Qeybta 3-AAD

Qiimaha bisha Ramadaan

Qeybta Koowaad ee Qormada - Bisha Ramadaan waa bil dadka Muslimiinta ah u leh qiimo aad ubalaaran, oo uu Rabbi ugu tala galay inay kasbadaan Ajar iyo xasanaad aad ufara badan. Iyagoo maalintii soomaya, habeenkiina tukanaya, ducaysanaya, Qur´aankana akhrinaya. Tani waa qormadda Jimcadda ee arimaha Bulshada, Diinta & Suugaanta ee Keydmedia Online. 

Maqaallo Keydmedia Online
Qiimaha bisha Ramadaan

Waxayna u dhawaadaan xaalada Malaaigta oo ay shaqadoodu tahay kaliya inay Rabbi caabudaan, iyagoon ku mashquulaan Guur, Ganacsi, Shaqo raadin, ilmo korin iwm. Qofka Muslimka ahina bishan barakaysan tilmamahaas badankooda ayuu layimaadaa isagoo kanasta dhibkii shaytaankii fari jiray xumaanta, sharta, wahsiga, bakhiilimada iwm, wuxuuna aad ugu mashquulaa inuu Rabbi u dhawaado, danbi dhaafna weydiist, kana baryo inuu naarta ka xoreeyo.

Ujeedooyinka Soonkana waxaa kamid ah inay qofka sooman calooshiisu dareento Baahi iyo harraad, kadibna ay xasuusato, Rabbigeed iyo dhibka ay qabeen bilaha oo dhan dadka Masaakiinta ah, ee aan haysanin waxay cunaan. Islamarkaana baahida iyo harraadku ay caloosha ka xaaqaan wassakhdii, Subagii iyo baruurtii ku hartay caloosha luuqyadeeda.

Waana sida uu yiri Rasuulkeenii (scw) (Dad yahaw sooma aad caafimaadeene) taasina waa mid lahubo oo ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta casrigan joogta. Hadaba waxaa larabaa qofka muslimka ahi markuu sisax ah usoomo inay Iimaankiisa iyo Alle kacabsidiisu kor u kacaan, miisaankiisa iyo hilibkiisuna hoos udhacaan! Hadaan taa lahelin oo qofkii muslimka ahaa bisha Ramadaan uu cuntada ka cuno intii hore in kabadan, kadibna uusii cayilo, sii buurto waxaa cad inuusan beegsanin ujeedadii Soonka ee saxda ahayd. Illaa qofka bani aadamka ahi wuxuu ka samaysan yahay 2 Unug oo kala duwan:

   1. Jirka oo ka samaysan Carro ama dhooqo, siuu u korana ubaahan cunto, cabitaan, raaxo ama nasasho, jimcsi iwm.
   2. Nafta ama Ruuxda oo ah sirtii Ilaahay uu ku afuufay aabeheen Aadam, siay u kortana waxay u baahan tahay inay u dhawaato Rabbi, kuna diirsato Nalka Iimaanka, waxyiga, ku toosida Xaqa iwm.

Labadooduna inta badan way is dhibaan oo waxa mid urooni kan kaluu dhibaa, markay naftu raaxaysato, xaga Rabbi u shaqaysato Jirka ayaa daala, xanuunsada, baahda, daciifa. Markuu jirku dhargo raaxaysto, badsadana hurdada, nasashada, cuntada iyo cabitaankana naftaa   dacdaroota, baahata, jirrata. Sidaa darteed Soonku waa wakhtigii uu Rabbi ugu talagalay inay naftu kobocdo raysato horumar samayso.

Hadaba waxaa laga rabaa qofka Muslimka ah inuu aad Ugu farxo ugu Riyaaqo imaatinka bisha barakayan, maxaayeelay waxay usidaa Raxmad, Danbi dhaaf, naar ka-xorow, caafimaad, inay barato Sabarka iyo dulqaadka, inay xasuusiso dareenka Sadaqo bixinta iyo dhika-qaadida dadka masaakiinta ah.

Soonkuna maadaama uu sidaa u qiimo badan-yahayna, waxaa looga baahan yahay qofka Muslimka ah inuu barto waxa soonka wanaajiya iyo waxa jabiya ama Ajarkiisa buriya.

