Khadra Xabsiga Yemen ha laga Xoreeyo!

Sanca (KON) — Soomaali silac uma yara, maalin aan fal, dhacdo iyo war xun soo yeerin ma lahan dal iyo dibad, haddana, kan dumarka, carruurta iyo waayeelka quseeya ama marrasta iyo maatada la xiriira ka dhiilla badan kan kale, waa aniga siday ila tahaye.
Maqaallo Keydmedia Online
Khadra Xabsiga Yemen ha laga Xoreeyo!

Gacaliye aan Soomaalinnimo u jeclahay ayaa ila wadaagay waraysi iyo warbixin uu Wariye Jacfar Kukaay ka qaaday gabar, maya hooyo, maya Marwo Soomaaliyeed, oo magaceedu yahay: Khadra Daahir Cabdulle. Naxdinta dhacda iyo xanuunka falka waxaa iiga soo xaxanto iyo dibaaxin badnaa in waqti dheer ay soo jiitamaysay iyo inuusan ugub iyo ahayn billow dhibka Khdra.

Sida Warbixinta ay ku sheegay Marwo Khadra, waxaa dhaawac gaaray 10 sano ka hor, iyada oo UMMUL ah, mar mudaharaad jiray oo ay Khadra ku dhacday Xabbad ay rideen Askarta Xerada Alkharaz, ee ay maxbuuska ku tahay Khadra sanadahaa faraha badan, oo ku taal Waddanka Yemen. Warbixinta halka ka daawo.

Hubaal in isweydiinta koowaad ay tahay oo kaalay, intaa ay xabsi guriga ku jirtay miyaan la ogaan? Haddii la ogaay ee laga warqabay, maxaan wax loogu qaban? Dawladdii u gurmatay Soomaalida K/Suudaan, miyeysan awoodin in Marwo Khadrana ay gacan u fidiyaan, waliba si ay caafimaad iyo daweyn u hesho?.

Waxyaabaha la yaabka leh ee waraysiga ay Khada ku sheegtay waxaa ugu xumaa in aan loo  oggolayn in aqalka ay deggan tahay ka baxdo! Aqalka? Aan hoyga iska dheho! Dhibka ugu adagi waa in Khadra ay tahay hooyo laba Carruur ah haysata, si hal adagna u tiri, waxaan u noolahay korintooda, oo aan u dhabar adaygaa, maxaa yeelay, Aabbaha ilamaha Khadra, yacni Seygeeda wuxuu jooga isla xerada, isagoo qudhiisuba xanuunsan.

Aan ku waxyeelleeyo, dabadeedna aan xabsi guri kugu xukumo, oo aan qorraxda iyo ifka kaa qarsho waa laba aan is qaban, hadday is qabataanna sii murjinaya qarracankii ewelba labada mid lagu qabay labalaabaya.

Hadal badan aan ma buuxhsee” aan u wada istaagno sidii gacan looga gaysan lahaa xoryanta iyo xabsi ka sii deynta Khadra, oo runtii aan baaq u wada dirayo qof walba oo kaalin ka qaadan kara sidii Khadra dib u hanan lahayn qofnimadeeda (Marwonimadeeda/ hooyonimadeeda/gabarnimadeeda).

Qofka siyaabo kala geddisan ayaad ugu gargaari kartaa, ee dhaqaale, dhuuni, dhawaq iyo dhigaal ba leh, haddaba, qof walba ee inaga mid ah sida uu ku saacidi karo ama uu ku gacansiin karo ee awooddiisu gaarto ha ugu fidiyo Khadra gacan weyn oo ay maanta nooga baahan tahay dhammaanteed.

Dhaqan, diin iyo dadnimo midna keeni maayaan in dumar la waxyeelleeyo, haddana, waliba hooyo ah, marka madaxda xerada Alkharaz waxaa laga codsanayaa inay si xushmad iyo naxariis leh ku sii daayaan Marwadaa Soomaaliyeed, ee aan dambi iyo eed midna lahayn, aan ka ahayn inay gacantooda ku cuuryaantay.

Dhanka kale, madaxda dawladda, Safaaradda Soomaalida ee Yemen iyo Jaaliyaddaba waxaa looga baahan yahay inay u istaagaan sidii loo furdaamin lahaa sii deynta Khadra, oo runtii ay kaalin fiican ka ciyaari karaan, ayna tahay inay ka ciyaaraan, maadaama looga bartay kal hore inay Soomaali dibadda ku dhibaataysnaa badbaadsheen, oo ah midda rajada weyn na galinaysa in laga gudbay xilligii ballanqaadka, ee loo gudbay xilligii waxbaqashada, ee faldan aan ka billowno Khadra sidii xabsi guriga looga sii dayn lahaa!

Mahadsanidiin.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.