M/Dheere Dowlada ha Fashilin!

Dr. Ali.A.Hirabe Waxaan aad iyo aad uga xumahay qaabka iyo ujeedada iyo hadafka siyaasadeed ee uu ka dhex wado m/dheere dowlada midnimada qaran oo xiligaan ku wajahan la dagaalanka iyo soo celinta qranimada Somalia taas oo eey diidan yihiin al shabaab iyo xisbul fasaad,waxaa xaqiiq ah in al shabaab iyo xisbul fasaad eeyan ku wajahneeyn hal qabiil balse waxaa aad iyo aad u cad in eey ku wajahan yihiin dhamaan umada Somali una horseedayaan ujeedo guracan una shaqeeyaan in dalka uu gacanta u galo gumeeysi cusub oo aanan u naxeeyn dadka,dalka iyo diinta.
Maqaallo Keydmedia Online
M/Dheere Dowlada ha Fashilin!

M/dheere waxuu cadeeyay in qaab qabiil oo dowlad hugsan lagula dagaalamaayo al shabaab iyo xisbul fasaad, xaqiiqdii waxaa halkaasi ka cad in ujeedada uu wataa eey tahay in uu kala dhantaalo,dhabarkana ka jibiyo ciidamada qaranka ee safka hore kaga jira sidii eey dalka ugu safeeyn lahaayeen al shabab iyo xisbul fasaad,iyo in uu soo celiyo qaabkii eey beri hore ku fashimeen ee ahaa hogaamiye kooxeed ku naaxa dhiiga shacabka iyo qeeyraadka dalka,waxaa umada is weeydiisaa maxeey shacabka Muqdisho dareenkooda u muujin waayeen la dagaalanka kuwa dalka,dadka iyo diinta gumaadayo,jawaabta waxeey tahay shacabka waxaa eey aaminsan yihiin in weli eeyan helin shaqsi kacdoonka  horseed ka noqda oo daacadna ka ah sabbabta oo ah waxaa shacabka weli horboodaya M/dheere,Bashiir Raage,Qanyare,Musse  iwm oo weli damaca kaga jira in eey hormuud u  noqdaan kacdoonka shacabka iyada oo la ogyahay taariikhda eey ku dhex la hayeen siyaasada Somalia iyo in eeyan waxa la taaban karo eeyan ku soo kordhin xiliyadii dalka eey xooga ku haysteen balse sabbab u ah in al shabab iyo xisbul fasaad xiligaan abuurmo,waayo ayaga oo awooda in eey mid noqon karaan badbaadiyaana shacabka dhibaka ku jira ayeey waxeey ka doorteen in eey isbaaro dhigtaan kana ganacsadaan shacabka dhiigiisa iyo in markii danbe eey ku qasbanaadeen in C/aahi Yusuf oo lahaa ujeedo iyo hadaf guracan ku taageeraan in Tigree Muqdisho ku gumaado shacabii dulmanaa.


Sow maaha in ciidamada safka hore kaga jiraa la dagaalanka al shabab iyo xisbul fasaad in eey kala cararaan marba hadafka iyo ujeedada dagaalka loo macneeyo qaabka M/dheere u riyoonayo ?? sow maaha ciida anigaa leh iwm
Waxaan leeyahay fadlan M/dhere hadalkaaga waxaa uu burbur ku yahay dowlada iyo cidamada nabad soo celinta ee midowga Afrika oo xiligaan dagaalka kula jira al shabaab & xisbul fasaad.

Mudulood hiil kaagama baahana sabbabta oo ah taariikh dheer ayuu soo maray waana eey cadahay cida gumaadeeysa iyo sida looga bixi karo gumaadka,runtii waxaa quman lana ogyahay in al shabaab iyo xisbul fasaad eeyan Mudulood oo kaliya ku wajahneeyn balse Somali iyo aduunka ayeey diiradooda tahay,sida looga bixi karaa waa iyada oo midnimo Somali lagaga hortago,la aaminaa wada hadal iyo wada noolaasho nabad horseedi karta cidii diidana si mideeysan looga hortago.Mudulood dowlad ayaa deeqada wax ka hooseeya uma jeedo.

Dr. Ali.A.Hirabe - Hirabe_a@hotmail.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.