Keydmedia Online

Kaalin ay la keli noqotay

Maqaallo Bashir M. Xersi

Dhammaadkii 2005 ayaan qoray faallo halbeeggeedu ahaa: "Door intee la eg ayey ka ciyaaraan web-Beeleedyadu Hurinta Colaadaha?!" oo eheed qoraalkii u horreeyey oo website iigu soo baxa, aanse ahayn qoraalkii u horreeyey ee aan qoro, oonna ku faaqiday kaalinta mareeguhu ku lahaayeen, welina ku leeyihiin hurinta colaadaha, kicinta dadweynaha, isku dirka iyo dilka beelaha iyo bulshada Soomaaliyeed.

Kaalin ay la keli noqotay

Dhammaadkii 2005 ayaan qoray faallo halbeeggeedu ahaa: "Door intee la eg ayey ka ciyaaraan web-Beeleedyadu Hurinta Colaadaha?!" oo eheed qoraalkii u horreeyey oo website iigu soo baxa, aanse ahayn qoraalkii u horreeyey ee aan qoro, oonna ku faaqiday kaalinta mareeguhu ku lahaayeen, welina ku leeyihiin hurinta colaadaha, kicinta dadweynaha, isku dirka iyo dilka beelaha iyo bulshada Soomaaliyeed.

Waxay eheed xilli ay muuqatay, in la geli doono heer cusub, oo weliba culayskiisa yeelan doona, sida loo ka la safnaa, la isuna sannifsanaa awgeed, oo waxaa la ka la raacsanaa dawladdii dalladda qabqablayaasha iyo ka dib oo ay soo bexeen Midowga Maxkmadaha, dabcan, sidoo kalana ururkii la dagaallannka argagixisadana ha ka reebin. Intii garatay ama ku baraarugtay kala wareeggaa gocosho aan ka harin ayey weli u tahay, inta kale weligeedba wayska yaaci jirtay, intii curisayna maanta badi caloolxumo ayey ku haysaa, ay u gaysay caallennimo ama cunnodoonnimo ay wehlin karto xilraadin.

Waxaa xigay wadahadalladii Jabuuti iyo Khartuum, oo ku dhammaaday kala-tag dhaliyey, in Xabashi dalka ay xoog ku soo gasho, oo dhaliyey qasaaro naf iyo maal ah, welina ay jiraan dad dafirsan, sidii in qirashadooda qaalmo lagu helayo ama dadkii ay qurgooyeen dib u soo noolaanayaan.

Dhagartaa, dhibtaa iyo dhimaalkaa, shan sano ka dib, in kala wareeg kalana soo fool leeyahay ifafaalihii jiro, ayey warbaahinta KEYDMEDIA hawada soo gashay, oo ay la timid aqool farsamo iyo aqoon ogaal Soomaalida guud ahaan ka maqnaa ama ka dednaa, gaar ahaanna bahda warbaahinta.

Marka laga soo tago farsamada sarraysa ee adeegsanayeen, welina adeegsadaan iyo quruxda naqshadeed ee website-kooda ku xardhan yahay, waxay la curiyeen qaab tebin cusub oo warka, dhacdada, siyaasadda iyo sooyaalka loo gudbiyo, oo ku dhisan; caddaymo, muuqaallo, maqallo, falanqayn, faalleyn iyo faaqidaad aqoon iyo ogaal ku daaban.

Anigu waxaan aad u jeclahay barnaamijyadooda ku aaddan: "sooyaalkii la soo maray", "dhacdo ugub" iyo "Soomaalida maanta" oo aad ka wada heli karto xogo qarsoonaa, xaalado qaraaraa iyo xusuuso qofeed, oo qawmiyaddeenna iyo qarankeennaba u ah qiyaas lagu hagi karo qaabeynteenna dawladeed, si qalad shalay aan ku galnay, aan dib loogu dhicin mar kale.

Intan waxaan ugu jeclahay muuqaalka Danjire ahaana MW u horreeyey ee Galmudug, mudane Maxamad Warsame Cali 'Kiimiko' (1937 - 06 may 2019), oo dhab ahaan si kooban, haddana, kaafi ah guudmar sharraxaad ah ugu sameeyey madaxbannaanidii ilaa maanta sida leexsan, ee aan dawladnimada u maaraynnay, welina aysan u muuqan, in wax laga bartay, oo ka dhigan, in uu ahaa indheergad cabqari ah, oo ku baraarugay gartayna eelkeenna aynigiisa iyo ishiiba, ayaandarrase aan la dhagaysan.

