Ma waxaa lagu soo Xulay: Yaa la wadan karaa, Mase yaa wax wadi kara?

Mudooyinkanba waxaa afka madaxweyne Shariif laga dhawrayay ku dhawaaqista shaqasiga noqonaya R.wasaaraha kadib is casilaadii Dr Cumar C/rashiid Sharma’arke, waxaana bishimaha madaxweynaha dhawr ay ku dhawaadeen ku dhawaaqidda R.wasaare laakiin waxaa hareeyay madaxweynaha qeyla dhaanta beesha caalamka iyo beelaha Soomaalida.
Maqaallo Keydmedia Online
Ma waxaa lagu soo Xulay: Yaa la wadan karaa, Mase yaa wax wadi kara?

Madaxweyne Shariif is casilaadii Sharma’arke kadib waxaa uu saaxibo badan oo Soomaali iyo ajaanib isugu jirta ka helay talooyin la xiriira cidda loo xulayo R.wasaaraha, waxaana koox walba oo saaxibada ka mid ah ay madaxweynaha farta ugu fiiqeen shaqsi ay iyagu is leeyihiin danahiina waa uu fulin karaa.

Todabaad ka hor hadalheynta ugu badan waxa ay aheyd in Saacid Faarax Garaad oo aqoonyahan ah loo magacaabi doono R.wasaaraha, laakiin arinkaasi sida la xaqiijiyay ka hor beesha caalamka waxaa ka hor yimid Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ka mid ah koox la yiraahdo AALA-SHIIKH oo iyagu ah cidda ugu sareysa ee uu talo ka qaato madaxweyne Shariif, howlaha kooxda AALA-SHIIKH iyo awooda ay ku leeyihiin xafiiska madaxweynaha qormo gaar ah ayana uga hadli doonaa.

Galabnimadii khamiista ee ay taariikhda ku beegneyd 14-October 2010 waxa munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada uu uga  dhawaaqay madaxweynaha shaqsiga uu u soo xushay inuu noqdo R.wasaaraha Soomaaliya, waxaana uu soo bandhigay Max’ed C/llahi Max’ud Farjaamo oo ah shaqsi siyaasadda Soomaaliya waayadii kacaanka Galaangal ku lahaa kana yimid Dalka Maraykanka, waxa uu ku abtirsadaa Farmaajo beesha Mareexaan

Sida ku xusan CV-ga Farmaajo waxa uu aqoon u leeyahay cilmiga maamulka, sida uu xusnay waxa uu Jaamacad ku taala Dalka Maraykanka oo lagu magacaabo State university of New york uu ka dhigaa maadooyin ay ka mid yihiin: qaab hogaaminta (leadership skill), Maamulida mashaariicda (Project management) xalinta khilaafaadka (negotiation and conflict resolution) .

Haddii aqoonta uu sheegay R.wasaare farmaajo inuu leeyahay uu dabaqo isla markaana hirgaliyo waa suurta gal in isbadal uu ka dhaco dalka waayo baahiyaha hadda jira waxaa ka mid ah 1-in la xaliyo khilaafaadka 2- qaab hogaamin wanaagsan 3 iyo u maareynta dakhliga dowladda daw haboon oo xisaabtan leh.

Haddii seddexdaas qodob laga helo dowladda waxaa suurowda in xoogaa horumar la gaaro, waa suurta gal in xiliyada qaar loo baahdo istaraatiijiyad ku dhisan howl gal ciidan si ammaanka loo sugo.

Dad badan ayaa rumeysan in cid walba oo xil looga dhiiba xiligan Soomaaliya inuu yahay shaqsi fulinaya dana gaar ah isla markaana naas nuujin u sameynaya koox ama dowlad gaar ah.

R.wasaare Max’ed Farmaajo waxaa uu xiriir weyn la leeyahay dowladda Maraykanka, waa xaqiiq inuu helayo gacan intay doontaba hala ekaatee oo ka timaada waxa loogu yeero beesho Caalamka.

In badan sheeda ayuu kala socday Siyaasadda Soomaaliya laakiin maanta waxa uu ka mid noqday dadka hogaanka u haya, waxaa ku hor gudban caqabado badan oo hadaan si kooban u niraahno waxa uu ka mid noqday duul ay ku jiraan dad wajiya badan ah xagga iyo xaggana la shaqeysta.

Waxaa la gudbooon R.wasaaraha maadaama aanu in badan dhaqanka wasiiradii hore ama xildhibaanada aanu aqoon u laheyn in la tashi badan uu sameeyo isla markaana xukuumadda uu dhisi doono xubnaheeda uu ku kobo kaliya dadka wadaniyiinta ah ee dhanka wanaaga u fekara.

Dad badan ayaa laga yabaa in ay is yiraahdaa awood qeybsiga waa 4.5 marka halkuu ka imaanayaa wadani? oo waxaa waajib ah in wasiirkii hore ee beesha dib loo soo magacaabo, laakiin arinkaasi sax ma ahan, waayo beesha uu ka dhashay Wasiir hurdaayaha hadda xilka haya ee aan aqoonta laheyn waxaa laga helayaa shaqsi wanaagsan aqoon leh, dadnimo leh isla markaana u darban inuu dalka is badal ka dhaliya, miyaanay xaq aheyn markaas in hurdaaye laga tago oo qofka hammiga leh xilka loo dhiibo?.

Bisha waa October sanadkana waa 2010, Max’ed C/llaahi Max’ud (Farmaajo) Waa R.wasaare ugub ah iminka waxaana u furan buug cusub, waxaa u diyaarsan dad kale duwan diiwaan galinta xumi iyo samo wuxuu falo laga bilaabo maalintii la magacaabay, waxaana kala guri doono waqtiga iyo waayaha oo wuxuu falo ayaa lagu qiimeyn doonaa.

Soo ma haboona marka maadaama taariikhda ay hadli doonto sarifina doonto dhacdooyinka iyo qaabka ay noqdaan inuu diwaan cusub oo qurux badan diyaarsado .

Keydmedia waxa ay su’aaleysaa R.wasaare Max’ed Farmaajo waxa uu sido iyo qaabka uu sido,maadaama uu jawi cusub, dad cusub, siyaasad cusub uu la jaan qaadi doono.

Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia.net Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.