Maareynta Wakhtiga

Maqaallo Keydmedia Online

Dad badan uma cadda muhiimada uu wakhtigu leeyahay, marar badana waxaan aragnaa dad ka cabanaaya in aysan haysan waqti ay ku qabtaan howlaha u yaalla, hadaba ka faa'ideyso Qormadda Maalinta Jumcadda ee uu diyaariyay Cabdisalaan M. Xersi. 

Maareynta Wakhtiga

Suurayso in bangi (bank) xisaabtaada (accoun) kuugu shubay lacag dhan $,525600(shan boqol labaatan iyo shan kun iyo lix-boqol ) lacagtaas waxba kugu biiri maayaan, in ay wax ka dhimmaan mooyaane, habeen-kasta fiidkii bangigu waxa uu xisaabtaada ka saaraa ama ka jaraa dhammaan lacagtii aad maalintaas adeegsan kari wayday, dibna uma helaysid lacagtaas, haddaba haddii ay sidaasi kugu dhacdo maxaad samayn lahayd Waa hubaal in aad maalin walba lacagtaada si haggaagsan u isticmaali lahayd, adiga oo ka baqaaya in ay lacagi kaa khasaarto. Haddaba sow ma ogid in aad maalin kasta lumiso wax lacagta ka qaalisan, kana qiimo badan!

Marar badan waxaan aragnaa dad ka cabanaaya in aysan haysan waqti ay ku qabtaan howlaha u yaal, waxa ay ku doodayaan in maalintii aysan ku filnayn una baahan yihiin waqti dheeraad ah, waa hubaal biyo kama dhibcaan ah in doonistoodu tahay meehanow mala awaal ku dhisan, sababtoo ah Rabbi ayaa jaan gooyay waqtiga maalinta, habbeenka iyo weliba saacadaha ku dhex jira, si caddaalad ahna u qaybiyay, Alle waxa uu addoomihiisa siiyay saacado isku mid ah, umana kala badin ee si siman oo saf mar ah ayuu u siiyay, haddaba su’aasha muhiimka ah ee qof walba in uu maskaxdiisa ku mashquuliyo ay tahay waa sababta keentay in dadka qaarna heersare gaaraan, kuwa kalana sagxadda fadhiyaan, ayaga oo weliba ku doodaaya in ay howlaysanyihiin ama mashquulsan yihiinba.

Waa hubaal in qof kasta oo mashquulsan uusan howl fiican qaban, waaxaa suura-gal ah in aad maalin iyo habeen shaqayso haddana aadan gaarin wax miro dhal ah, dhanka kale waxaa suura gal ah in aad shaqaysid waqti yar, howl miro dhashana aad qabatid, in aad is daaliso oo aad hinraagto waxaa ka fiicaan in aad maskaxdaada ku jahayso waxa kuu muhiimka ah, adiga oo meel iska dhigaaya howlaha aan muhiimka kuu ahayn, su’aasha halkaan la iska waydiin karo oo markiiba soo boodaysa waa sidee ayaan amminkeyga ugu qaybiyaa howlaha ii yaal? Sidee ayaan xilliyadeyda u maaareeyaa? Waa waydiinta aan rabo in aan maqaalkaan uga jawaabo, waydiintaas waxaa naftiisa kula showraya ruux walba oo han leh doonisna ay maanka kaga jirto , qof walba oo raba in uu waqtigiisa u adeegsado halka ay muhiimka tahay.

Maaraynta waqtigu: waa qaabka loo habeeyo, loona qorsheey, sidoo kale loo agaasimo howlaha markaa mudan in laga shaqeeyo ayada oo la tixgelinaayo u kala qaybtina waqtiga howlhaas, muhiimad gaar ahna la siinaayo howlba howsha ay ka mudan tahay.

Maamulidda iyo maaraynta waqtigu waxa ay qofka u sahlaan awoodna u siiyaan inuu shaqeeyo waqti yar howl la mahdiyana qabto hab-muusna uu ku helo, taasi mucjiso iyo waxaan suura gal ahayn ayey kuula muuqanaysaa haddii aad tahay qof aan muhiimad siin maaraynta waqtiga ama aan garanayn faa’iida ay leedahay in waqtiga la maareeyo lana agaasimo howlaha.

