Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Kalsooni waa dareenka aad ka qabto naftaada ama waa waxa aad ka rumeysan tahay naftaada, Jimco wanaagsan akhriste, tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online.
Haddaad isku aragto qof aan wax qabsan karin, nolosha ka dhacsan, ayaan daran, sidoo kalena aad naftaada ka qabto aragti taban oo baqdin iyo saluug badan ku jiro qofnimadaada ogow waxaad noqonaysaa col hortiis jabay! Adiga iyo guuli isma arki doontaan waayo guusha waxay u martisaa qofka naftiisa ku kalsoon.
In aad naftaada ku kalsoonaato ujeedkeedu maahan in aad tahay qof islaweyn, balse haddaad tahay qof isla qabweyn oo aan dadka ula dhaqmin sida wanaagsan ogow taasi kalsooni maahan ee waa cudur nafeed ah, marka waa laga maarmaan in aad naftaada ku kalsoonaanto boqolkiiba boqol oo aad ku hanweynaato in aad tahay qof milge leh oo wax qabsan kara.
Kalsoonida nafta waa lafdhabarta guusha haddii aysan kalsooni jirin way adag tahay in aad si qurux badan u guulaysato. Dhanka kale, kalsooni darrada iyadana waxay lafdhabarka ka jebisaa guusha waxay kaa dhigtaa qof aan dhaqaaqi karin waayo waxay kugu beeraysaa cabsi aan jirin hamrasho aadan tahli karin wax badan waxay ku farreysaa werwer iyo walaahow kaa gala waxaad is leedahay ku dhaqaaq “ Ma qaban kartid,wey adagtahay, wey culustahay, dadkaa kula yaabaya, suurtagal maaha".
Farriimaha waa kuwo kugu ridaya walaac aad dib uga gurato hayaankaagi iyo higsigaagii qofeed. Kalsooni darrada waxay mararka qaar saameyn ku yeelataa nolosha qoyska, shaqada iyo waxbarashada. Hdadaad tahay ruux jilcan oo aan naftiisa ku kalsooneyn, way kugu adkaanaysa sidii aad u maarayn lahayd dhibaatooyinka ku soo food saara. Una fiirso maskaxda Aadanaha waxay inta badan isku hawshaa uruurinta farriimaha taban.
Buuniyaasha odorosa aqooneed nafeedka(Cilmi nafsi) waxay sheegeen, haddii qofku badsado aragtiyaha taban ee xuma sheega ah, arrintaasi waxay dhaxalsiisaa in uu noqdo qof aan waxba qabsan karin kaddibna arrintu waxay siu dhalanrogtaa kuwa la falgala, dhaqan iyo dhurba. Kalsoonidu waa mid ka mid ah Irdaha ugu mudan ee laga galo guusha. Haddaad kalsooni isku qabto male kuma jiro in aad noqon karto qof ka guul gaari kara wax walba oo maankiisu janto.
Dhanka kale, diinteena suuban waxay na baraysa in aan noqono kuwo leh kalsooni buuxda dhinac kasta kaliya aysan ahayn wax ku saabsan nolosha ee ay tahay in sideedaba aynu la imaano go’aan qaadasho ku dhisan kalsooni waayo Alle SWT waxa uu leeyahay “Waxaad talo saarataa Allaha aan dhiman ee nool mar kasta taasina waa arrinta ugu adag ee ku baraysa in taladu ay tahay mid Alle oo kaliya.”
Si kastaba, guusha iyo guul darrada maahan wax mar kaliya iska dhaca ee waa dhaxalka dadaal socday ammin badan, markaad diido in ay ku hakiyaan meertooyin iska horyimid oo weerar joogta ah ku haya yoolkaaga, la seexato kuna soo toosto markaas ayay duluc weyn yeelanaysaa kalsoonida nafta.
Ha ku hodmin wax yar oo dhalanteed ah balse noqo qof hankiisu weyn yahay oo yool leh iskana ilaali malaha iyo muhmal badan, waayo wuxuu keenaa kalsooni darro keeni karta guul darro.Ogowna haddaad doonayso in aad la duusho shimbirka hawada sare maraya ammin badan yeysan kaaga lumin digaagga dhulka hoose socda! Waa halku kala lahaa Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Kartida waa loo dhashaa
Kaskana waynahaa baxsha Kalsoonidu waa hoggaan
Waxaad kadbata kistaa
Waxaad kordhisaa hanka
Kadlaa lagu meel mara
Kaynaan iyo meel fogba
Kormeer sahan loo dirta.
Buugga Sirta Guusha, cutubka 4aad, bogga 64aad.
Xasan Mudane - Mudanep5@gmail.com
Add comment
Comments