Lix Tilaabooyin oo aad ku maarayn kartit Waqtigaaga

Maqaallo Keydmedia Online

Caadada joogtayntu waa caadada guusha” (The habit of persistence is the habit of victory). -Herbert Kaufman qoraa Maraykan ahaa. Maaraynta waqtigu waxa ay kaaga baahan tahay iska adkaansho, is barasho iyo is xakamayn (time management requires Self-discipline, self-mastery and self-control more than anything else). -Brian Tracy.

Lix Tilaabooyin oo aad ku maarayn kartit Waqtigaaga

Maareynta waqtiga iyo joogtayntu waa furaha guusha iyo horumarka. Waqtigu waa khayraadka ugu mudan ee bini’aadamku haysto haddii uusan si wanaagsan oo faa’ido u leh u maaraynna guul ma gaari karo. Qof walba oo guulaystay waxa uu haystay/taa 24 saacadood oo ah midda aad adigu haysatid balse guushiisu waxa ay ku timid sida uu waqtigiisa u maamulay uga na faa’idaystay.

Qoraaga Brian Tracy ayaa lagaa hayaa “ma helaysid waqti kugu filan oo aad wax walba ku samaysid, balse, waxa aad mar walba haysataa waqti kugu filan oo aad ku samayn karto waxyaabaha muhiimka kuu ah” (there is never enough time to do everything, but there is always enough time to do the most important thing).

Sidaas darteed, si aad guul u gaartid oo riyadaada iyo hammigaaga uga dhabaysid waxaa biyo kama dhibcaan ah in aad waqtigaaga u maaraysid si wanaagsan oo faa’iido kuu leh isla markaana aad joogtaysid. Siyaabaha waqtiga loo maareeyo waa ay badan yihiin waxa aan se aan ka soo qaadanaynaa tan ugu mudan oo ah qorshe-maalmeedka (daily schedule). Qorshe maalmeedku waa in aad samaysatid liis (list) maalinle ah oo ay ku dhan yihiin dhammaan hawl-maalmeedka aad maalintaas qabanaysid adiga oo qorshahaaga u kala hormarinaya sida ay hawlaha kuu yaal u kala muhiimsan yihiin.

Samaysashada qorsha-maalmeedku waa tiir wayn oo ka mid ah tiirarka iska adkaanshaha iyo isxakamaynta. La ma soo koobi karo muhiimadda qorsha-maalmeedka waxa aan se soo qaadanaynaa dhawr qodob oo ka mid ah muhiimadaha qorshe-maalmeedka kuwaa oo kala ah:

Diiradsaaridda ahniyadda:

Qorsha-maalmeedku waxa uu nagu caawiyaa in aan diiradda saarno waxyaabaha ahmiyadda koowaad inoo ah iyo in aan qashinka ku darno ku mashquulka waxyaabaha aan muhiimadda iyo faa’iidada inoo lahayn ee waqtiga naga lumiya. Sidaa oo kale qorsha-maalmeedku waxa inoo badbaadiyaa waqtiga iyo saacado badan oo haddii aynaan qorsha-maalmeed lahayn innaga khasaaraya.

2. Qabatinka caado wanaagsan:

Maadaama aan qorsha-maalmeedkeenna ku jaangoynay waxyaabaha muhiimka inoo ah ee aan ku gaarno yoolkeenna mustaqbalka fog, qorsha-maalmeedku waxa uu nagu caawinayaa in aan qabatinno caado wanaagsan maadaama waxyaabaha qorsha-maalmeedka inoogu qorani yihiin waxbyaabo wanaagsan. Sidaa oo kale qorsha-maalmeedku waxa uu nagu caawinayaa in aan jarno/goyno caadooyinka xunxun.

3. Karti iyo xirfad:

Samaysiga qorsha-maalmeedku waxa uu inoo yeelayaa karti aan hawlaha inoo yaal ku qabanno maadaama aan si joogto ah oo maalinle ah ugu celcelinno waxa aan yeelanaynaa xirfad iyo kartid aan hufan uga soo dhalaalno qabashada hawlaha inoo yaal.

4. Kalsooni nafsadeed:

Marka aan qorsha-maalmeedkeenna ku adkaysanno si joogto ah na maalin walba u raacno qorshaha aan horay u degsannay waxaa innagu dhalanaya kalsooni nafsadeed oo shidaal u noqonaysa in aan si wadno hayaankeenna oo aynaan marnaba ka caajisin.

5. Yaraynta welwelka:

Qorsha-maalmeedku waxa uu hoos u dhigaa welwelka iyo isku buuqa hawlaha adduunyada, maadaama waxa aan qabanaynaa inoo qoran yihiin jidka aan u soconaana inoo cad yahay waxaa yaraanaya welwelkeenna waxa aanan dareemaynaa iska adkaansho iyo isxakamayn iyo in maamulka hawlaheennu gacanteenna ku jiraan.

6. Gaarista yoolkeenna:

Dadka guulaystay waa kuwa si joogto ah u sameeya hal wax. Maadaama aad horay u soo qorshaysay in waxyaabaha aad samaynaysaa yihiin kuwii aad yoolkaaga ku gaaraysid samaynta wax isku mid ah maalin walba waxa ay ku gaarsiinaysaa yoolkaagi. Tusaale ahaan, haddii yoolkaagu ahaa in aad qortid saddex (3) buug oo midkiiba yahay 400 oo bog muddo hal sano ah aadna qorshaysay in aad maalin walba qortid saddex bog iyo bar. Haddii aad qorshahaas joogtaysid sannadku marka uu dhammaado waxa aad haystaa 1,277 bog, sidaas ayaad ku qortay saddexdii buug yoolkaagiina ku gaartay.

W/Q: Cali M. Diini




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.