Sidaan wada ognahay ama isla qirsanahayba waxa qofku noloshiisa ugu baahi badan yahay waa in waqti dheer la siiyo, balse waxaa hubaanti ah in dadka qaarkood waqtigooda si aan habboonayn ama aan haggaagsanayn u adeegsadaan.

Maamulka waqtigu haddii uusan qofka u saxnayn khasaaro wayn ayuu ku jiraa, basle, haddii qofku waqtigiisa si miisaaman oo maamulan u adeegsado waxa uu ka helaya faa,iidooyin fara badan oo ay ugu waa wayn yihiin kuwaan soo socda:

  • Waxa uu qofku noqdaa qof wax soosaarkiisu badan yahay , tayadiisuna heer sare tahay.
  • Kalsooni iyo welwel la’aan ayuu ku noolaadaa qofka agaasimidda waqtigiisa ku guulaysta.
  • Waalaac yari iyo guulo is daba jooga ah ayuu saaxiib la ahaadaa had iyo jeer.
  • Kansho kasta oo hortimaadana waa haleelaa, si xowli ahna waxa uu u gaaraa hormar la taaban karo.

Haddaba si aad u hesho faa’iidooyinkaan iyo kuwa kale oo fara badan waa in aad ogaal fiican u yeeelataa habka loo maareeyo ama loo agaasimo waqtiga aad haysato ha badnaado ama ha yaardo e. Talaabooyinka loo qaado maamulidda waqtiga.

Suuragal ma ahan in waqti tegay laga daba tago ama waqti laga faa’iidaysan waayay dib loo soo celiyo si loo adeegsado mar kale oo waata soomaalidu waxay ku hal-qabsata: waqti tegay tiigsi maleh. Saacadda kaaga baxday macno darri, in aysan dib kuugu soo noqonayn, waad ila qirsan-tahay akhristow sow ma ahan? Haddaba si aad waqtigaaga si sax ah uga faa’iidaysato waa in aad qaaddaa subax walba tallaabooyinkaan hoose.

  • Qor ama Tix dhammaan howla aad rabtid in aad qabato. Tani waxa ay kuu fududaynaysaa in aad ogaato dhammaan howlaha ku yaal, si taas la mid ah waxay meesha ka saaraysaa in aad illowdo shaqo ku taallay, waxa aadna si fudud u kala garanaysa howlaha muhiimka ah iyo kuwa aan sida wayn muhiimka u ahayn.
  • Howlaha waa wayn u kala jebijebi qaybo yar yar. Kala jebjebintu waxa ay kuu sahlaysaa in aadan howlaha ka caajisin, dhibsan si xammaasadi ku jirtana aad u qabato.
  • Mar walba oo aad howl dhamayso nasasho yar qaado. U shaqaynta si xariir ah ama si is daba joog ahi, waxa ay nafta ku qasabtaa in ay daasho, shaqadana nacdo, kadibna ka fadhiisato, si aysan taasi u dhicin waa in aad nafta marwalba dhiirrigelin la daba joogtaa.
  • Hoosta ka xarriiq caqabdaha maalin laha ah ee kaa hor yimaada. Waxaa la yiraahdaa ogaashiyaha caqabada ama dhibka jira waa xalka barkiis, haddii aad ogtahay dhibka ku haysta waxaad u dhowdahay in aad xal degdeg ah keento, si taas la mid ah waxaad ku dhiirranaysaa in aad siyaadiso awooddaada fikir si aad uga gudubto caqabadda markaa jirta.
  • Dib u dhigashada iyo howl bar uga tegidda jooji waxaa jirta xigmad carbeed oo tiraahdaa: ma jirto doqonnimo ka wayn in aad dhinto arrin aad dhammays tiri karto. Dib u dhigashadu waa dilaha waqtiga, haddii qofku dib u dhigasho barto waxaa ka halaaba jadwalka waqtiga.

Gunaanad

Haddii aad maamulidda waqtiga xariif ku noqoto waxaa hubaal ah, in aad noqonaysid qof ku nool nolol welwel iyo walaac la,aan ah, wax soo saarkaaduna waxa uu noqon doonaa tiro beel aan la tirin karin, halka tayadaaduna ay badan-doonto, u shaqaynta si maskaxi ku jirto waxa ay ka macaash badan-tahay u shaqaynta si adag.

W\Q: Cabdisalaan M. Xersi




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.