Ma Xasuusataa? - JAGA DOON

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - (Keydmedia.net) - Dadka Dunida ku nool tan iyo waagii Bani’aadamka la abuuray waxa ay ahaayeen kuwa la hogaamiya iyo kuwa wax hogaamiya , laakiin waxaa xusid mudan in si weyn bulshooyinka caalamka ee kala dhaqanka, kale diinta iyo kala Ilbaxnimada duwan ay ku kala duwan yihiin qaabka jaga doonka (Qofka doonaya inuu hogaan qabto).
Maqaallo Keydmedia Online
Ma Xasuusataa? - JAGA DOON

Dalkeena tan iyo 1990-kii markii ay meesha ka baxday xukuumadii dhexe ee Dalka ka talineysay mudada 21-sano ah waxaa aad u soo badanayay kooxa hayi kacsan oo doonaya in ay qabtaan hogaan balse aan haba yaraatee aan laheyn awood hogaamineed  iyo aqoon wax lagu toosin kara.

Aqoonyahanada falanqeeya arimaha maamulka iyo hogaaminta waxa ay ku doodaan in calaamadaha lagu garto hogaamiyaha Wanaagsan (Jaga Doon) ay yihiin kuwa aad u kala duwan waxaana ka mid ah qodobadan Shanta ah wallow aqoonyahanka qaarkood ay gaarsiiyaan ilaa iyo taban tilmaamood balse aan soo qaadano shantan Qodob

  1. Daacadnimo (Honest)

  2. Dajinta qorshayaal wanaagsan oo la xiriira dhanka mustaqbalka(Forward-looking)

  3. Inuu lahaado Aqoon wanaagsan iyo xirfad wax qabad leh (Competent )

  4. Dhiiragalinta laamaha shaqa wadaaga la ah (inspiring)

  5. Maskax wanaagsan oo kala garan karta danaha bulshada ama Hey’adda la hogaaminayo (intelligent).

Dadka qaar ee aqoonta u leh fanka maamulka iyo hogaaminta  waxa ay in badan rumeysan yihiin hadii qofka hogaan doonka ah uu qaab maamulkiisa ku dabaqo arimahan in uu gaari karo hamigiisa la xiriira hogaanka.

JAGA DOONKA SOOMAALIYA

Soomaaliya oo marka la eego Juqaaraafi ahaan, dhaqaale ahaan iyo Cimila ahaanba ka mid ah Dalalka Dunida ugu wanaagsan waxaa ayaan darro noqotay in halbeega uu wax ku cabiro jaga doonkeeda uu yahay mid ka duwan kan Dunida ay isla ogoshahay, hadaba akhriste aynu wada eegno qaar ka mid ah qodobada ugu horeeyay ee uu ku faani karo jaga doonka Soomaaliya .

  1. Imisa shacab ah ayaad dishay ama xitaa aad ku lug laheyd dilkooda ?

  2. Intee in la eg oo hanti guud ah ayaad lunsatay tan iyo markii aad hamiday hogaaminta bulshada?

  3. Imisa wiil oo reer tolkaa ah ayaa kuu hubeysan una diyaar ah ka daaficida jagadaada reer qansax, reer qorax iyo reer tala ma yeele.

  4. Ku dhaarashada Kutabka Alle isaga oo sheegaya in danta beeshiisa ay ka horeysao wax walbo (qodobkan waxaa lagu badalay qodobkii ahaa in danta guud wax walba laga horumariyo).

Marka uu ka gudbo arimahan ayaa hadana waxaa ku hor gudban caqabad ah xiriirka waxa loogu  yeero beesha Caalamka balse dhabtii ah Dulaaliinta Dalka kuwaa oo ka eega Jaga doonka awoodiisa la xiriirta fulinta danahooda, waxaana hadii uu ka gaabiyo u adeegooda ay diyaariyaan qorsha meesha looga saarayo laguna keenayo qof cusub oo maskaxdiisu ay  ku adeegtaan, tani Cadeyn waxaa nooga filan inta shir ee leyska garab furay lana siiyay Magac dib u heshiisiin iyadoo aanay wali dhamaan xiligii ay loo qoondeeyay Dowlado loogu magac daray ku meel Gaar.

YAA JAGA DOON AH? 

Jaga doon waxaa ah marka aynu ka hadleyno Soomaaliya qof walba, laakiin waa la kala horeeya, waa dhif iyo Naadir in la helaa qof Soomaali ah oo ku leh ma rabo hogaan iyo hogaamin, waxaan taas ka door bidayaa in ley hogaamiyo, sababtuna waxay tahay Soomaalida oo hogaanka u aragta fursad dhaqaale kasbasho.

Waxaan maqali jiray Inta aan Idaacadaha Muqdisho laga xanibin Heesaha xiliyada la maqlo waxaa la magacaabay Hogaamiye cusub oo Soomaaliya ay yeelaneyso iyaga oo dhagaha Shacabka Maqashiinaya Hees erayadeedu ay ka mid yihiin (HA IS ORAN CIDI KUMA ARKEYSOO AQALA JEEXO, HA IS ORAN CIDI KUMA ARKEYSO QALIN KU AARSO, NIN XIL-QAADAY EED QAAD), laakiin erayada heestaasi waxaa badalay kuwa kale lidi ku ah kana soo horjeeda, oo maxay yihiin erayada cusub?.