Intii ay hawada ku jirtay warbaahinta KEYDMEIDA waxay eheed kaah ifkiisa ay ku soo hirteen runraadiyayaal ama rabayaal badan, ayna ka muhimsanaayeen, in dulmanyaasha la dudsiiyey sedkoodii iyo qoondadoodii, ay cod iyo caqli u noqotay, sidoo kalana, inta aan carrab dheer lahayn ama aan cadkooga goosan karin, ay cudud u yeeshay, oo runtii ay colaadin badan iyo mutaysatay cadow aan yarayn, aysanse cag u dhigin.

Muddo ay hawada ka maqneed, hadda ayey dib ugu soo laabatay, oo ay mar kale hawada soo gahsay xilli lagu jiro curashada heer cusub, oo culayskiisa yeelan doona, ciribtiisase aysan dad badan dan ka lahayn ama garan karin, oo u dhow markii hore, maxaa yeelay, berigaa hore dalka waxaa MW ka ahaa mudane Xabashida aad ugu dhawaa, una suurageliyey, in ay Xamar iyo xeebaha koofureed xasuuq ka gaystaan, haddana, waxaa MW ah mudane kale, oo isna Xabashida aad ugu dhaw, oo xeebihii ay Xabashi xoogga ku qaban wayday, maanta kani rabo, in uu xeelad iyo xaashi saxiixeed ku siiyo. Isu ekaa waayuhu, sooyaalkise soo laaban ogaa!

Waxa lagu ka la qaybsan yahay, weliba lagu kala tago waxaa ugu wanaaagsan midda ku saabsan mabda' iyo qaddiyadda, oo ah midda maalintaa hore taagneed, haddana, maanta taagan oo dib isu soo celisay, marka qof walbow adoo maanta shalay ku fiirinaya taladii shalay kaa qalloocatay yeysan maanta mar kale kaa caynwareegin, sidoo kale, tii shalay kuu toosneed, yeysan maanta kaa leexan, ee dareen taagan iyo digtooni badan ha la lahaado.

“Shalay wixii ku soo maray
Ha u maanxirnaannnine
Haddaad malohabow gashay
Inaad maanta toosiso
Mabda’aa hagaajiso
Adigey maslaxo iyo
Muunad gaar ah kuu tahay
Mar haddaadse toosneed
Mawqifkaa ha laayicin
Meehannow ha uga tegin
Mayalkaa ha leexinnin
Kuna mitid qaddiyaddaa!”

Marka dib u soo hawogelinta warbaahinta KEYDMEDIA waxay mar kale abuurtay rajo ah, in la helo kanaal buuxin kara aragtida dadnimo iyo damiir ee Soomaalida diiddan dulmiga iyo dayaca dalka, oo eheed kaalin bannaaneed, ka dib, markii badi la wada gatay wariyayaashii, mareegihii iyo muuqsidayaashii.

Aniga oo leeddadan ka dhuraysanaya waxaan leeyahay bahda warbaahinta KEYDMEDIA soo dhawaaada mar kale, oo u dhabar adayga canaabta xileed ee aad dusha u ridateen, ee aan qof ama qolo idiin dirsan, in aad dhaqaale gelisaan ma ahane aadnaan waxba ka dheefin.

“Wixii keyd la geliyaa
Waayaha u harayee
Waanada indheergarad
Waxay weli na leedahay;
Waddankaan ha loo turo
Waaxyeyn ha laga jiro
Walaalaha ha loo naxo
Yaan la siinnin waabaay!”

Bashir M. Xersi

  • user pic

    juhle

    • 15 July 2020

    Keydmedia waxay ku jirtaa mareegaha ugu daran ee hurinta colaadaha sokeeye ka qeyb qaatay. waa yaab iyo af kala qaad in Keydmedia ay is boqrayso iyadoo la hayo qoraaladii heyb naceybka ku salaysnaa ee ay qori jirtay.




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.