La-taliyaha amniga Farmaajo:

Cadowga Hawiye ee aargoosiga u ciil-qaba

Maqaallo Keydmedia Online

Waa nin ku jira da’aadda Kontomeeyadda, oo ku dhashay Jowhar, Shabeellaha Dhexe, wuxuu leeyahay taariikh mugdi ah, oo ka buuxdo hawiye naceyb, qabyaalad iyo musuq-maasuq, tani qeybtii koowaad ee taariikhda la taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo.

Cadowga Hawiye ee aargoosiga u ciil-qaba

Cabdi Saciid Muuse Cali, waxaa xilka la-taliyaha amniga qaranka u magacaabey Farmaajo 2017, isagoo aan lahayn khibrad iyo aqoon hore oo la xiriirta arrimaha amaanka iyo xagga Ciidanka.

“Aqoon la’aan baa xilka loo dhiibay, waxay tani kamid tahay qaraabo-kiil ku baahay maamulka Farmaajo, oo xitaa darajooyinka Ciidan ku bixiyay qabyaalad,” ayuu yiri saaxiibkiisa hore.

Cabdi Saciid wuxuu ku barbaarey Muqdisho, balse ka cararay 1991 markii dagalka Sokeeye billowday. Walaalkiisa ka wayn waxaa lagu dilay Kismaayo isagoo dagaal kula jira USC.

Sida laga soo xigtay xubin qoyska kamid ah oo lagu wareystay baaritaankaan, Cabdi Saciid wuxuu noqday mid aad u neceb Hawiye, isagoo doonaya inuu aargudo walaalkiisa la dilay.

Markii uu dalka cararay, wuxuu qaxooti ku noqday Kenya isagoo markaas dhalinyaro ah. Dadka isaga ku dhaw ayaa sheegay in maalin kasta ku fekerayay aargoosi iyo xasuuqa beelaha Hawiye.

Aabihiisa Muuse Cali wuxuu kamid ahaa SSDF 1980-tamaadkii, taasoo dagaal kula jirtay taligii-taliskii Siyaad Barre. Marbay Ciidanka dowladda ku qabteen Mudug, balse la iska sii daayay.

"Aabihii wuxuu ahaa nin wax walba ku arka muraayadaha qabiilka," ayuu yiri Shire Diiriye, oo ay saaxiibo aad isagu dhaw yihiin Cabdi Saciid, kaasoo ku nool dalka Saudi Arabia.

Cabdi Saciid wuxuu galay Yurub isagoo qaxooti ah, wuxuu noloshiisa kusoo qaatey Holland, oo markii uu la qabsan waayay dhaqanka iyo luuqadda u guurey dalka Mareykanka.

Wuxuu guursadey intii uu joogey Holland gabar kasoo jeeda beesha Majeerteen, oo markii hal canug u dhashay kala tageen, taasoo aaday dalka Ingiriiska.

Cabdi Saciid markii uu magengelyada helay, wuxuu Mareykanka ka noqday tagsiile u shaqeeya Eagle Cab Company, taasoo fadhigeedu yahay magaaladda Dallas, ee gobolka Texas 1998.

Saaxiibadii ay soo wada shaqeeyeen waxay ku tilmaameen Cabdi Saciid nin cawasho badan oo caajislow ah. Markii ay dhaceen qaraxyadii Mareykanka 2001, wuxuu galay Chicago 2002.

Sanado badan, Cabdi Saciid wuxuu la gal-gamayay nolosha, isagoo tagsiile ah. Markii adeerkiisa C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha dowladdii KMG noqday ayuu dalka shaqo usoo doontay.

C/llaahi Yuusuf oo Muqdisho ka barakiciyay 1.3 milyan oo qof, ayaa ka dhigay Cabdi Saciid u adeegihiisa gaarka.

“Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Cabdi Saciid wuxuu saaxiib la noqday gabar aan qaan gaarin oo ku nool Muqdisho, taasoo markii dambe la sheegay inuu ku kufsaday magaalada Nairobi. Jacayl baa dhacay, wuxuu gabadhii u kaxeeyay Nairobi iyadoo raalli ka ahayn qoyskeeda. Markii uu xumaadey 'xiriirkooda' ayuu kufsiga u geystay gabadha yar ee aan qaangaarin,” ayuu yiri saaxiibkiisii hore.

Hadda ma tagi karo Kenya, waayo waxaa ka yaalla Garoonka Jomo Kenyatta waaran soo qabasho ah, maadaama gabar yar oo aan qaan-gaar ahayn si arxan darro ah ugu kufsadey.

Qof kamid ah Rugta Ganacsiga Soomaaliya ayaa sheegay in la-taliyaha amniga qaranka Farmaajo uu madax ka yahay Koox shaarka dowladda gashay, oo lacago baad ah ka qaada ganacstadda Muqdisho.

Cabdi Saciid ayaa lacagta sida sharci darrada iyo xoogga kusoo gasha ayaa ku maal-gashaday ganacsiga guryaha “Real State” Westland iyo Nairobi, iyadoo ganacsigiisa ay u maamulaan rag qaraabadiisa ah.

Qorshihiisa qabiilka

Kursiga uu ku fadhiyo ee la-taliyaha Amniga qaranka waa mid u uku qarinayo hadafkiisa gurracan ee ka dhanka ah qabaa’ilka Hawiye, oo isaga cadow u arko, islamarkaana rabo inuu sameeyo aargoosi.

Wuxuu isku dayaa inuu ka dhaadhaciyo deeqbixiyaasha Caalamka in dhaqaalaha ay siiyaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya inay qeyb ka qaadanayso xad-gudubyada ka dhanka ah bini’aadanimada Koonfurta dalka.

Ujeedkiisu ma ahan inuu difaaco xaquuqda aadanaha, ee waa inaysan Koonfurta Soomaaliya helin Ciidan qaran oo awood ah, maadaama Hawiye ku badan yahay, isagoo qabiilkiisa Daarood uga cabsi qaba markale inuu la kulmo dhibaatadii kasoo gaartey dagaalka sokeeye.

Fekerka qaldan ee uu siiyay Beesha Caalamka ayaa keentay in Mareykanka uu dhaqaalaha ka jaro qeybo kamid ah Militeriga Soomaaliya ee ka howlgala Shabeellooyinka December 2017.

Wuxuu u sheegay dalalka deeqaha bixiya ee taageera DFS in Ciidamada Qaranka [SNA] aysan ka koobnayn qabaa’ilka Soomaaliyeed oo dhan, isagoo u ololeynaya in kuwa Puntland la caawiyo.

Bishii September 2020, Cabdi Saciid ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal u uku difaacayo labo Shirkadooda oo laga leeyahay Puntland, kuwaasoo lagu helay inay lug ku leeyihiin ganacsiga hubka sharci-darrada Soomaaliya.

Bogga Keydmedia Online kala soco Qeybta Labaad ee Qormadaan.

KEYDMEDIA ONLINE 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.