MADAALAHA LUG-GOOYADA !!!

Taariikhda dunida laguma arkin lagumana maqal nin ku hamiyay inuu kaligiis hogaan u noqdo dal iyo bulsha dhan isala markaana uu wada helo awoodii Baarlamaanka, tii golaha wasiirada, tii Madaxweynaha, tii ciidamada IWM, waxaase arinkaasi markii ugu horeysay lagu arkay Soomaaliya.
Maqaallo Keydmedia Online
MADAALAHA LUG-GOOYADA !!!

Dalkan mudo 20 sano ah kama hanaqaadin dowlad waxtar leh waxaana dhamaan shirirkii dhacay dowladihii lagu soo dhisay ay eersadeen looma dhamo iyo wax la mid ah taasoo dhuun qabad ku noqotay shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah.

Horaantii sanadkii hore jabuuti waxaa lagu soo dhisay dowlad ay ku kulmeen laba koox oo afkaar ahaan dirirsanaa kuwaa oo kala ahaa Maxkamadihii dagaalka ku jabay qeyb ka mid ah oo ay weliyaan rag ka gadooday baarlamaanka oo kala tirsanaa kooxda asmara iyo inti ka hartay Dowladii C/laahi yuusuf uu madaxda ka ahaa.

Mudadii hore nidaam macquul ah ayeey howsha ku socotay laakiin qas iyo fowdo waxa ay bilaabatay markii wasiirka Maaliyada laga dhigay shariif Xasan isla markaana uu ka qeyb galaya kulamo is xig xiga oo caalaami ah ayna gacantiisa soo gaaray dhaqaale badan oo loogu yaboohay dowlada ayuu bilaabay siyaasad sergaxan oo seef laba af leh loo adeegsanayo.

Sheekooyin siyaasadeedka Shariif Xasan ee ku dhisan  dhabar iska dharbaaxa waxa ay ahaayeen kuwa mudaba hoos ka socday laakiin waxaa lagu baraarugay markii uu Aadan Madoobe ka eryay xilkii gudoonka Baarlamaanka isla markaana isaga oo aan lagala xisaabtamin dakhligii wasaarada Maaliyada uu fariistay kursiga gudoomiyaha Baarlamaanka.

Iminkaba iskaba daa’aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta qalbiga nadiifka leh waxaa gartay oo fahmay in shariif xasan uu yahay nin gadgadoon badan caruurta xaafadaha ku ciyaarta ee aan siyaasada shaqaba ku laheyn waxaana arinkina ay timid kadib markii sheekadaasi ay gaartay guri walba oo qof soomaali ah uu ku noolyahay.

“Shariif Xasan waa ninka qasay umada, cid walboo is qabsata waa dhex taaganyahay, waxa uu lunsaday lacago badan, waxaana ka codsaneynaa beesha caalamka in ay maxkamad saarto” sidaa waxaa yiri gudoomiyaha guuritda siyaasada beelaha Hawiye Shiikh Ciise Axmed Dalbeey (Ciise Dheere) oo wareysi siiyay Keydmedia.

Waxa uu hadalkiisa ku sii daray “ hadaan nahay wax garadka degan gobaladan waxaan baaris ku sameyn doonaan kiisaaska hagar daamada ku dhisan ee shariif xasan kamana hareyno ilaa aan meel cad ku soo xirno arinkiisa”.

Khilaafkii ugu danbeeyay ee iminka ka dhex aloosanaa R.wasaarihii xilka iska casilay Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne shariif waxa uu ahaa ninkii abuuray gabi ahaan khilaafkaas, waxaana markii ugu danbeysay uu ahaa ninkii xaliyay ee isu keenay labada mas’uul kana dhaadhiciyay Sharma’arke inuu xilka isaga tago shariifna ku xiray shuruud adag.

Shuruud uu Madaxweyne shariif ku xiray waxa ay aheyd inuu ka balan qaado in R.wasaaraha cusub ee la magacaabi doono uu noqdo mid %50 dhageesta shariif xasan taladana ka qaata, isla markaana wasiirada la magacaabi doonana ay noqdaan kuwa uu raali ka yahay isaga madaxweynahana arinkaas waa uu aqbalay oo marqaatiyo ayeey laheyd.

Hanka Shariif Xasan waxa uu yahay sida ay sheegayaan rag saaxibadiisa ah in mucaarad iyo muxaafad inta dalka joogta ay isaga hoos imaadaan waaba sidaasoo uu ku yahay nin aqoon laheyn isla markaana kaliya ka soo baxay dugsi sare.

Waxaa hubinti ah bey leeyihiin dadka lafa gura arimaha siyaasada in hadii madaxweynaha uu hareer maro balanka marqaatida leh ee uu la galay shariif xasan ee ku aadan qaabka xukuumada soo socota in laga diyaarin madaxweynaha qudhiisa mowshin fowda ku dhisan isla markaana ugu danbeyn booska looga bixin doono.

Xildhibaano yar oo dareen wadaninimo leh oo ka tirsan baarlamaanka oo mararka qaar isku daya in ay saxaan qaladaadka jira shariif xasan uma ogolaado fursad ay ku hadlaan aragtidoodana ay ku dhiibtaan halka kuwa kale ee wadaniyada iyo dalka qiimaha u heyn uu ka habo lacag isla markaana uu isaga adeegto.

Madaxweyne shariif rag badan oo ay saaxib ahaayeen tan iyo waayadii Maxkamadaha waxa ay isku waayeen damaca waalan ee shariif xasan, ma moogo oo waa uu dareensanyahay qaska socda Madaxweynaha laakiin waxaa jira xishood iyo xiriir hoose oo xila wadaag ah, waxaase wanaagsaneed in qadarinta shaqsiga laga hor mariyo danta Dalka iyo dadka.

 

W/Q Abdulkarim Haji Seeko - keydmedia Correspondent




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.