Keydmedia oo sanad jirsatay! (Daawo)

Maanta oo kale Bishii june ee sanadkii tagay waxaa hirgalay mashruuc warbaahineed oo lagu taamayay taaba galintiisa mudo 20-sanadood ah isla markaana ay ka soo shaqeeyeen aqoonyahano Soomaaliyeed oo taqasus gaar ah u leh culuumta bulshada, dhaqaalaha, saxaafada iyo siyaasada.
Maqaallo Keydmedia Online
Keydmedia oo sanad jirsatay! (Daawo)

Fikirka Keydmedia ay hawada ku soo gashay ma aheyn sida ka muuqata sadarada kore ee sheekada mid ku dhashay laablakacnimo, deg deg iyo ka fiirsi la’aan laakiin warbaahinta waxa ay laheyd istaraatiijiyad fog iyo nidaam qota dheer kaasoo ah in daryeel loo fidiyo ummadda Soomaaliyeed ee diifta iyo darxumada ay dulootay isla marka si qota dheer tooshka loogu shido shaqsiyaadka iyo kooxaha ka faa’ida dhiiga umadda.

Himilooyinka iyo ujeedooyinkii ay bartilmaameedsaneysay Keydmedia loguna  talagalay waxaa ka mid ahaa in ay buuxiso  kaalimihii ay banneeyeen hayadihii Qaranka ee burburay, sida Akademiyadii Fanka iyo Suugaanta; Wakaaladdii Filamada Soomaaliyeed; Madxafkii Qaranka iwm.

Qaab howleedka hufnaanta iyo howl karnimada ku saleysan ee Keydmedia ay ku soo kordhisay baraha internetka ee Soomaalida ayaa waxa uu farax galiyay dhamaan dadka horumarka iyo wanaaga xiiseeya wallow dadka aan danta ka laheyn Dalka iyo dadka qaarkood ay dhibsadeen howasha Keydmedia.

Talada, fikirka, maskaxda, maalka iyo aqoonta ay ku shaqeyso Keydmedia waxaa huray shaqsiyaad Soomaaliyeed oo Dalka iyo dadkaba u damqada oo uu abaabulay agaasimaha Keydmedia Cali Saciid Xasan oo ah suxufi Soomaaliyeed oo Dalka iyo dadkana mudo u soo shaqeynayay.

Tan iyo sanadkii tagay maanta oo kale warbaahinta Keydmedia waxay daabacday 2.600 oo war, 270 Oo Maqaal ah iyo 90 Oo Faalooyin ah, waxaana ku jirsay sheekooyinkaasi kuwa daahsoonaa oo ay daboolka ka qaaday Keydmedia, sida iibsigii Garoonka iyo dekada Muqdisho, xiriirka Cumar C.rashiid iyo Alshabaab, Hey’adaha reer Galbeedka oo la Shaqeeyaan Al-shabaab, SARACEN INTER, lunsi lacageed oo ay ku kaceen wasiiro ka tirsanaa xukuumadii Cumar C.rashiid iyo qodobo kale.

Sidoo kale Keydmedia waxay soo bandhigtay 90 oo video-yo dhaxal gal ah isla markaana ay si weyn uga faa’ideesteen bulshada Soomaaliyeed, waxaana qeyb ka ahaa video-yadaasi mid lagu xusuusanayay Shuhadadii Shaamow lagu xasuuqay 3 Dec 2009 xafladii qalinjabinta ee jaamacada banaadir.

Keydmedia mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay waxay qabtay howlo gar gaar kuwaasoo shacab kale duwan oo Soomaaliyeed isla markaana dhibaateysan ay ka faa’ideestaan waxaana si cad oo marqaati leh ay u soo bandhigtay keydmedia isbadalka Nolasha shaqsiyaad Soomaaliyeed oo gurmad ka helay umada Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda ku nool.