Waxaa ugu muhiimsan eryadan cusub ee lagu badalay Heestaas “NIN XIL QAADAY DHAQAALE QAAD” oo macnaheedu uu yahay in qof walba oo loo dhiibo xil waxa ugu horeeya ee maskaxdiisa ku soo dhaca in ay yihiin sidii uu dhaqaale u kasban lahaa Bangiyada Caalamkana uu xiriir wanaagsan ula yeelan lahaa.

Waxaan maqali jirnay qole isku magacawday Bulsho rayid ah, oo isugu jirtay difaaca-yaasha xuquuqda Aadanaha iyo qandaraaslayaal ku howl gala Mashaariic ay ka mid yihiin la dagaalanka AIDS-ka iyo gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha, qolooyinkan iyaga ah waxa ay dharaar iyo habeen ku celcelin jireen in aanu aheyn hogaan doon balse ay yihiin kuwa isu taagay daryeelka Bulshada, aaway manta, Halkey ku danbeeyeen?.

Qaarkood waxa ay si weyn ugu jahwareersan yihiin gudaha Baarlamaanka, oo ku dhawaad laba Sano oo ay ka mid yihiin Baarlamaanka waxa ay garan la’yihiin qaab howleedka Baarlamaanka iyo sida arinka uu usocdo.

Mid ka mid ah qolooyinkaas oo aan si wanaagsan isu naqaan balse iga dalbaday in aan magaciisa xigan ayaa ii sheegay in waxyaabaha uu la yaabay ay ka mid yihiin Fariin qoraaleed telfoonka Gacanta la soo marsiinayo loona adeegsanayo qaab is wargalin, “ waxaad arkeysaa fariin saaran shaashada Telfoonkaaga gacanta, marka aad eegto waxa ay sheegeysaa in kulankii Baarlamaanka uu baaqday, laakiin waxaan la yaabaa Sababta baaqasha lama soo sheego” ayuu yiri, waxaa hadalkiisa ku sii daray waxaa kaloo iga sii yaabiyay in badanka ku tirsanayaasha Baarlamaanka ay yihiin kuwa aan wax qorin waxna aqrin, xiliyada qaar waxaa dhacda iyadoo habeenki la soo wada diray fariimahaasi in qaar ka mid ah xildhibaanada aan waxba aqrin ay tagaan xarunta Golaha shacabka isla markaana ay ku soo hungoobaan.

Bal akhriste adigaba isu bar bar dhig calaamadaha aan sare ku sheegnay ee laga doonayo hogaamiyaha wanaagsan iyo Jaga doonka Soomaaliya.

ISLAAMKA IYO HOGAAMINTA

Diinteena Muqadaska ah ee Islaamka waxa ay fareysaa Dadka Muslimiinta hogaankooda in ay ku saleeyaan qaab cadaalada ah isla markaana lagu dabaqo Diinta islaamka, Islaamku wuxuu na farayaa in seddexdii qof ee Muslimiin ah ee meel isugu timaada ay yeeshaan hogaan si loo muujiyo midnimo iyo wada-jir.

Kadib Geeridii Subanaheena Muxamad NNKH Saxaabada waxa ay  u istaageen sidii umada ay uga sameyn lahaayeen hogaan, waxaana dhinacya badan marka la eegay kadib leysla gartay Abuu-bakar Saqiid oo Nabiga Rafiiq ay ahaayeen isla markaana Nabiga NNKH xiligii uu ku jiray Sakaraadka uu amray in Muslimiinta uu salaada ka bixiyo uu noqday hogaamiyaha Muslimiinta kadib Geeridii Nabiga, waxaana sidaasi ku abuurmay silsiladii Maamulka Khulafada.

Diinta waxa ay ina fareysaa in hogaan aan loo dhiiban dadka iyaga doonta hogaaminta, balse taa badalkeed loo dhiibo hogaanka iyo hogaaminta dadka iyaga ka gabada hogaaminta ee Mu’miniinta ah si aayaha umadda uu u hagaago.

GABAGABO

Tan iyo inta hogaanka ummadda looga dhiibayo dad ehel u ah oo aan ka mid aheyn jaga doonka maanta ee si uu jago u helo umadda u leynaya, badanka dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ah waxa ay rumeysan yihiin in isbadal wanaagsan aan laga sugeyn Dalka.

Waxaana arinkaasi ay u sababeynayaan Jaga –doonka xiligan oo Caqli ahaan, karti ahaan, iyo Niyad ahaanba aan aheyn mid istaahila inuu noqdo horusocodka bulshad .

Dr. Ismail Malaas - Keydmedia.net Chief Editor - Nairobi
Ismacil.maalas@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.