Kacdoon wadyaashi oo la Kulmay Kacdoon diid!

Muqdisho (Keydmedia) - Fariin farxad iyo niyad samaan ku bilaabatay ayeey kacdoon wadyaasha Soomaaliyeed khamiisti ka bilaabeen magaalada Muqdisho, waxaana ujeedada kacdoonka ay aheyd in leyska diido natiijada shirkii Kampala ee Mahiga iyo Shariifyada ay umadda Soomaaliyeed ku afduubeen.
Maqaallo Keydmedia Online
Kacdoon wadyaashi oo la Kulmay Kacdoon diid!

Dhalinyaro, Haween, caruur iyo rag wadaniyiin ah kana dhiidhiyay dhibaatada Dalka loo horseedayo ayaa isagu soo baxay wadooyinka Muqdisho iyo qeyba ka mid ah gobalada Dalka iyo Caalamka, waxaana dhamaan kacdoonada ay ka mideesnaayeen diidida Shirkii Kampala iyo u hogaansamida qorshaha gumeysiga ku saleysan ee ay wadajirka u maleegeen Labada Shariif iyo Mahiga oo wada jira.

Kacdoon wadayaasha Soomaaliyeed kolkii ay wacdaro muujiyeen muda laba maalmood ah isla markaana Dal iyo dibad laga dareemay awoodooda ayaa waxaa ay yeesheen cadaw badan oo kacdoon diid ah kuwaasoo bilaabay dacaayad iyo been abuur in ay ka fidiyaan kacdoon wadayaasha wadaniga ah ee Soomaaliyeed.

Shariif Lamood (Shariif Axmed) ayaa sabtidii salaadii duhur kadib waxa uu shir saxaafadeed ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu si cad oo aan xishood laheyn u sheegay in la weerari doono kacdoon wadyaasha isagoona ku goodiyay maadaama la jabiyay Shabaab iyo Al-qaacida in aanu waqti badan qaadan doonin talaaba ka qaadida kacdoon wadayaal aan hubeesneen., waxaana uu ku tilmaamay umada is xilqaantay ee ka dhiidhiday heshiiska Dalka iyo Dadka dhibaatada u horseedaya caada qaatayaal.

Habeenimadii sabtida ayaa sidoo kale warbaahinta waxaa siyaaba kale duwan uga hadlay xubna taageersan kacdoonka wadniyiinta Soomaaliyeed iyo kooxo kale oo iyagu ku fakar ah Mahiga iyo Shariifyada.

Kooxaha taabacsan Mahiga iyo Shariifyada ee warbaahinta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Yuusuf Indhacade oo sheegay  in kacdoon wadayaasha ay yihiin kuwa laaluush qaatay isla markaana dhibaata wada, sidaasi si la eg waxaa isna eedeeyay umada wadaniga ah hogaamiye kooxeed Max’ed Dheere oo ku sheegay kacdoon wadayaasha kuwa adoonsi ku haya umada kuna qasbaya Farmaajo.

Nasiib wanaag kacdoon wadayaasha marna niyadooda iyo doonistooda waxba uma dhimin dhawaqyada raqiiska ah ee ka soo yeeraya  kooxaha kacdoon diidka ah, waxaana ay mar kale sii wadeen kadoonadooda iyagoona isu soo baxay subixii Axada.

9:30Am kolkii ay aheyd saacada Muqdisho ayaa kacdoon wadayaal tira badan waxay mar kale ku kulmeen wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ay bilaabeen kacdoon wadayaashi ashtakoodii ka dhanka aheyd heshiiskii shariifyada iyo Walaalkood Mahiga.

Xili ay kacdoon wadayaasha isugu dhacday howshooda ayaa ciidamada Nabad sugida oo u muuqday kuwa ka jaawabaya hanjabaadi shariif Lamood waxa ay xabsiga u taxaabeen dhalinyaradii kadoonka waday, iyagoona xabsiga dhigay 11 dhalinyarada ka mid ah iyo mid ka mid ah suxufiyiintii dibad baxa ka warameysay, kaasoo la shaqeya idaacada kulmiye laguna Magacaabo Max’ed Amiin Abuukar Cabdi.

Gudoomiyaha kacdoon wadayaasha sagaalka june C.qaadir Ibraahim Gacal Abkow oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in aanay hakan doonin kacdoon wadayaasha isla markaana ay muujin doonin dareenkooda tan iyo inta isbadal laga sameynayo.

Saakay mar kale ayeey kacdoon wadayaasha bilaabeen ashtakadooda, waxaana ay isugu yimaadeen KM4 laakiin muda kooban kadib waxaa kala buriyay ciidamada dowlada kuwaasoo qaar ka mid ah dhalinyaradii xabsiga u taxaabay.

Cawil Midnimo oo ka mid ah dhalinyarada kaalinta balaaran ku leh abaabulka kacdoonka shacabka oo telfoon kula hadlay keydmedia isaga oo dhex taagan dibad baxayaal ku suganaa KM4 waxa uu xaqiijiyay in la xirxiray dhalinyaro lana kaxeestay gaadiid ay isticmaalayeen kacdoon wadayaasha.

Waxa uu xusay Cawil in ay wadi doonaan kacdoonka inta uu shaqsi ka mid ah abaabulayaasha uu banaanka joogo, waxaana uu hadalkiisa ku sii daray in kacdoonka xittaa uu ka dhici doono gudaha xabsiyada.

Talaabadan lagu xirxirayo kacdoon wadayaasha laguna kala eryayo ayaa waxa ay u muuqataa mid abaabulkeeda uu ka danbeeyo Mahiga isla markaana uu ku bixinayo qarash badan sidii loo damin lahaa bidhaanta isbadal doonimo ee ka soo dhalaasha gudaha Shacabka Soomaaliyeed.

Abudlkarim Haji Seeko - Keydmedia Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.