Keydmedia Exclusive: Wareysi - “Lacag ayaan u baahnaa…” - Nin kasoo goostay Al-Shabaab

Keydmedia Exclusive - Aqrisatayaal waxan idiin soo gudbineynaa Wareysi aann la yeelanay Maxamuud Hilaac oo ka tirsanaa Dagaalyahanada Kooxda Shabaab oo ka sheekeenaya Noloshiisa Labadii Sano ee uu kamid ahaa Kooxdasi, hadana ey ka Muqato Qoomameyn iyo Walaac xoog leh.
Maqaallo Keydmedia Online
Keydmedia Exclusive: Wareysi - “Lacag ayaan u baahnaa…” - Nin kasoo goostay Al-Shabaab

Waxaan idiin soo gudbineynaa Wareysigii aan la yeelanay Maxamuud Hilaac - Qeybtii Koowaad, Wareysigiinah wuxuu u dhacay sidatan: 

KEYDMEDIA: Ma noo sheegi kartaa Magacaaga oo Sadexaan?

Maxamuud Hilaac: Maxamuud Hilaac, intaas waa idiin ku filantahay, hadaad Magac rabteen!

KEYDMEDIA: Haye, waxaan ku wadi doonaa Marka Maxamed Hilaac. Maxamuud, intee Sano ayaad jirtaa?

Maxamuud Hilaac: Maantay waxaan ahay 20 Jir.

KEYDMEDIA: Intee Sano ayaad jirtay markii aad kusoo biirtay Kooxda Shabaab. 

Maxamuud Hilaac: Waxaan ahaa 18 Jir.

KEYDMEDIA: Kohornah? Intaadan Shabaab kusoo biirin maxaad sameen jirtay?

Maxamuud Hilaac: Darawal.

KEDMEDIA: Waxbarashadaadu Diiniga ah Xagee baad gaarsiisay? 

Maxamuud Hilaac: War Anigu Nin Islaam ah waan ahay laakiin Barasho kale ma sii aadin.

KEYDMEDIA: Oo Shabaab soo ma ahan Koox Diinta Islaamka isku baheysatay oo ku Walaallooday?

Maxamuud Hilaac: Waa jirtaa Dad saas ah...

KEYDMEDIA: Ma waxaa jira Dad aan Diinta Islaanmka ku Dagaalameyn oo Shabaabka kamid ah?

Maxamuud Hilaac: Dadku waa badanyihiin, cid walba ayaanah laga helayaa...

KEYDMEDIA: Maxamuud, Maxaa ka wadaa "Cid walba baa laga helaayaa, dadku waa badanyihiin"?

Maxamuud Hilaac: Hada ma anaa wax i weydiisay mise Dad baad ka hadleysaa? Dadku waa badanyihiin, Nin walbanah Dan buu u yimid meesha. Aniga teyda wax hala iga weydiiyo, dadka kale Idinka raadsada.

KEYDMEDIA: Maxamuud Ha hanaaqin, Wareysigaan Anaka kuguuma aanan Qasbin. Adiga ayaa Ninkaan Saaxiibkayaga ah ka dalbaday in aad Wareysi siisid Keydmedia. Marka Su




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.