Jen. Maxamad Farah Caydiid & UN envoy Sahnoun oo la hadlayaan Somaalida - Daawo

DAAWO VIDEO - Daawade Halkaan waxaan kugu soo Bandhigeynaa Filim Documentry-gaan oo Qayb kamid ah Barnaamijka Keydmedia History Clips, waana Muhim inaad ogaatit Marxaladaha kala duwan ee Dalkaagu soo maray. Dhacda kasta uma dhicin sida adigu aad dooneysay.
Maqaallo Keydmedia Online
Jen. Maxamad Farah Caydiid & UN envoy Sahnoun oo la hadlayaan Somaalida - Daawo

Waxaa Halkaan ka arkeysaa Jen. Maxamad Farax Caydiid iyo Amb. Sahnoun oo ahaa Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya. Bal Erayadaan dhageyso oo dhuux.  

Caydiid wuxuu ahaa Muwaadin Soomaaliyeed  oo rumaysnaa caddaalad, sinnaan iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Xukunka uu ka riday Maxamad S. Barre iyo kooxdii ku lifaaqnayd kuma salaysnayn arrin Qabiil ee waxey aheyd isbaheysi ka yimid Bulshoweynta Soomaaliyeed.

Caydiid ma sameyn xukun afgambi ah ee wuxuu hoggaamiye ka ahaa isbeddel caddaalad iyo midnimo doon ah, wuxuuna ummadda ugu baaqay inay isugu timaaddo kulan Soomaali-weyn oo halkaas lagu dhiso dawlad loo dhan yahay. 

Caydiid wuxuu aaminsanaa in shakhsi kasta oo Soomaaliyeed uu dalka ka dago meel kasta oo qofkaasu jeclaysto, wuxuuna si weyn u rumaysnaa midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo tixgelinta karaaamada shakhsi kasta oo bulshada kamid ah. 

17 sano ayaa Caydiid mootan yahay, kun jeer baana dalku kasii xumaaday meeshii uu kaga tagey 1995tii. Kuwii diiddanaa nabadda Caydiid xambaarsanaa oo uu ummadda ugu baaqay, kuwii afduubay oo marinhabaabiyey midnimada iyo karaamada ummadda maxay soo kordhiyeen? Kuwii sababay in dalkii degmo degmo u kala go’o maxay soo kordhiyeen? Kuwii dhaleeceeyey qaranimada Caydiid tiigsanayey maxay soo kordhiyeen? Kuwa dib u curiyey qabyaaladda, gobolaysiga, bililiqada qaranka, ku xadgudubka ummadda, mawaafaqa-darrida siyaasadda maxay soo kordhiyeen kadib geeridii Caydiid? 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.