  • Soonka waxaa jabiya, Cunto iyo cabitaan, galmo ama qofkii oo Niyadii badala, inuu soonkii jabiyo niyaysta, xattaa haduuna waxba cunin.  
  • Balse qofka soomani haduu cuno ama cabbo isagoo ilowsan, soonkiisii majabayo, xattaa qalle lagama rabo.
  • Halka uu qofka cunta Cunaa intayna qoraxdii dhicin, isagoo moodaya inay dhacday, ay qassab ku tahay inuu maalintaa soo qalleeyo.
  • Daawada lacuno (kiniinka ama sharoobada iwm) Soonka way jabinaysaa, balse hadii qofka lagu duro Irbad daawa ah, Soonkii kama jabayo, hadyna ahayn Daawo lagu lifaaqay cunto ama nafaqo Jirku ku kobcayo.
  • Mantaga layska keenaa Soonka waa jabinayaa, lakiin haduu ku soo dhaafo waa uun layska dhaqi Soonkiina majabayo.
  • Galmada maalinta Soonku waa Danbi weyn, waxaana ka dhalanaysa Ciqaab adag, balse haday lamaanihii isqabay habeenkii isu tagaan, waagiina u baryo iyagoon qabaysanin, wax dhibaato ah maleh, subaxdii unbay qabaysanayaan soonkoodiina waxba kama hallaabayo.
  • Waxaa kalo Soonka jabiya inuu qofkii soomanaa shahwo ama biyo iska keeno, isagoo Xaaskii lays taataabtay, amaba uu gacantiisa isticmaalay.
  • Qabaysku Soonka majabiyaa? Maya majabiyo, balse qofku haduu rabo inuu is qaboojiyo, Oonkana iska yareeyo Ajarkiisuu hoos u dhigayaa, haduuse qofku soo shaqeeyay soo dhididay waxaa larabaa inuu qabaysto, maadaama uu Islaamku nadaafada aad ujecelyahay una uqadariyo.
  • Qofka soomani macadaysan karaa? Haa wuu cadaysan karaa, waqti kasta maxaayeelay Cadaygu waa Sunna aad u qiima badan, qofka Muslimka ahna laga rabo inuu badsado.

Soonkuna madaama uu yahay Cibaado aad u qiima saraysa, wuxuu Islaamku nabaray in lagu dhamaystiro 2shay oo qurux iyo wanaag ku dhamaystira:

  1. Ictikaaf oo macnaheedu yahay inuu qofka sooman ee kari karaa  10ka habeen ee bisha ugu danbaysa ku xaroodo Masaajidka, oo uusan kasoo bixin illaa wax lamahuraan ah ma ehee, sida inuu jirado oo dhakhtar aadayo oo kale. Taasina waa cibaado uu rasuulkeenii aad ugu dadaali jiray (scw). Waa mid sii adkaynaysa inuu qofka Muslimka ahi bisha Ramadaan ka fogaado jacaylka Aduunayada hawada nafta, oo uu Rabbi sifiican u caabudo, kuna mashquuo jacaylkiisa, xusuustiisa, akhriska Kitaabkiisa iwm.
  2. Sakada fitriga, ee labixiyo, dhamaadka Soonka inta ka horaysa Salaada Ciida. Waana sadaqo larab in laga bixiyo qof kasta oo Muslim ah, oo noolaaday qayb bishii Soon kamid ah iyo Maalinta Ciida ah, haya-raado ama hawey-naadee. Waxaana larabaa inay Soonkeenii Caraf iyo qurux ka buuxiso, Masaakiintana u noqoto maalinta ciida ah farxad, siayna maalintaa barakaysan uga fikirin waxay cuni lahayeen, ama ayna baahi la xanuunsanin.

Rabbi waxaan ka baryaynaa inuu Soonka naga aqbalo, danbigeenana dhaafo, naartana naga xoreeyo...

Wadankeena nabad ku soo dabaalo, umadeena Jidka khayrka iyo nabad ILLAHAY HA tuso. Aamiin!

Dr. Axmad Cabdulahi - Axmad72@hotmail.com - KEYDMEDIA




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.