Maamuus & Magac Daarood Macnihiisu Ha Maqnaadeene, Fitnada Majeerten Maloo Maaro Helayaa?

?????????? ???????? ???? ?????????? ????????? ???????? ??????? ???????? ? ??????????? ????? ??????? ??????? ?????????? : ???? ??????? Macnaha: War fitno ka baqa aan asiibi doonin uun kuwiina dulmiga sameynaya (Yacni kuwa fidnada wada iska qabta, iyadoon iyaga uun ku dhici doonin). ?????? ????? ??? ???? ?? ?????? Macanaha: ( Fitnadu waa hurudaayo ilaahey naxariista haka fogeeyo ka (Kuwa) kiciya).
Maamuus & Magac Daarood Macnihiisu Ha Maqnaadeene, Fitnada Majeerten Maloo Maaro Helayaa?

Soomaalida maantu waxay isku raacday dhamaanteed in haddaanu soo shaac bixin damacii wiilashii ka soo jeeday Majeerteen ee kala ahaa Ciro iyo Cabdilaahi Yuusuf markii danbena aysan hoos galin cadowga ummadda in maanta ummadda Soomaaliyeed sidan aysan u burburteen, wuxuu yidhi Cabdilaahi Yuusuf haddaan sidan moodayo in ay ku danbayn doonto fitno maanu abuurnayn mar la weydiid xaalka maanta ku sugan tahay ummadda Soomaaliyeed isaga oo jooga Diridhaba itoobiya.

Nabigeenu wuxuu yidhi finadu way hurudaa ilaahay naxariistiisa haka fogeeyo qofkii toosiya , Majeerteen boqortooyo Daarood sheegashadeeda iyada oo aanay jirin goob iyo geed loogu doortay qarniyadii tagay iyo kuwa maantaba ee ay tahay waxay iyaga iyo kuwa khiyaaliga ku nool ayaa waxaa ka soo soko maray fitnadii ay ummadda Soomaaliyeed dhex dhigeen oo ilaa iyo maanta cad oo aanay caad saarnayn.  

Wiilashii loogu sheekeeyey dhaxalkiinii ayaa wiil Mareexaan ahi dhacay oo uu xukunkii ku hantay waxay wacad ku mareen in ay dad, dal iyo duunyaba u baabi’iyaan sidii ay u hanan lahaayeen xukun ay u arkayeen in ay dhaxal la haayeen oo Adeer kood ilaahay hawnaxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke uga dhintay.  

Waxay fitnadii ay huriyeen dhalisay in ay u gubiyaan dhamaan dadyowgii kale iyaga oo xabashi adeegsanaya waxayna dadkii tuseen in Xabashi la soo adeegsan karo ilaa ay kuwii ay fitnada u horseedeen ee ay bareen sida dalkooda looga horyimaado maanta xabashiga ka jecelyihiin Walaalkooda Soomaaliga sida SNM.  

Waxaa fitnadii ay kooxdii Majeerteen horboodasay ku talaabsadeen aad sawir ka qaadan kartaa gabaygii maruuryooday. Iyaga oo aan Boqor Daarood sheegan ayey goobkasta oo Soomaali degto sharaf iyo maamuus ku lahaayeen dadkuna u arkayeen dad Soomaaliyeed waxay ahaayeen qoyska kaliya ee baarlamaanka Soomaaliya ku lahaa 37 xubnood 1969 iyaga oo dhulbadan oo aan maanta magacooda iyo muuqaalkooda midna laga jeclayn la soo gali jiray doorasha intaanay fitnada iyagu isa sudhin ummaddana ku gubin maantana oo baarlamaanka ummaddu yahay 275 waxay helan 14 waayo waxaa la ogaaday waxay yihiin , waana takeentay in maanta ay isbuursadaan sadex magaalo oo ay dhulkii ilaahay iska soo oodaan.  

Fitno aanay Soomaali sudhin Kama dhicin gayiga Soomaaliyeed waxayna ahaayeen boqortooyada ay sheegtaan kuwii Talyaaniga ka kireeyey xeebaha Soomaaliya oo ay kaga daydeen Isaaqu oo iyaguna heshiis la galay Ingiriis.  

Xilligan aynu joogna marnaba lagama yaabo in ay ummadd Soomaaliyeed ku kadsoonto waxaana isha lagu hayaa talaabo kasta oo ay qaadaan, waata keentay in horo looga gudbo oo xukuumadihii ugu danbeeyey oo ay iyagu isu arki jireen in ay lagama maarmaantahay in xilalka ugu sareeya dalka Soomaaliya ay mid qabtaan hore looga socdo Muqdishana waxayba hana qaaday intii laga gudbay ee ragga kale ay hogaanka qabteen, waxa kaliya ee ay maanta ku gorgortamaana waa magac aan miisaanka xilligan lahayn ee Puntland oo ay bulshada caalamka gacan marsiga ugu tagaan.

Xigasho: Jidbaale.com




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.