Lixdii Sixiixayaasha Faroole ayaa ka Haray!

Dr. Ali. A. Hirabe - Ugu horeeyn waxaan hambalyo leeyahay madaxweeynihii hore Sheekh Shariif hab-dhaqanka ogolaanshaha sida doorashada u dhacday iyo dariiqa wanaagsan ee u horseeday dhalinta Somali.
Maqaallo Keydmedia Online
Lixdii Sixiixayaasha Faroole ayaa ka Haray!

Waxaan leeyahay waad ku mahadsan tahay waxaadna ku heshay xurmo aanan la iloobi karin haddii aad somalida gaarsiisay in aay isku doortaan caasimada Muqdisho oo isgu yimid dhamaan Somalidii kala firirtay iyada oo nabad ah iyo iyada oo eey soo carfeeyso saxansaxada nabada iyo wada jirka umada Somali,waxaan kale oo aan talo ku siinayaa in uu kala hagran talo siinta  caqabadaha siyaasadeed ee gudaha iyo dibada kaga hor yimid intii uu ku ku jiray shaqada madaxweeyne iyo sidii uu madaxweeynaha cusubsi eeyan waqti ugu qaadan ku nqoshada qaladaadkii dhacay si umada Somali aay u gaarto midnimo qaran iyo wadajir ujeedkana yahay in Somalida aay gaarto cadaalo iyo sinaan saldhigeeduna uu yahay nabada iyo wadanoolaansho.

Waxaan leeyahay Hambalyo madaxweeyne  Proff Xassan .Sh.Maxud waxaan ilaah ka baryaayaa in uu ku waafijiyo dariiqa xaqa ah xilka aad umada Somali aad u qaaday kugu siiyo xuromo iyo sharaf marka aad guduto,waxaan jeclaan lahaa in aad dib u fiiriso 21 sanno waxii la soo maray iyo meesha la joogo,waxaa quman in aad cajalada dib u celiso si aad ugu hortagto waxwalba oo caqabad ku ah nabada maanta ka jirto Muqdisho iyo in aad hore uga socoto meesha hada la taagan yahay,dalka waxaa uu u baahan yahay in laga firikro qodobada soo socda.

  1. Hormarka nabada jirta in la kobciyo si dalka oo dhan umada degeni nabad iyo wadanoolaansho u helaan,dabcan Al-Shabaab waa Kansarka somalia waxaa quman in si toos ah iyo si aanan toos aheeyn loola dagaalo.

Dalka waxaa jooga ciidamo calooshood u shaqeeystayaal ah ee uu soo kireeystay Faroole sida Telefishonka ABC ee laga leeyahay dalka Australia uu shaaciyey warbixin dheer oo uu ka diyaariyey shirkada Saracen ee tababarada siisa ciidamada Puntland ninka madaxda ka ah oo dilal Qorsheysan ka soo galay dalalka Koonfur Afrika iyo Papua New Guinea.Akhristow daawo: Mercenary accused of supplying Somali militia

http://www.abc.net.au/news/2012-09-04/somalia-guns-embargo-breach-730/4242778

Guddiga Qaramada Midoobay u saartay dalka Soomaaliya inay soo baaraan kooxaha ku xadgudba cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya, ayaa ka codsaday Dowlada Australia inay tilaabo sharci kaga qaado Mulkiila Shirkada Saracen ee tababarada siisa ciidamada bada ee Puntland.

  1. Magacaabida r/wasaaraha cusubi ninka uu noqon doono waa rajada iyo furaha horumarka dowlada ka dhalan doonta Somali.waxaa iga talo ah in aadan ka dhigin raga iyo haweenka ka soo jeeda Puntland iyo Somaliland sabbaba jira darteed,labadaba waxaa aay leeyihiin dowlad leh gole wasiiro,gole baarlamaan iyo madaxweeyne sidaa  in badan dowladahii kaa horeeyay ragii ka noqday r/wasaare aayan u noqdeen ku aanan xoolo,ciidan iyo siyaasad midnimo somali ka fogaa.
  2. Qunsulka Ethiopia ee Garowe iyo Hargeeysa waa caqabada ugu weeyn ee xiligaan ka jira geeska afrika,waxaa quman in dalka Somalia uu lahaado hal Safiirka Ethiopian ah kaas oo fulinayo danaha Ethiopia ee Somali fadhigiisuna yahay Muqdisho,qunsulka fadhiya Garowe iyo Hargeeysa waxeey ka shaqeeyaan kala qobqobka dadka iyo dalka inta aay joogaana ciida Somalia lagama yaabo in colaada siyaasadeed aay dhamaanto.
  3. Puntland waxaa looga dhawaaqay furashada xisbiyo siyaasadeed oo aana xaqiiqdii lagala tashan dowlada dhexe,xisbiya siyaasadeed ee dalka looga dhawaaqay dhamaantood waa in aay la jaan qaadaan dastuurka cusub ogolaashaha iyo diiwaangelinta fulinteeda waxaa leh dowlada dhexe,xisbi qabiil lama furan karo ee xisbiga waa in la aqriyaa ajandihiisa siyaadadeed dhaqandhaqaale ee uu rabo in uu ka fuliyo dalk,Faroole 15000 dollar ayuu ku xiray basle waa mid uu ku ururusanayo dhaqaale shasoyadeed ,waxaa quman in cidii dooneeysa furasha xisbiyada in aay iska diiwaangeliso dowlada dhexe ogolashaha waxaa bixinaya dowlada dhex.
  4. Aragti dheer oo ku wajahan sidii ciidamada AMISOM Kenya iyo Ethiopia looga saari lahaa dalka xudiidiisana loo sugi lahaa,wax sahlan maaha balse waa mid u baahan fiiro dheer,waxaa loo baahan yahay in dalka dadka ku dhaqani yeeshaan xuquuq laguna yeesho xuquuq,nabada, dhameeystirka dastuurka,furashada xisbiyada iyo dhisida dowlad-goboleedyo hoos yimaada dowlada dhexe ayaa hadafku yahy,si taas loo gaaro waxaan ku farayaa dulqaad,sabar iyo aragto fog sidii uu hirgeli lahaa shaqdaa faraha bada.Alo Sahal Umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe  Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.