Qormadan waxay arar u tahay qormooyin taxana ah oo aad maalmahan kala socon doontaan Bogga keydmedia oo lagu milicsanayo waxqabadkii keydmedia, Afkaarihii bulshada ay ka bixiyeen keydmedia iyo arima kale oo la xiriira sanad kadib hamiga iyo howsha ay dooneyso in ay keydmedia bulshada Soomaaliyeed u qabato.

Hadaba akhriste Keydmedia waxay kaa codsaneysaa si fikirkaaga uu qeyb uga noqdo kuwa wax dhisaya ee keydmedia ay ku darsaneyso howl sanadeedkeeda 2011-2012. Noogu soo dir E-Mail, facebook ama qeybta artiyada dadweynaha ee bogga keydmedia, fadlan haka laba labeynin inaad aragtidaada ku biirso keydmedia waayo mustaqbalka saameen ayeey yeelan doontaa aragtida iyo ra’iyiga aad maanta ku biirso keydmedia.

Keydmedia.net


ARAGTIDA BULSHADA IYO BILOWGII KEYDMEDIA

Bulshada afka Soomaaliga ku hadasha ee dunida daafaheeda ku nool kolkii ay hawada soo gashay keydmedia waxay durba ka bixiyeen afkaaro kale duwan, iyagoona qaarood ay dhaliil kala horyimaadeen halka kuwa kalana ay marxabo soo dhaweyn talo iyo tusaaleen ay ku soo dhaweeyeen. (12.June.2010 ilaa Maantay Keydmedia waxaa soo gaartay 17:800 Kun oo E-Mailo ah)

Keydmedia marna kama baqiilin dadkii dhaliilay iyo kuwii amaanay intuba in ay fikradooda bandhigto waxaana dhamaan aragtiyadihii kale duwanaa lagu daabacay qeybta Aragtiyada Dadweynaha ee keydmedia halkaasoo ah goobta laga dajiyo howalaha keydmedia maadaama bulshada loo shaqeynayo ay afkaarahooda halkaas soo mariyeen.

Xubintan oo ka mid ah xubnaha musalsalka ah ee loogu dabaal dagayo Sanad guurada kowaad ee Aas-aaska Keydmedia ayeeynu ku milicsaneynaa qaar ka mid ah shaqsiyaadkii ugu horeeyay ee fariin ammaan ama dhaliil ah u soo diray Keydmedia kuwaasoo aan xasuusineyno iyaga iyo bulshadaba in aan xafidnay taladoodii isla markaana ay noo gashay diiwaanka talada iy tusmada ee keymedia.

Waxaan idin soo bandhigeynaa shaqsi walbaa magcii uu ku dhiibtay talada iyo taariikhdii tala bixintiisa ay ku beegneed waana sidan:

 "Asc wrw dhaman umada somaliyed salan baran iga gudoom hadalka ama fikirkeyga ka dhiibto halkan walalayaal dalk &xaalka; uu mrayo waxaa laga wareestaa qurbo joogta maxaa yelay wadanimada dowlad; la,anta iyaga ayaa dareema suxufigan walkeyga ah waxu kor ku xusey in dadyowga baqiga ku ah somaliya ey dhibateysan yihin ama dhib lo geesta waxaa run ah somalida baqiga ku ah dalka in ey tagero u yihiin koxaha wax ma garatada ah e dalka ku hardama misna an ogeyn dhibta walkis so garaya una muqato dantisa sandarero" - Barakaatt - Monday 14 June 2010

 "Runtii asxabey holw fican ayaad qabateen lkn barnaamijkan dhacdo ugub ah asgoo dhameystiran ma heli karaa realy barnaamij xiiso badan ..." - Wakil Ahmad Thursday 17 June 2010

 "Maasha’allah dad oo taariqda dalka iyo dadka somalia uu dagaalamaayo in ee ba jirto ma’imaleeneenin.
Somalida meel walba ee joogta waa dad dhimatay (aniga xataa). waayo? dalkooda iyo dadkooda ma u dagaalamaan oo ma daaficaan." - Cali Mahdi Wednesday 16 June 2010

Oh my God you people are amazing because of this video i realised how much my country needs me, you have motivated me to go back to somali and give help and alms to my country, for that i thank you whole heartedly,? may Allah bless you. - RedSeaCoral

