max’ed Siyaad looga argagixiyay waxaa is abaabulay reer hebel oo kacaanka ka soo horjeeda waxaa qas wada reer hebel oo kacaanka neceb, qabiilooyinka Soomaaliyeed oo idil ayaa NSS-tu ku dirtay, waxaana NSS-ta ay hoos imaan jirtay wasaaradda arimaha gudaha.Wax ma hubsan jirin oo ushiisuu la dhici jiray qabiilka loo tilmaamo.

Qalabka warfaafinta qaarkii iyadoo dhalinyaro curdin ah ay ka shaqeeyaan ayeey iyagoo is leh ka hormara qalabyada kale ee warfaafinta  ayeey telfoon markaa soo dhacay oo aanay aqoon u laheyn cidda soo direysa iyo run iyo been waxa uu sheegayo ayeey sii daayaan, madaxda u sareysa dowladda ayaa sirdoonka ula soo ordaa warka ninkaasi gobal uga soo diray isagoo sheegaya in qabiil hebel ka soo duulay meel heblaayo kuna soo duulay magaalo hebel, isla markiiba qofkaa jagada weyn hayaa haduusan aheyn siyaasi bisil, aqoon heer sare ah leh, iyo waliba in Soomaaliya ay tahay bulsho weli leh dhaqan reer guuraanimo, ayuu warkii dhegta loogu sheegay ka sii daayaa idaacadaha,ayna dhageestaan dadkii uu u talinayay, warkaasi caadifadnimada  ah ee loo sii daayay, uuna xaakiinka ku dhawaaqay durbadiiba wuxuu dhaliyaa caadifad qabiil oo sii qota dheereysa uur ku taalooyin qabiil oo waa hore qabaa’il Soomaaliyeed u dhex yiil.

Xaakimka noocaas ah ee dowladdu durbaba shacbiyadda ayaa ka naaqusta, waxaana ku haboon xaakimka bulsha ceynkaas ah ku dhex nool in aanu marnaba ku dhawaaqin reer hebel ama dagaal hebel dagaal qabyaaladeed ayuu ahaa.

Intii DMK ahi jirtay, weliba midda haatan joogtaa dadka xaakinka sare ka mid yahay isku dhacyo qabiil kama hadal, meelna lama istaagin khudbad rasmi ah isagoo leh meel hebla dagaalada qabiil ee ka dhacaya hala joojiyo, haddii la joojin waayana ciidamo dowladeed ayaan soo direynaa.

Dowlad aad u adag oo xoog leh ayeey Soomaaliya u baahantahay, dowlad ciidamadeeda xaqooda siineysa, waa wax aan caqliga galeyn in ciidan aadan mushaar siin hubkii ka kala go’ayo oo ciidamo shisheeye oo 1000$ qataa bishii in ay si daacadnimo ah kugu adeegaan waajibkoodana ay gutaan.

Afmishaarada xildhibaanada badankood doortaa ma aha  duqowdii, salaadiintii, wabaradii, isimadii IWM ee dhabta ahaa ee rag diyaar ah  mar alaale markii dib u heshiisiin baa la qabanayaa la yiraah, ashkhaastaas taliyaashii qabaa’ilka sheegtaa waxay fadhiyaan oo markii la doona laga helaa goobaha fadhi ku diriryada  ah ee Shaaha lagu cabo, xildhibaanada waxaa laga doortaa meelahaas.

Waxaa aad iiga yaabshay oo aan mararka qaarkood oon wadada anoo socda  soo xusuustaa xildhibaan goob aan shaah ka cabayey fadhiyay xili aan Muqdisho joogay, waxaana uu shaah u shubay tobaneeyo qof sheekeynayay, xildhibaanka “Sharafta lihi” wuxuu ka sheekeynayay shir golaha shacabka uu lahaa oo uu shalay tegay.

Xildhibaanka “Sharafta” lihi wuxuu weydiiyay  xalay telfishinka ma fiirsateen  mise I aragteen anoo sawaxan sameynaya, foorinaya markii Shariif Sikiin soo galay goobta oo loo doornayay gudoomiyaha?.

Haa ayaa la wada yiri, waryaa adaa u geesi sanaa oo qeyla dheeraa, xildhibaanku wuxuu ahaa dadkii maalinkaas ku kacsanaa shariif sakiin oo maalintaas laga bisleynayay lacag, maalintii danbe ayaa shariif sikiin isagoo diyaar la ah lacag soo galay, xoogaa yaroo xildhibaano ah ayuu ku qeyliyay, xildhibaankii aan horey uga sheekeynay maalintaa ma qayilin, xalayoo kale ayaa xoogaa lacag ah loogu shubay xagga “ZAAD_KA” baaqiina waa haraa lagu yiri, inta badana sidaa ayaa la yeelay in yaroo sharaf iyo wadaniyad laheyd mooyaane.

Waa noocaas dadka arimaha Soomaaliya ka taliyaa ama xilkas ma aha ama jaahil ama waa mid u shaqeeyo dano dowlado shisheeye ama ururo qarsoon oo dano qurmoon leh ayeey leeyihiin.

Xukuumadda waxaa ku badan dad aan u qalmin jagooyinkaas laakiin loo doorto maadaama hogaamiyaha qabiilka ku kalsoonyahay .

Dhamaantood kuwaas waa kuwa aan wax hubsan wixii war ah ee loo keena la booda, waa kuwa aan maqal maqaalka halkudhigiisu yahay “Hubsasho hal dhan baa la siistaa” hadalkeygana waxaan ku soo koobayaa in war kastaa ee xiisadaha qabyaaladeed kicinaya laga fiirsado, ilaahey wuxuu ku yiri Qur’aanka kariimka ah “YAA AYUHANNASU IDAA JAA’AKUM FAASIQUN BI NABA’IN FATABAYANUU  QABLA AN TUSIIBUU QA’MAN BI JIHAALATIN FATUSBIXUU CALAA MAA FACALTUM NAADIMIIN”.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.