Ma Yahay Midkii La Sugayay?!

Keydmedia Online - Waxaa Maalmahaan la hadal hayay in Goonjeex oo Kursigaas horey ku fadhiyay loo Magacaabi doono Raisul Wasaaraha Cusub, laakiin Xalay waxaa Xilkaas loo dhiibay Nin Siyaasadda Soomaaliya ku Cusub, Cabdiweli Sheikh Axmed Sh. Maxamed.
Maqaallo Keydmedia Online
Ma Yahay Midkii La Sugayay?!

Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Sh. Maxamed waa Soomaali haysta Dhalashada Kanada, waa Aqoonyahan ku takhasusay Dhaqaalaha, oo sida la sheegay ah Nin Khibrad leh.

C/wali Sheekh waxa uu ku dhashay Degmada Baardheere Sanadkii 1959, wuxuu ka Qalanjabiyay Jaamacadda Ottawa ee Dalka Kanada, wuxuuna kasoo shaqeeyay Bankiga Horumarinta Islaamka.

Taariikh Nolaleedkiisa iyo Waxqabadkiisa waxa ka muuqda inuu yahay Nin Dhisan oo Aqoon leh, Cabdiweli, Ragg badan ayaa uga horeeyay Jagadda Raisul Wasaaraha, waxaad fiirisaan Cali Khaliif Galery, Xasan Abshir, Cali Maxamed Geedi, Nuur Cadde, Ina Sharmarke, Cabdiweli Gaas oo markii laga reebo Farmaajo iyo Saacid ay inta kale ahaayeen Dad Gacnahoodu aysan aheyn Nadiif, laguna Xusuusto Musuq-maasuq iyo Qabyaaladd.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xafladda ku dhawaaqidda Raysalwasaaraha cusub ka yiri "Waxaan aaminsanahay in uu yahay Shaqsiga ugu haboon Shaqadaan oo dib u dhiska dalka iyo ka soo kabashada dhaqaalaha sii wadi kara." - Hadaba, haduu dhaqaaq Hormar leh ku tilaabsaddo, ma dhagaxaan iyo Masaamiir baa loo dhigi doonaa sidii Farmaajo ama Saacid? Mise Gurigiisa ayaa lala horistaagi doonaa Fallaaro Mariid leh.

Ma waxaa lagu soo Xulay:
Yaa la wadan karaa, Mase yaa wax wadi kara?

Haddii Aqoontiisa uu adeegsado Raisul Wasaaraha Cusub, dhagaxaanah aan loo dhigin, waa Suurtagal in uu Isbadal ka dhaco Dalka, waxaa loo baahanyahay in Villa Soomaaliya la nadiifiyo, waxaa loo baahanyahay in la xaliyo Khilaafaadka, in lala Dagaalamo Musuq-Maasuqa, Ammaanka la sugo, lagana hortago Argagixisadda.

Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed waxey u baahanyihiin Hogaamiye aan Liiqliiqan, Hogaamiye hadalkiisa ka dhabeeya loona daayo Howshiisa, laguna faragalin. Waxaa loo baahanyahay in si wada jir ah loo wada shaqeeyo oo Qof walba loo daayo Shaqadiisa!



Inta badan, Bulshada Soomaaliyeed ma rumeysna in Shaqsigii ku fariista Kursiga Raisul Wasaaraha uu yahay mid fulinaya Danaha Shacabka oo tabaaleysan, balse uu yahay mid ku Daneesanaya Kursiga iyo Magaca Soomaaliyeed, oo Naas-nuujinaya Koox ama Beel gaar ah.

Hadaba Dr. Cabdiweli, asagoo Maanka ku haya in Soomaali inteeda badan ay fikirkaas qabto, Asaga ayaa looga baahanyahay in uu kala doorto in uu noqdo Nin Jeebkiisa iyo Koox u adeegaya iyo in uu noqdo Mid u muujiya Waxqabad Dhab ah, Muwaadiniinta uu Magacooda huwanyahay.

Keydmedia Online - Editorial Desk


Salma Abdikarim – Keydmedia Political Analyst - Columbus, OH - Salma.a.ayuub@keydmedia.net




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.