Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Oo kaalay maxaan lab iyo dhiddig ugu noqnoqonayaa, bal aan ballaarsho, sideeda Wadaaygaa (saaxiibkaa) kalsoonida aad ku qabto, ama aad ka doonayso waa intee?.
Haddaad garatay heerkeeda lammaaneed ee (kalsoonidu) ay bulshada ku dhex leedahay, waxaad ogaataa, in kalsoonida madaxdu aysan sida taa oo kale aysan ahayn, oo kaliya ay ka timaad dhan, haddii dhankaa laga waayo waa dib u dhac, lollan iyo burbur! Xiska ku hay inta aan soo marnay.
2000-2013 inta dhaxaysay waxaan magacawnnay 10 Ra’iisul Wasaare, micnaha toban xukuumadood ayaa la dhisay, halka dalalka caadiga ah, ee aan Olyada iyo Biyaha isku darin (tartarin) ee madaxdu kalsoonida kasbato, ka horna ayba doorasho ku yimaadeen ay magacaabeen laba xukuumad ama ugu badnaan saddax. Anaga waxaa naga soo daba dhaw Talyaaniga oo iyaguna 5 xukuumad kor u dhaafay! Ogow, koofurta iyagaa gumaystay, ma is tiri: Maafiyanimadoodii ayaa noo soo duxday? Hubaal in burburku eedda iyo eelka qayb ka yahay.
Xasan bakhiilsanaa! Haddii xilal aan xoola looga rabin uu sidaa u xaddiday, waxa aad ka filataa marka ay gaarto xaq kiisa ah waa uun xusullayn! Sanadkii hore Golaha Xukuumadda oo dhan ayaa la horgeeyey Xil-dhaannada Xalane, yabaqii jiray, ee Dal-tuurka ku daabnaa xeerin looma weyn, maanta taa baddalkeed ayaan joognaa, in Ra’iisul Wasaaraha oo kali ah loo gacan taagay. Ma qori tuur baa mise waa qilaaweyn? Mid ba, kala hormarinta labada tallaabo, ee marba mid la adeegsaday ujeed la’aan ma ahan.
Xeerku saw kii lahaa qodob iyo qaab la raaco, xad iyo xuduud lagu ekaado, haddii kale ba, xerotaraar iyo xadgudub saw ma ahan! Dhis iyo dumi, laba eray oo kala tagsan sida gabbaldhac iyo qorrax ka soo bax u kala dheer yihiin ka sii fog, haddana, inta isu gaysay, kulmisay ee Soomaalida ka mid ah ciiddaan ka badan, oo ku koobtay hal xilli ama hal xeero, ogaal iyo la’aan ba.
Haddaad horay u mashxaradday –anigu hambalyo qabyo ah ma dhaafine- sanad ka hor soo xuliddii Jawaari, Xasan iyo Saacid, fadlan maanta oo mid kale talada ku soo biiray sacabbatunka iyo alalaaska yaree, haddii aadan awoodin –waaba hubaa inaadan karin- inaad gebi ahaan ba iska dhaafto.
Kalsooni haddii ay isa siiyeen (XER XERO KU XIRAN), bulsho barakac qaxay, dhaawac dhintay, sabool gaajaysan, hoy iyo hargal la’aan ayaa sugaysa, weydiinta haddaba waa: ma sida kuwii hore ayuu duulimaad iyo damaashaad, socod iyo safar caado iyo camal ka dhigan doonaa, kalsooni aan ba hore u jirinna kadabkeed halkaa ku go’i doonaa, mise daryeel iyo daacadnimo ayuu la imaan doonaa, billow u noqon karta dib u kasbasho kalsooni waa hore luntay ama hallawday? Mid ba, waayaha ayaa ka jawaabi doona, balse, mid aan hubno aanna ognahay ayaa jirta, waa in aan masuul lagu noqon dalna lagu xukumin KAARE SHISHEEYE iyo saddax xagalka silloon; Madaxtooyada, Garoonka Aadan Cadde iyo Xarunta Xalane, ee nimanku inay xeryaha xamuulka shisheeye ka soo baxaan diyaar ma u yihiin? GUN GOB is moodda!
“Gayeenna idil
Gobol iyo degmaba
Guddiyada ka jira
Inay gaajo iyo
Cudurrada gubaan
Ayaa loo guntee
Sidaa maw garteen?.
