MA DHABAA IN LA MUSUQ MAASUQO GARGAARKA DHIBANAYAASHA ABAARTA??

Muqdisho (Keydmedia) - Waa wareyda afaada abaarta ee ka taagan Soomaaliya waa mid gaartay albaabka guri walba oo qof soomaali ah uu daganyahay, laakiin ayaan darada ayaa ah in dadka sidii loogu qeyla dhaamiyay aan wax loo gaarsiin.
Maqaallo Keydmedia Online
MA DHABAA IN LA MUSUQ MAASUQO GARGAARKA DHIBANAYAASHA ABAARTA??

Balaayiin doolar lacag ku dhaw ayey dad magacyo kale duwan wata dunida daafaheeda Soomaalida ku nool ka soo aruuriyeen tan iyo markii aafada abaarta dhibaatadeeda la dareemay, waxaase arin uur-ku taalo huwan ah in dadka sida magacooda loogu qaraabtay aanay gargaar u helin.

Keydmedia ayaa mudadanba waxa ay ku howlaneed qaabka uu u socda gurmadka abaaraha iyo kaalamada ay halayaan dadka dhibayaasha ah, waxaana shaqaalaha keydmedia ay si taxadar leh u darseen arimaha gurmadka iyo habsami usocdkooda.

Baaritaanka Keydmedia ayaa lagu ogaaday in dadka abaarta ay saameysay ay yartahay waxa gacmahooda gaaray ee ka tirsan gurmadkii loogu talagalay, waxaana la xaqiijiyay in gacmo kale ay ku dhaceen qarashaadka badankood.

Kaamamka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha marka aad booqato ee aad sheeka wadaag la noqoto dhibanayaasha ababarta waxaa kuu muuqanaya xaalado cakirnaan ah, waxaana ay kuu sheegayaan dhibanayaasha Soomaaliyeed in sida loogu gurmaday aan wax loo gaarsiin.

Xawo Cismaan waa hooyo 3 ka mid ah caruurteeda ku weysay abaarta, waxa ay ka soo barakacday degmada Qansax dheere ee gobalka Bay, iminka waxay ku nooshahay kaam ku yaala ilinka Garoonka Aadan cadee, waxa ay u sheegtay keydmedia in gurmad ay ka heleen shaqsiyaad iyo hey’ado laakiin waxay cabasho ka muujisay horjoogayaasha kaamamka oo iyagu ah kuwa ka dhashay beelaha ku hubeysan Muqdisho oo baad ku haya shacabka abaarta ay saameysay.

“Shalay waxaan helnay raashiin kale duwan iyo dhar, laakiin waxaa yaab nagu abuuray markii horjoogayaasha xerada ay na weydiiyeen in aan bixino lacag maadaama aan gargaar helnay” sidaa waxaa iyada oo murugeysan u sheegtay keydmedia Xawo, waxaana ay codsatay inaan muuqaalkeeda warbaahinta loo isticmaalin.

Ka sakow horjoogayaasha kaamamka waxaa jira gudiyo la sheego in gurmadka abaaraha ay ka shaqeeyaan, waxaana xogo lagu kalsoonyahay ay sheegayaan in gudiyada dhexdooda xittaa uu ka jiro musuq iyo is gacan dhaafid, waxaana taasi ay muujineysaa in ujeedada laga lahaa sameynta gudiyada in ay tahay lacago in laga tacbado dhibaatada abaarta.

Inkastoo musuqa uu jiro isla markaana horjoogayaasha kaamamka iyo gudiyada u badan kuwa iyagu is magacaabay ay yihiin kuwa musuq maasuqa gargaarka loogu tala galay dhibanayaasha abaarta ayaa hadana waxaa xusid mudan in meelaha qaarkood ay howl wanaagsan ka fuliyaan dad is xilqaamay oo u badan dhalinyaro.

Masaajida iyo xaafadaha ayaa waxaa ka socda qorshayaal ay dhalinyaro hogaaminayaan oo shacabka lagu daryeelayo, waxaana todobaadkii aan soo dhaafnay ilaa todobaadkan dhalinyarada Muqdisho ay ku guuleesteen in ay quudiyaan dad kor u dhaafaya 2-kun oo qoys, waxaana dhalinyarada dadkaasi ay gaarsiiyeen dhar, cunto, lacag iyo agab kale duwan oo muhiim u ah jiritaanka Nolasha Aadanaha.

Dowlada Shariifyada kol hore waxa ay deeq la sheegay in ay timir aheyd kala wareegtay dowlada isu taga imaaraadka carabta, waxaana sidoo kale ay sheegtay in la furay accounts-ujeedadu ay tahay in dhamaan bulshada Soomaaliyeed ay gurmadka ugu soo shubaan dhibanayaasha abaarta iyadoona la sameeyay gudi abaarta wax ka qabadkeeda u xilsaaran.

Marka intaas la maqlo waxaa bidhaameyso rajo wax qabad laakiin ayaanadarada ayaa ah in ilaa iyo hada wax muuqda oo gudiga ay sameeyeen in aan la arkin marka laga reebo maamulka Gobalka Banaadir oo dadka dib u dajin u sameeyay.

Waxaa hubanti ah in haddii dadka Soomaaliyeed ee abaarta ay dhibaateysay ay si sax ah u heli lahaayeen gargaarka dal iyo dibad ay ka wadaan umada soomaaliyeed ee dareenka wanaagsan waxaa la hubaa in dhibaatada abaarta ay dhamaan laheyd, laakiin sii socoshada abaarta ayaa waxaa loo sababeynaa in ay tahay musuqa jira iyo dadkii oo aan wax wanaagsan la gaarsiin.

Hadaba akhriste hadaad tahay qof ku lug leh arimaha gurmadka abaaraha, ama garanaya cid ku lug leh arimahaasi si taxdar leh ugu kuurgal sida loo maamulo gurmadka loogu tala galay dhibanayaasha Abaarta.

Ma is leedahay hadii uu sii socda qorshahan lagu musuq maasuqayo gargaarka danyarta loogu tala galay in laga baxayo aafada iyo dhibaatada Dalka hareysa, xalkuse muxuu kuula muuqdaa? Fadlan aragtidaada noogu soo dir Facebook iyo qeybta aragtida dadweynaha ee Bogga keydmedia.

Abudlkarim Haji Seeko - abudlkarim.haji.seeko@keydmedia.net - Keydmedia.net Investigative Journalist




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.