Dagaaladii Sokeeye: Maxaa Been laga sheegay!
Free desktop streaming application by Ustream
Kulanka Baarlamaanka oo Furmay iyo Doorashada M/weynaha oo dib u Bilaaban Doonto 14:30 Waqtiga Moqadisho
Muqdisho (KON) -Waxaa iminka furmay kulanka sagaalaad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo qayb ka ah kalfadhiga koowaad oo lagu dooranaayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa iminka si rasmi ah uga furmay xarunta Iskool Buluusiya
Kadib markii la kala habeeyey mudanayaasha Baarlamaanka ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu ku dhawaaqay in uu furmay kulanka Baarlamaanka.
Intaasi kadib waxaa kulanka lagu furay aayadaha Qur’aanka Kariimka waxaana akhriyey Sheekh Shaacir oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Hadda waxaa khudbada furitaanka jeedinaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya Proff Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ku saabsan in la ilaaliyo xeerka doorashada Madaxweynaha.
Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa uga baaqay dhamaanba qeybaha kala duwan ee Musharixiinta, Xildhibaanada iyo ka soo qeyb galayaasha inay ilaaliyaan doorashada
Hoos ka Daawo Streamka!
Live video from your iPhone using Ustream
Muqdisho (KON) - Wararklii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno xarunta Iskuul Buliisyo oo ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo sheegaya in hadda ay wada xaroodeen Murashixiintii iyo guud ahaan Xildhibaanadii baarlamaanka.
Xaalada xarunta Iskuul bulisyo hadda waxaa la isku diyaariyay sidii ay u bilaaban lahayd doorashada Madaxweynaha oo maanta qaab qarsolodi ah uga dhici doonto xarunta dugsiga tababarka ee Jenaraal Kaahiye.
Wariye ku suggan xarunta ay doorashada ka dhaceyso ayaa inoo xaqiijiyay in hadda aysan waxbo dhimaneyn oo howsho ay wixii hadda ka dambeeya laguda gali doono doorashada.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Iskuulada Muqdisho ayaa Xiran Saakay // 09:47
Askar Ajaanib ah oo la keenay Goobta Doorashada // 09:31
Waxaa aad loo adkeeyay Amaanka magaalada Muqdisho oo ay Maanta ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, ayadoona uu hakad galay qaar kamid ah isu socodkii dadweynaha ee magaalada.
Waxaa la joojiyay baabuurtii dadweynaha iyo kuwii sida gaarka ah loo lahaa ee adeegsan jiray wadooyinka Maka Al-mukarama iyo wadada Buundooyinka marta ee gasha Xamarweyne, sababta wadooyinkaasi loo xiray ayaa ah doorashada oo maanta ka dhaceysa xarunta dugsiga tababarka booliska ee Iskuul Bulisiyo.
Ciidamo isugu jra Boolis iyo Militari oo Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ka tirsan ayaa la dhigay isgoysyada iyo xaafadaha ku dhadhow halka ay doorashada ka dhaceyso ee Iskuu Bulisiyo.
Waa Subax subaxyada kale kaga gedisan, saaka guud ahaan Soomaaliya waa subax nasiib uyeeshay in baal uu ka galo taariiqda Soomaaliya waayo waa maalintii ugu horeysay ee Soomaaliya gudaheeda ay ka dhacdo doorasho madaxweynenimo oo xor ah.
Afar iyo Labaatan musharax ayaa ku loolamaya shaqsiga ku guuleysanaya hogaanka dalka.
Doorashada ayaa xarunta dugsiga Booliska ee Iskuul Bulisiyo ee magaalada Muqdisho ka bilaaban doonto saacadaha soo socda kadib marka uu dhameystirmo tirada Baarlamaanka ee ka qeyb galeya fadhiga maanta lagu doorana Madaxweynaha.
Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa rajo Wanaagsan ka qaba in si xasiloon oo ay cadaaladi ku dheehantahay doorashadu u dhacdo.
Cismaan Bibaax Aaden oo ah Afhayeen guddiga doorashooyinka Madaxweynaha oo saaka hadlay hadlay ayaa sheegay in aysan wax dib u dhac ah aysan ku imaan doonin xiligii loogu talagalay inay dhacdo doorashada.
Afhayeen libaax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in la diyaariyey sanaadiiqdii cod bixinta dhanka kalena mar uu sharaxayey qaabka doorashada ay udhaceyso ayuu sheegay in wareega koowaad hadii uu helo hal musharax saddex meelood laba meel tirada Baarlamaanka uu isaga noqon doono hogaamiyaha Soomaaliya hadii lawaayana waxaa loo gudbayaa wareeg kale oo ay ku tartamayaan afarta musharax ee ugu horeysa afartaas ayaa labo labo loo kala reebi doonaa, iyadoona labada musharax ee wareega saddexaad ugudubta uu madaxweynaha Soomaaliya noqon doona musharaxa codad badnaada.
Sikastaba, saadaal kala duwan ayaa laga bixinayaa musharaxa ku soo bixi doona loolanka loogu baratamayo qabshada jagada madaxweynenimo ee Soomaaliya hayeeshee xaqiiqda lagu qanci doona ayaa soo bixi doonta gaba gabada doorashada maanta.
Shariif Xasan “Anigu waxaan u codeynayaa Sheekh Shariif” // 09.09.2012 - 21:13
Muqdisho (KON) - Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii Dowladdii hore haddana kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in asaga uu u codeyn doono Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu hadalkaan ka jeediuyay munaasabada Shariif Axmed lagu taageerayay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shariif Xasan ayaa sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay taageeraan Sheekh Shariif Sheekh Axmed codkoodana ay siiyaan, isagoona intaasi ku daray in hadii Sheekh Shariif markale la soo doorto uu dalka ka saari doono dhibaatada 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Sikastaba, labada Shariif oo ah labo nin oo aad isugu dhow ayaa waxaa dhowaan wada gaareen heshiis ah in Shariif Xasan Xildhibaanada taageersan uu siiyo Sheekh Shariif si hadhow marka uu Sheekh Shariif guuleysto uu Shariif Sakiin Wasiir ugu magacaabo.
Keydmedia Online ayaa Labo Maalmood kahor Xog kasoo heshay Heshiis Qarsoodi ah oo Labada Sharif Wada gaareen.
Halkaan ka Aqriso:
Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho
Add comment
Comments