Inay guri dhistaan
Beesana gurtaan
Bangiyada galbeed
Ku gurtaan dakhliga
Ka gadoodnayee
Sidaa maw garteen?.
Shacab yahow is gaar
Is gargaarsadoo
Guushu may dhawee
Goolka wada dhalshoo
Haw guran gadaal!”.” Heesta: “Shacab yahow is gaar!”
Waxaan jeclaan lahaa inaan codsi u daro inta mashxaradi doonta, oo ah inaan marnaba la dhigin xaflado lacago badan lagu qubo, aanna laga dheefayn wax aan qasaaro ahayn, tumasho iyo cunto calaliyo marka laga reebo, maxaa yeelay, inta naga gaaysan ayaa u baahan lacagtaa.
Dad (jawhar) baa doomo dul seexda, dad baa bannaaka jiifa, dad baa geedo korkooda ay guryo u yihiin, oo aan hooy iyo hu’ midna haysan, marka taa ma keenayso in RW cusub loo sameeyo xafalado soo dhaweyn iyo dabbaaldegyo uu qarash badan ku boxo, oo aan wax loogu qabanayn dadka daadadka iyo duufaannadu (Waqooyi Bare) ku dhufteen, kaba muhimsane, inta aan haysan cabitaan iyo cunto.
“Magacaaw ka daalnaye
Mudanuhu muxuu qaban?
Magaciis maxaa dheer?
Muunaddiisa yaa garan?
Macaan iyo qaraar iyo
Miiddiisu say tahay?!
Ninna meheradaan jirin
Meel uma yimaadee
Muhimaddiisu waa tee?!
Magacaa hadduu dhumo
Muuqaal dhammeystiran
Iyo dheeh ma yeeshee
Dhimaal iyo marnaan iyo
Yuu dhantaalba kaa mudan!
Murankiyo khilaafkiyo
Mooshinkiyo is maandhaf
Ma dhammaan is marin waa?!” Maansadii: “Masuul”
Indha ku garaadlenimada iyo maaljoognimada waa laga fiican yahaye, inta aad berri barooran lahayd, maanta baalasha iska eeg, wixii aad maanta samayso ayaad berri kugu dhacdaa, oo berri waa maantaye, yeysan ku bixin wax aysan mudnayn, haddii kale dib ayey kuugu soo laaban mar kale (kadsoomin). Magac magac lagu badalay, mansabkuna kii yahay, muuqaal kuma badalmo, hummaag iyo hambariirsina haba sheegin. Horta wali ma isweydiisay XOR MA NAHAY?!
Xilka, xalka iyo xaalinta haddaan la kala (lagu) xulin, xukun lagu xasilo xariggii ma xirmo. Xasad, xan iyo xuuxin intii hore haddaan lagu xakamayn, xanuun, xanaf iyo xinjiro xabbadeed iyo xasarad ayaa loo joogto noqonaysa. Xaqa, xisaabta iyo xalaasha haddaan la badin, xaaraanta, xoolo-boobka iyo xoog sheegadka ayaa xalqo lagu xeeran yahay noqon doonta xilli walba, oo aan laaga dhammaan.
Hadda, kalsoonidaadu ha ku salaysnaato (hoo iyo sii) uba badi (i sii) illeyn qofka wax kaala dhaxeeyaan waa masuul iyo madaxe. Hubso inta aadan hiil aadan gali karin hawl ka dhigan. Teg, is casil, la casil (tanaasul iyo tatajis) wax ka baxsan ma haynnee hanqaltaag aad had-dhaw ku hungowdo hays galin (qoomamo qiyaasaa ka roon), rajadu waa halkeedoo noloshaaba ku dhisan. I tus oo i taabsii waa inay dhaqan noo tahay, ballan qaad beenoow iyo isbaddal isu burriyey labadaba aragnaye, Kutubbo xoorradu yeysan kalaam jaban kugula koodin!
“Ha KADSOOMIN weligaa
Arrintana Kor iyo hoos
Kaalintey ku wacantahay
Kobta lagama maarmaan
Kalaan lama huraan iyo
Karti iyo waxqabadna leh
Ka dheh kaydka kuu gala
Hayska siinnin KALSOONI
Koorahiyo Geeddiga
Yaanu noqon KADEED kale
Kud ka guure Qanje u guur
Kasabkeena Haw CELIN!”
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com
Add comment
Comments