MA MATAANAA NAZIYIINTII JARMALKA IYO…

Buug waxaa gacanteyda ku soo dhacay ciwaankiisu yahay “COMNADO HIMMLER” waxaa qoray Sven Hassel, waxaa afka talyaaniga u badalay gabar Talyaani ah oo lagu magacaabo Giovanna Rossell waa daabacaadii 294-aad, waa taariikh buuxda oo ka hadleysa Xukunkii Hitler hogaamiyihii Jarmalka Naaziga ahaa ee maruu xabsiga ku jiray qoray buug uu ugu magac daray “MEIN KAMF”oo macnaheedu uu yahay halgankeygii, Buugaasoo aad u yaraa Hitler wuxuu ku qoray mabaa’diida Naaziga ee uu ku xukumay Jarmalka mudadii uu talinayay.
Maqaallo Keydmedia Online
MA MATAANAA NAZIYIINTII JARMALKA  IYO…

Waxaa si layaab leh ugu fidinayay wasiirkiisii dacaayadda “MINISRO DELLA PROPAGANDA” oo aan annaga u naqaan wasiirka warfaafinta, waxaa wasiirkaas lagu magacaabi jiray Gobles, wasiir aad daacad ugu ahaa Naaziga iyo in Jarmalka uu yahay isirka ugu wanaagsan uguna dhaladsan insaaniyadd, sida markii ay Imbegaati ku shireen Soomaalida ay Soomaalida afar beelood iyo bar dhalad ama insaan dhan ah ayna beelo nus ah ama “others” ay u baxsheen ku daba xireen, kuwaasoo markii go’aanka la dhuuxo ah dad sinji hoose ah ay ula jeedaan wixii ku shiray Imgataati oo aan qabiilooyinka ay sheegteen lug ku laheyn iyagaa dhimanaa qeyru mas’uuliin ahaa, xuquuqul insaan, aragti islaam, mid masiixi, mid yahuudeed, mid objectives-ka ah oo ah qawaaniin dad aadane ah ay dejiyeen aaney dhamaantood oggoleyn.

Dadkii Imbagati ku shiray fikradaa xun keenay ka horna jabuuti, waagii Carta laga keenay uuna ku sii xigay shirkii jabuuti ee labaad ee “Others” hadana lagu ogaaday shirkaasi, shirkaasoo kooxdii dib u xoreynta Asmara ee Jabuuti ku shirtay waxay kaga sii fool xumatay kooxdii Imbegaati waayo kooxda Asmara waxaa hogaaminayay dad diinta Islaamka si qota dheer u yaqaanay iyo sida ilaahay Aadanaha oo idil u simay.

Kooxdii Carta iyo Madxweynehoodii Xukuumadiisii iyo xildhibaanadiisii waxaad moodaa in ay heshiis ku noqdeen iyaga iyo kooxdii Imbegaati in Soomaaliya ay ka jiraan dad dhimman, insaanimadooda dhimantahay aan marnaba la sinnaan Karin 4ta beelood ee laandheerayaasha ah, waxaase iyada ka sii daran kooxda dib u xoreynta Soomaaliya la baxday, kooxahan dhammaantood oo xoogaa fikradii Hitler ku deyday waxaana uu leeyahay waayo waxaa soo ifbaxay Alshabaab iyo Xisbi oo ay dhiseen kooxo ajaanib ah oo Alqaacida soo tarbiyeysay oo aragtay in Alqaacida iyo aas-aasaheedii Usaama Bin ladin aaney u suuroobeen in ay dunida Islaamku ku qabsadaan iyo dhulal islaamku leeyahay iyagoon insaanka cadibin, sheegana in Islaamku uu xoog, holac, halaag, aadane baabi’in , dhac hanti iyo saxariirin aadane mooyaane aanu si kale ku hirgaleyn, weliba islaam aan aheyn kii saxaraha ama lama degaanka ku soo degay , sidaasoo ay taheyna Islaamku si nabad ah iyo ka dhaadhicin iyo fasiraad dadka lagu fidinayo Nebiga wuxuu yiri nabadi korkiisa ha ahaatee qur’aanka barta barana dadka .

