Maansada: “Murugo!”

By Bashir M. Hersi - Geeridu waa xaq, qof nolol ku waaraya ma jiro, in la wada dhimanayana uma baahna wargalin iyo ogaysiis. Marka laga soo tago rumayn Diimeed iyo Caqiido, geeridu waa fal hortaada yaal, oo aadan uga baahnayn in laguu macneeyo ama laguu qeexo.
Maqaallo Keydmedia Online
Maansada: “Murugo!”

Haddana, qof walba oo geeriyooda ama dhinta isku si uma saameeyo dadka, qof walba meesha uu uga jiray bulshada ayaa lagu maamuusaa, maxaa yeelay dadku isku mid ma ahan, mana sinna dhan walba.

Maanta midda aan duljoognaa waa geeri naxdin iyo qarracanba wadata, maxaa yeelay qofka naga baxay qiimihiisa iyo qadarka uu nagu dhex lahaa baa ah mida an laga samri karin, waana midda iga qasabtay inaan tixddan yar ugu baruurdiiqo Abwaankii bulshadaAbwaan Maxamed Xaashi Dhammac “Gaariye” oo ku geeriyooday wadanka Norway.

Waxaan ehelllada Abwaanka, suugaanyahannada iyo umadda Soomaaliyeed ba uga tacsiyeynayaa geerida Abwaanka, Eebbana ugu baryayaa inuu naxariistiisa ugu deeqo.

Warka yaanan idinku badin, ee aan idiin soo gudbiyo tixdan aan ku magacaabay: “Murugo!"” waana tane, ka bogasho wacan:

Maansada: "Murugo!"

Noloshaaba murugiyo 
Farxad ama macaanoo 
Ku dul meerta labadaa. 
… 
Midbaa dhiman midbaa dhalan 
Mid kalaa Sabool noqon 
Midna waaba Taajiri!  
… 
Macallinkii Bulshada iyo 
Maansada Abkeedii 
Ma halyeey ayaa baxay? 
Maaniye miyaa tagay? 
Maantana ma Gaarriye(1) 
Ayaa Mawdku joogaa! 
Mushteeg(2) iyo kii hore 
Ayaa wali ku sii maqan! 
Maalmaha socdaayi 
Marna nooma roonayn. 
.... 
Maahmaah ayaa dhihi 
Mawdkuba siduu yahay 
Midka Macangaggaa iyo 
Geeljire ayaa mudan! 
... 
Inta doqon magaalada 
Muraad li




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.