Ma Gole Shacab baa mise Gole laaluush ?!!!

Yaabaye ma yaabteen!!, Soomaalida oo ah bulsho afku maalnimo alle ku maneestay isla markaana wax walba oo ay tuhmaan ku cabiro Murti, Maahmaah, Xikmad iyo Suugaan ayaa waxa ay tiraahdaa “Oohinta orgiga ka weyn” oraahdan waxa ay adeegsadaan Soomaalida marka ay arkaan arin is qaban la’.
Maqaallo Keydmedia Online
Ma Gole Shacab baa mise Gole laaluush ?!!!

Waxaa loogu yeeray Mudanayaal Baarlamaan ama gole Shacab, waxay ku wada dhaarteen kutubka alle, waxayna wacad ku mareen in Dalka, Dadka iyo Diinta ay si daacad ah ugu  shaqeynayaan, balse waxa ay falayaan marka la falanqeeyo intuba dan uguma jirto

Ma ogtahay in Muqdisho xiligan ay ku sugan yihiin in ka badan 300 oo ka mid ah raggan wata Magaca golaha Shacabka, laakiin marka la xooraansado u muuqaal eeg dalxiisayaal tamashle iyo qorrax joog u yimid Dalka.

Macnaha Gole shacab soo loolama jeedo in danaha Shacabka laga shaqeeyo isla markaana laga dhiidhiyo wax walba oo shacabka Dhibaata ku ah, xildhibaanku sooma ahan kan waxa qaldan saxa waxa wanaagsan in la sii wanaajiya dar daar wariya?

 

Alle ha u naxariisto Maalin ka mid ah Maalmihii ku jiray Sanadkii 2007 ayaan ku dhageestay Barnaamij uu daadihinayay Wariye  Saciid Tahliil Axmed oo ku saabsanaa Qaab howleedka Baarlamaanka nin oday Soomaaliyeed  ah oo aragtidiisa ku aadan shaqada barlamaanka ku cabiray Erey Suugaaneed kaa oo yiri “Baarlamaanka Foorara, fadhigiyo marqaankiyo, qayilaada ku fiican, ninkii Vote ka rabow fadlan lacag ku shubo”.

Dad badan oo reer Muqdisho ah ereygaasi fajac ayuu ku ahaa laakiin arinku sida uu ninkaasi u cabiray iyo si ka sii fogba waa uu yahay.

Dadkan  iyaga ah waxa ay hoy ka dhigteen Hotelo ku yaala afarta degmo ee ay Dowlada Maamusho, waxaana waqtigooda badankiis ay ku qaataan, Hurdo,qeyilaad, fadhi ku dirir iyo arimo kale oo ka hadalkooda aanu wanaagsaneyn.

Ma is tiri xiliyada qaar afarta wado ee ay Dowlada joogto in lagu arko rag huwan magaca qiimaha badan ee xildhibaan misna Haweenka qaadka iibiya ay farqaha ku dhagan yihiin isla markaana loo heysto lacago ay ku ruugeyn Caleemaha Jaadka.

 

Waw waw  dooni meyno…… Waw waw  dooni meyno….. Waw waw  dooni meyno, ereyadaasi iyo kuwa kale oo macna ahaan u dhigmo waxaa laga dhex maqlaa fadhiyada ay yeeshaan , mise la socotaa   xiliyada ay waxaan falayaan in saxaafada ay goob joog tahay isla markaana ay ku fooraraan Kaamarooyin, oo maxaa xishoodkii ka qaaday ? xitaa hadii ay xilkooda garan waayeen aaway xishoodkii aadaminimo?

Wacnaan laheydaa hadii ay lahaan lahaayeen awood ay wax ku ogolaan karan ama wax ku diidi karaan, “Af wax cunay Xishoo” ayaa la yiraahdaa, tan waxaan uga gol leeyahay in nimankan iyaga ah ay yihiin kuwa laaluush qaatayaal ah isla markaana mar walba u sacaba tuma cida ay shilimaadka qaadka lagu iibiyo ka heli karaan.

Waxaa lagu xantaa raggan huwan Magaca xildhibaanada ama golaha shacabka in mar walbaa ay la jiraan qofkii jeebkiisa uu dhaqaale buuran ku jira, waxaana ay dadnimadooda iyo mas’uuliyadooda  ka door bidaan Shilimaadka yar ee laaluushka ah.

Tusaale hadaan ka dhigano Doorashadii ugu danbeysay  ee ay gudoomiyaha ku dooranayeen maalinkii kowaad foori, qeylo iyo booq ayeey cirka ku shareereen markuu masraxa soo istaagay Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ahaa musharax jagadaasi u taagnaa.

 

Ma kula tahayse in Ragii foorida bilaabay maalinkii xigtay ee doorashada in ay codkooda siyeen isla Shariifkii ay ku fooriyeen, Maxaa kaaga baxay halkaasi?

Xildhibaan Cabadi Xaashi oo isagana u tartamayay jagadaasi ayaa markii uu arkay in laga gacan sareey waxa uu yiri  “ Shariif oo aad shalay ku fooriseen ayaad maanta doorateen, marka waxaan dareemayaa in aydan wax tala ah heyn ee sidan isu dhaama”.

Xikmada carbeed ayaa waxa ay aheyd “Daruurta waa Calaamada Roobka” waxaan u jeedaa caalamada lagu garto marka ay lacag doon yihiin ayaa waxa ay tahay Diyaarinta mowshin iyo shirar badan oo lagu weerarayo Shaqsiyaad kuwaa oo u jeedkooda uu yahay in Shilimaad laga qaado

 

Hadaba dadka iyaga ah ee Caqligooda uu  ku sar go’anyahay Caleemaha jaadka suurta gal ma tahay in ay aaya wanaagsan u horseedaan Dalka?  Ma is leedahay waxa ay la imaan karaan fakir wanaagsan oo is badal lagu dhalin kara?

 

Keydmedia.net 

 




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.