Ma Aaminsaneed Muqdisho in Kubad lagu Ciyaari karo xiligaan? (Daawo Video)

Muqdisho (Keydmedia) - Guud ahaan ciyaarta Sports-ka waxa ay ka mid tahay aaladaha isku xira bulshada isla markaana kaalin wanaagsan ka cayaara is fahamsiinta bulshada qeyaheeda kale duwan, waana ciyaar si gaar ah dhalinyarada is fahamkooda iyo is dhaxgalkooda kaalin wanaagsan uga cayaarta.
Maqaallo Keydmedia Online
Ma Aaminsaneed Muqdisho in Kubad lagu Ciyaari karo xiligaan? (Daawo Video)

Dadka ku saaxiba ama isku barta kubadda waa dad isaga dhaw bulshada inteeda kale, waxayna u macaamilaan si kal iyo laab leh oo walaalnimana ay ku dheehantahay, waa dad isu soo hilooba haddii waqtiga iyo waayaha ay kala geeyaan, waa dad   is jecel oo aan kala maarmaan, isla markaana wadaaga wax walba hoo iyo hiil tay doontaba ha ahaatee.

Soomaaliya kaalin wanaagsan ayeey kaga jirtay burburkii ka hor ciyaaraha qeybahooda kale duwan waxaana taasi daliil cad u ah guulihii iyo biladihii ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka soo hoyeen ciyaaro kale duwan oo dalka iyo dibadda ka dhacay, bal adigaba xusuuso dadkii magaca ku yeeshay ciyaaraha qeybahooda kale duwan Cabdi Bile Cabdi wali waa uu nool yahay magac iyo mansab wanaagsana waa u soo hoyay umadda Soomaaliyeed, bilad ayuu ku qaatay oradka ilaa iyo maantana dunida si weyn ayaa looga aqoonsanyahay kaalintiisa iyo wax qabadkiisa.

Ibraahim Xasn (Abuu Malaay) waxa uu ka tirsanaa laacibyada caan baxay ee xulka qaranka Soomaaliya 1960-maadkii waxa uu dhaliyay goolkii ugu quruxda badnaa ee abid laga dhaliyo tartanka gobalada kaasoo labaaley (Double) uu ku dhaliyay, muqdisho ayuu iminka ku nool yahay isaga oo xanuunsan, balse magaciisii wata oo ah ciyaaryahan Soomaaliyeed oo Dalka magac u soo hoyay xili ka mid ah xiliyadii taariikhda Soo maray.

Magaalada Muqdisho iminka waa mid u kala xiran una kala xeyndaaban Sida labada kuuriyo ama si kale haddaan niraahno waa mid uu kala qeybiyo xad la mid ah Darbigii lagu kala jaray Baarliin ee taariikhda ay ka warantay qisadiisa, labada dhan ee ay mucaaradka iyo dowlada kala maamulaan waa kuwa kala xiran oo aanay dadku u kala gudbi Karin haba ugu daraato todobaadkan oo wadiiqii yaraa ee xamar inteeda nool isku xirayay uu xirmay.

Meela badan oo Dalka sharaf iyo qiima uu ku lahaa iminka waa qiima beeleen, Garoomadii loogu tala galay kubadda qeybaheeda kale duwan iminka eeyo ayaa ku hoyada qaarkood halka kuwa kalana ciidamo soo duulay oo ajaanib u badan ay fariisimo ku leeyihiin, laakiin caqliga iyo kartida bahda sports-ka kolkuu shaqeeyay kadib waxaa suurta gashay in la sameeyo garoomo macalmal ah si niyada dhalinyarada loo hagaajiyo.

Dhabarka danbe ee jaamacadii Umadda oo iminka ay dagan yihiin ciidamo ka socoda dowlada Burundi waxaa ka socda tartankii 36-aad ee horyaalka kubadda cagta Soomaaliya, waxaana soo qaban qaabiyay tartanka gudiga olimikada Soomaaliyeed.

Marka aad tagto garoonkaasi waxaa kuu muuqanaya dhalinyaro badan oo daawaneysa ciyaarta kubadda cagta kuwaasoo ka kala yimid xaafado kale duwan oo magaalada ah, waxaana adkaaneysa inaad aaminto in muqdisho dagaal  ay dhalinyarada qeyb ka yihiin ka jiro isla markaana laga barakacay, afarta jiho ee garoonka ayaa waxaa kuu muuqanaya dhalinyaro hami nabadeed leh.

Hadaba akhriste muqdishada maanta maka aaminsaneed in fantasiyo iyo ciyaar ay ka suurta gali karto? Ma is laheyd dadka muqdisho waa kuwa ciyaaraha iyo arimaha bulshada is dhex galka ka shaqeyn kara maadaama maalin walba la maqlo dhimasho, dhaawac, Barakac, fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook.

www.keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.