"Waxaan leenahay keydmedia hambalyo hambalyo waana soodhaweynaynaa inaan helno webseed xaqiiqda noosheega waxaan fakarkeyga aan qabaa inkastoo aad cusubtihiin in aad kusoodartaan arimaha diiniga ah sid muxaadooyinka diiniga ah maadaama aanahay dad muslim ah ok byyyyyyyyyyyyyyyy" - Abdi Hassan Haji Thursday 22 July 2010

"Salamu caleykum,aad iyo aad baan ugu mahadnaqaayaa habsanaanta iyo quruxda iyo professionalismka ka muuqato ,miisaanka xagjirka aan laheyn aad ayey ugu yartahay idaacadaha soomaaliyeed, waxaad muujineysaan hogaan,waan ku rijaaqey aasaaska shabaqadaan, hadda kadibna meeshaan ayaan ka raadsandoonaa,ilaahey ha idinla garabgalo,AAMIIN." - Maxamed Cabdi Kulmiye Friday 3 September 2010

"Top Design Mashaalah keydmedia waxee dhoqotay safxadooyinka ugu horeeyo. Aniga waxaa ni ila socodaa goorta aad bilawdeen shaqadaan ilaa hada Aflaan fiican baad sameesaan.
Walalayaal waxaa u maleenayaa hada in aad la tartami doonitiin nytimes iyo safxadaha gaalada ee kuwa soomaalida waad dhaafteen. Fadlan Sii Wada" - Aamino Saturday 4 September 2010

"marka hore salaan iyo ciid wanaagsan
keydmedia waxay ilatahay mid horumar sare gaartay marka loo eego xiliga yar ee ay jirtay
qaabka iyo wajiga loosameeyey wuxuu u muqdaa mid ,tayo aqooneed kamuuqato ,
waana taageersanahay waliba inaan xubin kanoqdo ayaan jeclahay haddiii ,aan helo habka aan sooraaco" - Ahmed Shire Tuesday 7 September 2010

"KEYD MEDIA OO DIFAACAY LACAGTII FAALSADA AHAYD EE SHARIIF SAKIIN SOO DAABACDAY, Cinwaankaasi ee maqaal dheer oo haddii Alle idmo aan doonayo inaan ku faafiyo bogagga Internet-ka ee Soomaalida.
Anigu markii la unkay Keyd Media waxaan u haystey bog ka caqli iyo miisaan badan in badan kuwa ay Soomaalidu adeegsato ee ku suntan qabiilka ama shakhsiyaadka gaarka ay ra’yigooda ku faafsadaan, laakiin waxaan ogaadey in Keyd Media uu kamid yahay bogagga caadiga ah ee fadhi ku dirirka looga bartay...Xitaa Video-yadii goos gooska ahaa ee Caasha Axmed Cabdalla iyo ninka Xildhibaanka ah ee Beesha Jareer Weyne (magaciisaan Ilaawey) waxay ku biyo shubanayeen sheeko iyo aragti isku mid ah oo ah in Maxaakiimtii la taageero nidaam kasta oo dawladeed oo kalena la diido, Marka meeshaani waa Qurun Kaydiso, Qabiil Kaydisoiyo Qashin Kaydiso. - Muxsin Tuesday 7 September 2010

"Hambalyo Keydmedia, waxaad ku guuleysateen howl horumar leh isla markaana waxaad tihiin shabakad lagu daafaco xuquuqda Shacabka iyo soo bandhiga horumarka bulshada. Waan ku riyoon jiray in badan warbaahin ceynkan ah in ay Soomaalida hesho. Waana ku faraxsanahay Keydmedia howsha ay heyso. Magaalada Makka ee Sacuudiga ayaan ka daalacday in badana Soomaalida way jeceshahay" Fadumo Xuseen Wednesday 10 November 2010

NB: Xubinta tan xigta waxaan ku eegi doonaa keydmedia iyo howlihii gargaarka.

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.