Qeybta 2-AAD

Qiimaha bisha Ramadaan

Maqaallo Keydmedia Online

Fadliga bisha Ramadaan waa mid ka balaaran in la koobo, Rabbbi (swt) baana noo sheegay inay bishaas maalmeheeda kamid tahay habeen ka khayr badan kun bilood, oo noqonaysa 83 sano iyo dhawr bilood, adaba waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Qiimaha bisha Ramadaan

Habeenkaas oo liyraahdo (LAYLATUL QADAR) habeenkii sharafta, ama darajada sare. Taasina waa nicmo uu Rabbi siiyay Ummada Nabi Muxamad (scw) ee uu Rabbi ka dhigay Ummad ka cumri gaaban umadihii ka horeeyay oo dhan. Kadibna uu doonay inuu ugu badalo Cumriga gaaban fadli aad u sareeya oo ayna umadihii hare heli jirin.

Habeenkaa isaga ahna Rabbi (scw)  bisha ayuu ku dhex qariyay, oo sicad laynoo guma sheegin, maxaa yeelay Rabbi (swt) wuxuu inala rabaa inaan bisha maalmeheeda oo dhan cibaaday-sano, isagana usii dhawaano. Rasuulkeena (scw) ayaa noo faahfaahiyay fadliga iyo qaybaha bisha, wuxuuna yiri (10 maalmood ee hore waa Raxmad, 10 dhexana waa danbi dhaaf, 10 danabana naartaa laga xoroobaa). Taasina waa tartiib layaab leh, oo inooga baahan inaan u fiirsan… Raxmad, Danbi dhaaf iyo naar kaxoroobid.

Culima qaar macneeyay xuruufta kalmada Ramadaan, oo yiri:
R: raxmad
M: Maghfirah-Danbi dhaaf

  •   ballan qaad Janno
  • amaanun mina annaar - Naar ka xoroobid

N: Nuurun mina Allah- iftiin xag Alle ka yimid.

Hadaan isku dayo inaan arintaa ku soo dhaweeyo tusaale yar waxaan oran karaa;  hooya kasta ilmaheeda aad bay u jeceshahaym waxayna aad u jeceshahay inay iyada u dhawaadaan akteeda ku ciyaaraan. Haday aragto ilmaheedii oo soo haraaday baahi, oon iyo wassakh ay kala goosteen, waxay samaynayso waan wada fahi karaa. Inay naxdo fadhiga kaboodo, canugii qabto, musqusha kula cararto, dharkii wasakhda ahaa ka-bixiso, wasakhdii saabuun kaga dhaqdo, Saliid iyo Boder u mariso, kadibna ay dhabteeda ku seexiso ama agteeda fariisiso siisana Caano iyo Cunto kolba waxay u haysay. Intaa kadib ayuu canugii farxaa qoslaa soona gaaraa halkii ay hooyadii la rabtay, lana qososhaa una heestaa.

Hadaba qofka Muslimka Rabbigii (scw) abuuray ayaa uga raxmad badan ilmaha hooyadiis, waxaana badan inay adoomihii isku haleeyaan Danbi, Fisqi, Rabbi kafogaan iwm. Kadibna soon baa usoo galaya, Mu´miniintiina way soo mayaan, Rabbi bayna u soo laabanayaan, wuxuuna arki Rabbi (scw) iyagoo ka fogaaday kana dhex baxay Danbigii iyo xumaantii ay ku dhex jireen, wuxuuna ku fiirin il raxmadeed. (Hooyadii ilmaheeda Xaalkiisa ka naxday) tobankii 2aadna Danbi dhaaf, wassakh ka dhaqid iyo nadiifin iyo carfin, siuu u gaaro xaaladii u saraysay ee raali ahaan-shaha; naar ka xoroobid. Oo qof aan naxariis iyo jacayl loo haynin lama dhaqo-carfiyo, qof aan la nadiifinina magaaro darajada raali noqoshada.

Hadaba Xadhiith kaa koobani waa cashir aad u qaayo dheer, qofka Mu´minka ahna siinaya fursad aad u qiimo badan. Waxaa kaloo Xadhiithkaa sii dhamaystiraya Xadiith kale oo oranaya; Saxaabada ayaa maqlay Rasuulka (scw) oo oranaya (Aamiin Aamiin Aamiin) ayagoon wax duca ah maqlin, kadibna Rasuuka ayay weydiiyeen, maxaad aamin u lahayd. Wuxuuna ugu jawaabay Jibril baa habaaray sadex qaybood oo dadka kamid, waxaana kamid ahaa qof soo gaaray Ramadaan oo aan mudanin inuu Rabbi (scw) udanbi dhaafo.

Waxaana fahmi karaa weynaanta culayska ay leedahay arinta uu Jibril la habaartamay, Nabi Muxamadna (scw) u jiibiyay; Aamiin u yiri. Oo qof waliba wuu dareemi karaa xumaanta iyo dulinimada ay leedahay qof kayimid meel ay dadkeedu dhamaan dharag-sanyihiin, isaguna baahi la-ildaran, maxaa kasoocay dadka oo isaga duliga ku riday. Waa sidaas oo kale qofkii kadhex baxa Ramadaan isagoo aan Rabbigii (swt) ka mudanin xarmad, danbi dhaaf iyo naar ka-xorow.

Bisha Ramadaan markay dhalato Rabbi (swt) wuxuu ugu kaalmeeyaa dadka Mu´miniinta inuu xabsiga u taxaabo dhamaan shayaatiintii dadka dhumin jiray, xoog iyo awood badana siiyo Malaa´igta dadaka Khayrka iyo wanaaga farta ama ku dhiira galisa. Xadhiith Qudsi ah wuxuu Rabbi (swt) kuyiri, adoomahayga acmaashooda oo dhan iyagaa iska leh, Soonka ma ehee, Soonka anaa iska leh, anaana ka abaal marinaya. Waana arin tusinaysa Soonku inuu yahay; cibaado aad u saraysa ahna Sir ka dhaxaysa Adoonak iyo Rabbigiis (swt) oo qof kale uusan ogaana karin, qiimqayna karin, abaal keedana bixin karin.

Wuxuu yiri Imam la oran jiray ibnil Jowsi; bilaha Sanadku waa 12, sida ay wiilashii Nabi Yacquuba u ahaayeen 12, bisha ramadaad waa bisha uu Rabbi u jecel yahay bilaha, sida uu Yuusuf u ahaa wiilka uu Yacquub ugu jeclaa wiilashiisa. Rabbi 11 wiil ee kale wuxuu ugu danbi dhaafay fadliga Yuusuf, sidoo kale dadka mu´miniinta ah danbiyada ka dhaca 11 bilood wuxuu Rabbi u dhaafaa bisha Ramadaan.

Waxaad sugtaan qaybtii 3aad

Dr. Axmad Cabdulahi - KEYDMEDIA




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.