LIVE Blogging: Khudbadaha Musharixiinta

Muqdisho (KON) - Keydmedia Online ayaa Daqiidaq Walba Aqritayaal idiin soo gudbineyso Khudbadaha ey jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweyninimo ee Dalka Soomaaliya oo Goordhaw ka biloowdeen Xarunta Golaha Shacabka ee Caasimada Qaranka.
Maqaallo Keydmedia Online
LIVE Blogging: Khudbadaha Musharixiinta

Muqdisho (KON)- Ilaa 9 Xildhibaan oo horay loogu diiday inay kamid noqdaan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow loo ogalaaday inay gudaha u soo galaan guriga Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay hadda si toos ah uga socoto khudbadaha ay Baarlamaanka ka hor jeedinayaan khudbadaha ku aadan wax qabadkooda.

Xildhibaanadaan oo ahaa kuwii ay guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaan ay ka saareen inay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub, waxaana ay isugu jiraan 7 ragg ah iyo 2 dumar ah.

Xubnahaasi hadda ayay si rasmi ah gudaha ugu galeen xarunta uu shirka ka socda ee Golaha shacabka.

Xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho wali waxaa ka socda khudbadaha ay jeedinayaan 15 musharax oo ka haray 10-kii musharax ee shalay.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho


Muqdisho (KON)- Waxaa goordhow xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay qeybtii labaad ee khudbadaha ay jeedinayaan musharaxiiinta u taagana qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya kaasoo ay maanta khudbadaha jeedin doonaan ilaa 15 musharax.

Waxbo kama duwana khudbadaha kuwii shalay oo kale,w axaana musharax kasta ay khudbadiisa ay socon doontaa ilaa 20 daqiiqo.

Waa maalintii labaad ee ay khudbaduhu socdaa, waana maalintii ugu dambeysay

1-C/raxmaan Macalin Baadiyow
2-C/waaxid Cilmi Goonjeex
3--Xasan Sheekh Maxamuud
4-Yuusuf Garaad Cumar Axmed
5-C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
6-Bashiir Nuur Xasan Bidaar
7-Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin
8-C/qaadir Cosoble Cali
9-C/raxmaan C/shakuur Warsame
10-Ibraahim Cali Xuseen
11-Saciid Ciise Maxamuud
12-Cismaan Maxamed Gacal
13-Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf
14-Maslax Maxamed Siyaad Barre
15-Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho


Qeybtii Labaad Ee Khudbadaha Musharixiinta oo Goordhow Bilaabatay


Maanta oo Taariikhdu tahay 08.09.2012


*Khudbadii 10-kii Musharaxiin ayaa dhamaatay*


Cumar Salaad Cilmi: Meel Qabyaalad ka jirto, qaran kama dhismaayo

Hadalka waxaa la wareegay Musharax Cumar Salaad Cilmi - 20:33


Salaad Cali Jeele ma wuxuu u tartamayaa Xilka Madaxweyninimada Dalka ama "Stand up Comedian"? - Raxma M - Keydmedia.net


Waxey u egtahay in Dadku ey ku Qoslayaan Salaad Jeele iyo siduu u hadlaayo...


Salaad Jeele: "Furdada Lacagteeda waa Malaayiin badan weeye, malaayiintaas oo dhan ayaan aniga maamulayaa" "Waxaan ahay Hogaamiyaha kaliyah oo dhibaatada Soomaaliya ka sari kara"


Salaad C. Jeele: "Maadaama si la rabay eysan yeeli Aniga i doorta" "Waxaa i gashay Cabsi oyo Walwal oo ah amaa la waayaa Madax daacad ah sidaas baan anigu idinkaga codsanayaa in aad i doorataan...

Dadkoo dhan ayaa Qosolneen...


Salaad C. Jeele: "Madaama aad lumuseen Sharaftii Karaamadii iyo Ummada Soomaaliyeed i doorta anigaa soo celinayee"


"Aniga Magaceyga waxaa la yiraahdaa Salaad Cali Jeele waxaana rabaa inaan Madaxweyne Noqdo!" ayuu ku bilaabay Salaad C. Jeele.

Waxaa bilaabatay Khudbadii Salaad Cali Jeele - 20:16


Farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ka balanqaaday in uu Shaqo geliyo.


Farmajo: Waxaan Dib u Biloownay in aan Howl galino TV Qaranka!


Faramaajo ayaa ka sheekeeyay in Markii R/waasare loo doortay ey Argagixisadu Madaxtioooyada u jirtay wax Nus Kiilomitir ka yar. Xabada ey Kooxda Shabaab soo tuuraanah ey Madaxtooyada Dad ku dili jirtay.

Wuxuu yiri:

1 - CIIDANKII ayaan Mushaar siiyay!

2 - Shabaab baan jabinay oo aan Magaalada ka saarnay!

3 - Waxaan Magacaabay Dowlad Tayo leh!


"Waxaan idinka codsanayaa in si serious ah u dhageysataan Khudbadeyda" ayuu ku bilaabay Maxamed Cabdullahi "Farmaajo".


Khudbadii Cabdiweli Gaas ayaa hada dhamaatay, waxaana hadalka qaatay Farmaajo - 19:53


Goobjooga Qaarkood ayaa iska seexdax!


Gaas: "Waxaan balanqaaadayay in aan faraha galinin Arimaha Baarlamaanka..."


Cabdiweli Gaas: "Waxaan dhisnay Hey




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.