Jaamacadaha Muqdisho: Bilad Sharaf bey Mudan yahiin! (Daawo Video)

Soomaalida Maantay #15 - Dunida horumartay, magaca iyo muunada wanaagsan waxay ku yeelatay dadkeeda oo waxbartay isla markaana dadaal badan muujiyay, waxaana dal walba dalka uu uga horeeyo dhanka aqoonta uu yahay mid ka wanaagsan kana horumarsan.
Maqaallo Keydmedia Online
Jaamacadaha Muqdisho: Bilad Sharaf bey Mudan yahiin! (Daawo Video)

Todobaadkan Barnaamijka Soomaalida Maantay waxaanu ku eegeynaa mowduuc ku saabsan Muqdisho iyo waxbarashada Jaamacadaha sida ay tahay.

Soomaaliya dad badan way ku adagtahay in ay rumeestaan in ay la jaanqaadeyso dhanka aqoonta iyo waxbarashada marka laga hadlayo dalalka afrika ee ay qaarada wadaagaan, waxaana dadka ku qufulan kaliya in Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho  dagaal, colaad, darxumo iyo diif in looga noolyahay.

Mudadii burburka uu ku jiray Dalka waxabarashadu waxay qeyb ka aheyd waxyaabaha horumarka laga gaaray ee aan u burburin sida adeegyadii guud ee bulshada intooda kale ay u burbureen, waxaana taasi suurta galiyay aqoonyahano Soomaaliyeed oo isku taagtay inay wax uun ka badbaadiyaan mustaqbalka dhalinyarada soo baxeysa.

Tiro laguma koobi karo dugsiyada hoose,Dhexe iyo sare ee ku yaala Muqdisho iyo deegaanada la mataanoobay markii magaalada colaada ay ka dhacday, waxaana dhamaan dugsiyadaasi u waxbarasho tago arday Soomaaliyeed subax iyo galb walba.

Sidoo kale waxaa ku yaala Magaalada Jaamacado ay gacanta ku hayaan aqoonyahano Soomaaliyeed oo ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ku hirtaan kana hilaan badanka waxyaabihii ay haminayeen ee dhinaca waxbarashada la xiriiray.

Magaalada Muqdisho waxaa xiligan adag ee dagaalada, Abaaraha iyo dhibaatooyinka ay jiraan ku yaala in ku dhaw 10 jaamacadood oo bixiya taqasusaad kale duwan, waxaana badanka ardayda soomaaliyeed xiligan ay yihiin kuwa aad u xiiseeya kuliyadaha Information Technology (IT)  , Maamulka iyo xisaabaadka iyo caafimaadka.

Waxaana Jaamacadaha Dalka ka soo baxa sanadkiiba ugu yaraan 300 oo arday wallow dhibaatooyin ay kala kulmaan ardayda dhinaca helida fursadaha shaqo ee ay hiigsanayeen waayo  inta badan loo shaqeeyayaasha waa kuwa halkii aqoonta laga tixgalin lahaa ku bixiya fursadaha ay hayaan nidaam ku saleysan qabiileysi iyo nin tooxsi, taasina waxa ay sababtay in dhalinyara badan oo ka baxday jaamacadaha Dalka ay gidaarada la fadhiyaan shaqa la’aan iyagoo leh aqoontii.

Jaamacada Plasma ayaa ka mid ah jaamacaha ku yaala Magaalada Muqdisho ee xiligan waxbarashada sare siiya ardayda Soomaaliyeed, keydmedia mar ay booqtay Jaamacadaasi ayaa waxa ay wareysatay madaxa maamulka Jaamacada Max’ed Max’ud Goodir iyo qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaasi wax ka barata.

Ustaad Goodir ayaa sheegay in jaamacada ay bixiso daraasaadka kala ah, pharmacy, Nursing, midwifery, Telecommunication Engineering, Economy iyo qeyba kale waxaana jaamacada iminka wax ka barta ku dhawaad 1000 arday oo labada galin iyo khamiista iyo jimcada ah, iyadoona jaamacada xarumo ay ku leedahay gobalada Dalka Sida Hiiraan, J.hoose, Sh.hoose iyo Galguduud.

Sidoo kale waxaan wareysanay arday ka tirsan kuwa iminka jaamacada wax ka barta, kuwaasoo aan weydiinay waxyaabaha ay bartaan iyo taya ahaan sida ay la tahay.

Waxa ay sheegeen ardayda in ay si weyn ugu qanacsanyihiin waxbarashada ay iminka ku jiraan iyagoo Dalkoodi hooya jooga, waxaana ay ugu baaqeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka isla markaana rumeysan in waxbarashada Dalka xiligan aanay qiima badan laheyn in ay waxbartaan si mustaqbalka ay isu anfacaan, Dalkana ay u anfacaan.

Dadaal ay aqoonyahanada Soomaaliyeed ugu jiraan horumarinta waxbarashada Dalka iyo kobcinta maskaxda dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa mid si weyn in loo bogaadiyo mudan, waxaana la gudboon inta samaha jecel ee Soomaalida ah in ay isu taagan sidii aqoonta iyo horumarka Dalka sare loogu qaadi laheyd.

Hadaba daawade maa aaminsaneed in Muqdisho oo aad maalin walba ka maqasho warbixin ku saabsan dagaal, musiibo iyo dhibaato uu ka jiro horumar ceynkan oo kale ah oo la xiriira dhanka waxbarashada.? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook iyo youtube.

Keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.