Keydmedia"Hanbalyo munaasabadda Iidul Fidriga darteed”

Muqdisho(Keydmedia) Maamulka Warbaahinta keydmedia ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheeda u diray hanbalyo ku aadan munaasabadda Iidul Fidriga.
Maqaallo Keydmedia Online
Keydmedia

Tafaftiraha guud ee Warbaahinta keydmedia Cali Saciid Xasan ayaa u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed sanadka kan xiga in ay Nabad, guul barwaaqo iyo horumar ay ku gaaraan.

"Anigoo ku hadlaya magaca maamulka warbaahinta, kan shaqaalaha iyo kan taageerayaasha qiimaha badan ee keydmedia waxaan hanblayo ku aadan munaasabadda Iidul fidriga hawada u marinayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan" sidaa waxaa yiri Tafaftiraha guud ee keydmedia Cali Saciid Xasan.

Dhamaan Shaqaalaha keydmedia oo ku kala sugan dunida daafaheeda waxa ay hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaan shacabka muslimiinta ah ee ku nool dunida daafaheeda gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed oo ay u rajeynayaan in alle uu ka dul qaado dhibaatada Dagaalada ka dhalatay.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.