“Waa awoodda oo keliya “the power” waxa aan doonayaa haddii awooddu gacanteena soo gasho oo aan hananno, waa xajisaneynaa cid kastana mar danbe nagama qaadi doonto”erayadaasi waxay ka mid ahaayeen khudbadii Adlof Hitler uu ka jeediyay Monaco munchen 30 December 193.

Maanta ururka shabaab ee mudada gaaban boqolaal caruur ah cidahooda inta ka soo xoogeen dagaal DKM ah kula galeen ka laayay, boqolaal iyo boqolaal kalana curyaamiyeen meel kastoo xubnaha jirkooda ka mid ah  ka naafeeyeen maxay doonayaan? Waa noo cadeeyeen, horeyna u yiraahdeen waxa kaliya ee inoo muuqda waa awoodda “the Power” markaas geeska Afrika waa qaseynaa waana leyneynaa cid alaale ciddii afkaartayada ka hor timaada.

Qofkii ku hordhaarta kirishtada catabka z horteeda waa inuu inkiraa diidaana diimaha kale iyo madaahiibta kale ee kirishtanka iyo macbadyadooda taliyihii ciidamada naaziga himmler 1941.

Alshabaab muxuu maanta fidiyaa?waxaan aheyn sidaan diinta u fasirno mooyaane ma jiraan fasiraadihii hore iyo wixii ay sheegeen culimaa’udiinka Islaamka dunida iyaga mooyaane.

“Hub siyaasadeed kan ugu wanaagsani waa argagixinta wax allaale wixii kugu dhashaa xaasidnimo iyo saxariirin xurmuu kuu soo jiidayaa ku siinayaana, ma dooneyno in nala jeclaado, waxaasu wax muhiim ah ma aha, mar haddii dadku ku xurmeynayo lagaana baqayo xittaa haddii nala neceb yahay wax macno sameynaya ma aha mar haddii nagala argagaxayo” eyadan waxa ay ka mid ahaayeen khudbadii uu Field Marshal Hmmler jeediyay 19 April 1943 kana jeediyay Char’kov.

Sidaas Alshabaab soo uma aragtaan, soo shabaab dadka ma googooyo, carrabyada dadka soo kalama soo baxo, sow ma dhaco dadka, soo waalidka gabdhahooda kama qaniimeesto,sow, sow iyo saw.

HABKA TACLIIMEED EE SOO SAARIDA AQOONYAHANO, WAXAA ANIGA MA DOONEEYO MARNABA,AQOON WAA WAX LABAAD, QOFKII LA HORGEEYA WAX ADAG, DHIB IWM UNBAA BARTA INUU GUULEYSTO KA GUULEYSTO BAQDINTA UU KA BAQAYO GEERIDA.

Erayada sare ku xusan waxa ay ku qornaayeen warqad uu Himmler u diray profesarada KA Ekharot sanadkii 1938-dii.

Sow ma maqashaan in Alshabaab ay yiraahdaan manaahijta Waxbarashada annagaa sameyneyna  wixii hore wax muratadiin sameeyeen ayeey ahaayeen, macalimiintana waa in Islaamka aan barnaa.

Maka sheekeyn karno xirfadda leh ee Al-qaacida ay u soo min guurisay mabaa’diida Naaziyada iyadoo ku dhex qastay xoogaa Mabaa’diida Islaamka  ah oo ay siday doonaan u sameeyeen.

Naasiyadii dulmigaas ay dadka Jarmalka iyo dunida oo idil ay ku heysay ayaa burburiyay, burburkii Al-qaacida iyo Alshabaab waa kan socda.

Dr. Ismail Malaas - Nairobi - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.